Macallinnimo maalin ah W/Q Ramla Gobdon

Ramla

Macallinimo maalina

Dhallinyaro aad u badan, oo ka kala timid dalal kala duwan, waddankana ku cusub ayaan nahay. Keenna ugu badan wuxuu joogaa labo sano! Maalin walbo oo Isniin ah, waxaan aadnaa xarun magaalada ku taalla, oo si gooni ah nooga caawisa ku hadalka luuqadda, maadaama aqris iyo qoraal aan xoogga saarno markaan iskuulka joogno, sidaas daraaddeed, bey naga caawiyaan inaan ku hadalno.

Meesha waxaan u tagaa faa’iideysi iyo waxkororsi, ayagana sidoo kale. Ma moodeyn inaan u faa’iideen karo kuwa kale!

Xilligii uu cashirku billaaban lahaa, ayaan ka soo dib dhacay, wax aan daqiiqad dhammeyn, in kastoo dadka badankood ay yimaadaan, markay bar dhaafto saacadda uu billaawdo cashirka.

Saddax macallin ayaa nala joogi jirtay, balse, hal macallin ayaa joogay maalintaas. Markaan soo galay fasalka, anigoo aanan fariisan ayuu macallinkii igu yiri:

Luuqadda si fiican baad u taqaanaa, ee labadaa koox la shaqee!” wuxuuna isiiyay waraaqado ay ku qoranyihiin, sida aan howsha u sameyndoonno, wuuna iga tagay! Waa runtiis oo waan aqaannaa, balse, ma gaarsiisana heer aan dad macallin u noqdo.

Anigoo yaabban, oo ku fekeraaya, sida aan labo saac oo dhan u caawin doono, dad meesha u yimid sababtii i keentay oo kale, ayaan dhinacooda u dhaqaaqay. Si diirran ayay isoo dhaweeyeen, anna weji furfuran ayaan ku galay, wey is key bareen, oo anna waan is baray ayaga, kadib waxaan u sheegay howsha aan qabandoonno. Waxaan weydiiyay qofka u horreeyo ee billaabaayo, kulligood anigey igu soo riixeen inaan billaabo is barashada, markaan billaabay kadib, mid kasta wuxuu ku tartamay inuu noqdo kan igu xiga. Si fiican ayuu cashirkii ku furmay, anigoo jawigayga uu ka dagganyahay sidii hore, ayaan u tagay kooxdii labaad, si la mid ah kuwii hore ayay noqdeen ayagana.

Waa dhallin wanaagsan, madadaallo iyo ixtiraam badanna leh, marba kooxdii ii wacda ayaan u tagaa, oo aan u soo sharxaa meeshey fahmi waayeen. Anigoo dultaagan oo aan u dhammaynin ayay kuwii kale ii yeeraan. Dareenkaygii cabsida iyo walwalka ku billawday, wuxuu isku baddalay farxad iyo kalsooni. Waxaan eheyn labada koox ee igu shidan goobta.

Mar qura ayaan ka war helnay macallinkii oo na leh:

Waqtiga wuu dhammaaday, waxaan ku ogeysiiyay in xilligii la baxaayay ay tahay” waxaan dhallintii weydiiyay:

Siduu ahaa cashirka iyo in ay jiraan wax aysan ka helin” mid walbo wuxuu billaabay inuu ii mahadceliyo, sidii in aan ahaa macallin sax ah!

W/Q: Ramla Gobdon

 

SHEEKOOYIN