Mar baan Masaajidkaa ka xannaaqi gaadhey!

Mar baan Masaajidkaa ka xannaaqi gaadhey!
Waa odey waayeela. Wuu warramayaa. Wuxuu yidhi: waxaa aan ahey nin muruq-maala. Waxa aan ka shaqeeyaa dhismaha. Waxa aan leeyahay toddoba carruura; Illaahay baa lehe. Meel kale waxba igama soo gallaan, aan ka aheyn kuuligaa. Isaga waad taqaanaayoo, maalina waa la helaa, maalina waa la waayaa. Wixii isoo gella, waxa aan ku masruufiyaa reerkeyga.
Waxaa igu dul dhammaadey kabbihii. Waxa aan goosan kari waayey in aan beer iibsaddo. Wixii yaraa ee aan shaqeeyana, waan isku quudhiwaayey. Nin abeydin ku cabbaadayaan, arrin culus ayaa dulyaal.
maalin Jimce ah gallinkeedii dambe, aniga oo u diyaargaroobaya in aan suuqa u dhaadhaco ayaan soo galley qolkii ay ku jirtey afadeydu. Waxa aan isa soo dul istaagey, iyada oo gambadh ku fadhida.
Qoorteedu waxa ay u foorartey hoos. Waxa ay ku foogney surwaalkii iskuul ee inanka carruurta u roon. Waxa ay tolleysey surwaalkaa dawaar-furmey. Iyada oo iska baraad la’ ayaa waxa ay dareentey hummaaga hadhkeyga. Intey hoos ilaa kor ii eegtey; kabbaha ilaa madaxa eyey tidhi:” jaamacow, maanta xarrago ayaad la dhaceysaa.! Waxa aad u lebbisatey sidii dhallinyarnimadaadii. Iyadoo dhoolo caddeyneysa eyey ii raacisey, laakiin kabbihii wey kugu dul duugoobene, bal kuwo kale iibso.!
“Maxaa aan iibsadaa, sowdiga og; waxa aan soo shaqeeyo in aaney nolol-maalmeedkeenaba dheereyn” ayaan ugu warceliyey.
“Saaka waanigii ku lahaa, waxa aan gaadhi gurigii wallaalo Cabdiraxmaan, waanigii tagey. Alle ha barrakeeyee, wuxuu isoo siisey waxoogaa lacaga. Waxa ay inoo goyneysaa, wax labba cesho reerka dabka loogu shido. Sidaa awgeed, intan maanta aad soo xoogsatey, suuqa la gal. Waxa aad deydayataa kabbo adag oo maasa.”
“Masha Allaah, ee bal waayahey; kheyr baad sheegtee”. Inta aan qalbiga hoos uga duceeyay ayaan cagaha wax ka dayey. Waxa aan tagey suuqii. Waxa aan iibsadey kabbo maddow oo aan markii indhaha aan saareyba, dookheygu raacey.  Halkii aan ka gatey anoo ka dhaqaaqin ayaa aan isaga dhiliyey kuwii raabuqa ahaa. Waxa aan isku jufey kuwii cuseybka ahaa.
Markii saddex cisho aan xidhnaa ayaa maalin waxa aan la tagey Masaajidka. Sallaaadii baan galey. Markaan dhammeystey ayaan usoo dhaqaaqay halkii aan dhigtey.
Waan hoomaayey meeshii.  Ma yaallaan ba kabbohii.! Tallow maxaa la tagey? Yaab iyo amakaag. Waan iska fadhiistey. Dadkii Masaajidka ku jirey wey wada baxeen. Kalidey baa ku soo hadhey. Hadda, waxa aan xaqiiqsadey in la qaatey kabbihii.! Haba la-xadee, wax aan cagaha galiyo, xitaa kama tagin. Tanina, waxaa ay marag-ma-doon u tahay, in loo kasey.!
Waxa aan u tagey Imaamkii Masjidka. Wuxuu fadhiyey halkii uu Sallaada ku tukadey. Inta aan sallaamey ayaan agfadhiistey. Waxa aan la wadaagey sida wax u dhaceen. “Subxaannallaah… Subxaannallaah; bal eeg qofkaa Gurigii Illaahay wax ka qaaddanaya; ayaan-darrane weeyaan.” Ayuu yidhi. Intuu kacey ayuu soo noqdey, isaga oo labba beer gacanta ku wada . Waxa ay ahaayeen kabbo dacasa.
“Hoo, kuwan gasho oo anigaa lehe, iska qaaddo, hana soo celin”, ayuu yidhi.
“Aad iyo aad baad u mahadsan tahay wallaal”,ayaan ugu jawaabey. waana iska soo baxey. Maxaa kale oo sameeyaa dee haddaa.
Intaan suuqa tagey, ayaan kabbo kale oo cusub iibsadey. Maalintii labbaad ayaan tagey isla Masaajidkii. Markii aan sallaadii tukadey, ayaan is idhi kabbahaagii qaaddo. Maxa aan qaadan,Maba yaallaan meeshii!.
Maxaa qaatey? Mooyi.!  Fajac ayaa igaley, dabadeed waan iska fadhiistey. Xannaaq ayaan miyir-doorsoomey. Xannaaqii shaley, waxa iigu biirey kan.
Ciilkii iyo calloolyowgii horeba igama dhammaan; sow shalley uun may aheyn, markii la xaddey kabbihii cusbaa… waxani ma wax aniguun I eeganayaa?…
Ma waxaa la arkey nin labba cisho oo isxigga, kabbo lagaga xaddo Masaajid?.. Yaa muslima oo Illaahay yaqaan.. Gacantu ku go’dey ma idhaa… lakiin waxba habaarimaayo’e, waa ilmaheyga oo kale; hadalladdan oo dhan, waxa aan ka lahaa niyadda.
Markii aan cabbaar fadhiyey, ayaan soo kacey. Halkii ayaan ka eegey, ileen naftu quusanmeysee. Kolba dhinac ayaan ka eegey. meel aanan dhigin, ayaa xitaa ka eegey. Masaajidkii cidhif kasta waan marey.waxaa igu sii siyaaddey uur-xummo.
Waxa aan bilaabey fikir. Waxa aan hoos isku idhi:
“Immika, waadigaa waayee,maxaa aad sameyn… maxaad ku bixi, ma caggo-caddaan… ma wadaadkii shalley kabbo kuu dhiibay, ayaa aad maantana kabbaan waayey odhan….sow i la yaabi maayo.” Waxaa aan ku dhex daalley Masaajidkii, sidii kolba u dhex socdey.!
Waxa aan xaqiiqsadey in kuwana maqan yihiin, loona qaatey sidii kuwii horeba  loo qaatey.! Alle-qaad, waa wax imaanka laga qaadey, ayaa qaatey.!
Waxa aan Masaajidkii kasoo baxey, anoo baabacada dhigaya. Dhulka aan marayaa waa dhagax. Waxa aan dareemayaa wax i mud-muddaya. Si caaddiya uma tallaabsanayo oo kolba addin ayaan qaadayaa. Aayar baan socdaa.
Waxaa aan iska ilaaniyaa iney i muddaan dhagaxda iyo qoddaxda. woxoogaa markaan lugeeyey,Waxa aan galley tukaan u dhawaa Masaajidka.
Wax lacaga, waxaa jiibka iigu jirey siddeed kun oo shillin.Waxa aan ka iibsadey labba beer oo dacasa.
Waxa aan usoo jiheystey, dhankii reerkeyga. Aniga oo iska lugeyna, marayana meel dhexe, waxa niyaddeyda ka guuxayey, wixii I qabsaddey.
Sida fillin aan daawanayo, ayaa kolba la isoo hor mariyaa.! Aniga oo iska yara mashquulsan ayaan maqley cod.  Waan istaagey. Xagga dambe ayaan deymoodey. Waxa soo muuqda nin.
Wajigiisa ma garran. Codkuun baa isoo gaadhayaye, in doora ayuu I jirey. Hummaaggii, marba mar ayuu kasoo dhawaaddey. Alla! Haddaan gartey. Waa odeygii Xasan ee wastaadka ahaan.
” Waar Jaamac bal warran?” Annuu sheedaan kaa gartaye”. Adigu waadigii sidaa uun isoo eegayey ee hadli waayey.” Malaha imaad garaneyn”. Ayuu igu yidhi.
“Waar waa runtaa.. kumaan garaneyn, jeerood isoo dhawaato.” Ayaan ku idhi.
” Kawarran reerihii iyo carruurtii?”
“Waa la wada nabad qabey; Illaahay baa mahad leh”
Xassan: ” waar maanta si buu wajigaagu u yara maddow yahaye, maxaa ku helley?”
” Waar wax baa ihelleye; Miyaa aad aragtey, nin kabbo lagaga  xaddo Masaajid…. Oo waliba labba cisho oo isku xigga…. Waliba labba beer oo cusub”.!
” Waar waa yaab.!” Waa aakhiro samaankii eyeynu galney, ayaan filayaa.” ” Ma waxa la arki jirey, wax Guriga Ilaahey wax ka qaata”.
” Mayee, wax aynu aragney maaha, Xasanoow”
” Anigeygan Xasana, tanoo kale wey i qabsadey”.!
“Haye bal iiga warran”
” Laguu warran Jaamacoowe, maalin dhaweyd ayaan ku tukaddey, Masaajid ku yaalla suuqa hoose ee Hargeysa.” Wuxuu mid ku yaalla, Suuqa Caannaha Riyaha. Sallaaadii Duhur bey aheyd.
Marka aan foodda ka qaadey, ayaa eegey halkii kabbaha dhigtey. Waxba ma yaallaan.! Yaabey.!
Inyar baan raacdeeyey. Marka aan waayey, waan Iska soo baxey. Waxa aan dhigayaa shanta farrood.! Maqaaxi shaah oo aan Masaajidka ka fogeyn ayaa aan ku beydhey. Waxa hor fooggan odayaal. Aniga oo odayaashi uga warramaya, waxa I cagaajiyey, ayaa waxa aan indhaha qac ku siiyey nin. Wuxuu gacmaha ku sidaa kabbo. Wuxuu leeyahay, yaa iga iibsanaya… Yaa iga iibsanaya. Wax yar ayuu noo jiraa. Kolba qof meel fadhiya ayuu sidaa kabbaha ugu fidinayaa,isaga oo leh; yaa iga iibsanaya… Yaa iga iibsanaya…
Sida uu la soo socdey, ayuu ani isoo gaadhey. Sidaas uun baan u eegey Kabbihii, Illaahay ballankii waa ba iyagii.!!!
 “Adeer, iga iibso. Qiimo jaban weeyi”, ayuu yidhi.
“Adeer, wax ba kaa iibsanmaaye, Aniga ayuun baad isoo qaadey.!  Kuwani Waa kuweygiiye, kheyr hele iska soco”, ayaan ku idhi. Ninkii intuu naxey ee uu sidaa ii eegey, ayuu bahal orodda ku dhuftey, dig-dig.!
” Xasanoow, waxaa aad ku laheyd nasiib. Illaahay baa kaaga reebey… Kabbahaaga ajal baa baaqi u aheyd.!Waxaa ayaa arladii jooga; waa duni Aakhiro-samaan.”
” Waa runtaa Jaamac. Meel xun baa la marayaa…Marka aad Guriga Eebbe gasho, waxaa aad arkeysaa, kiish yar ama bac yar oo qof kasta horyaal… Maxaa ugu jira ayaad u maleyn?… Waxaa ugu jira kabbo, waayo ruux waliba, wuxuu ka baqayaa in lagga xaddo.!… Waxaa khasab ku noqotey, inuu kabbaha kiish lagu duubto oo inta la is-hordhigo, lagu dul sujuudo”.!
Waar sii nabad ahow.”.
” Waa yahay, garabkaaga.”
Marka aan Odeygii Xasan, halka isku nabadgelyeyney, waxa aan sii watey socodkeygii. Garoo, waxaa aan ku wajahanahey reerkeygii. Inyar marka aan lugeeyey, waxaa isoo muuqdey gurigii.
Waxa si fiican u dhallaalinaya cadceeda, maxaa yeelay waa jiingad aqalku. Marka aan ku sii dhawaadey, war-war ayaa calloosha I hurtey.! Waxa aan ka callool xumahey afadeyda. Waxa aan ka baqayaa sida ay noqon doonto, marka aan maantana u gallo anoo kabbihii la iga xaddey.
Caasha waa qof wanaagsan. Waa addoon qalbi xaadhan. Iyada ayaa u sabab aheyd, in aan iibsado kabbaha cusub. Cishadii kowaad ee kabbaha la iga xaddey, waxba imey odhan. Waxa kaliya oo afkeedda kasoo baxey, wuxuu ahaa:” waar iska dhaaf, waa wax aanad calaf ku laheyn.”
” Wax aanad calaf ku laheyn, lama cunno;Jaamacoow, kabbo aanad calaf ku laheyna, caggaha lama gelliyo.”!
” Hadal xaqiiqa ayaa aad ku hadashey… Jaamaheygii hore ee jeex-jeexnaa ayuun baan ku noqone..isoo bixi,”Ayaa aan ku af-celiyey.
” Bisinka! EE kuwaasi ku-noqod ma lahee… Dadkaa kula yaabi, waxa aad xidhan tahay…intii aad soo shaqeysey qaaddo maantana…Waan haystaa wax aan masaariifeysto.. intii wallaalo ayaa barakowdey oo wali wax ka sii hayaa”, eyey jawaabteedii noqotey.
Bal waayahay intaan idhi ayaan sidii ku iibsadey, kabbihii labbaad.!
Hadda eyey tallo joogtaaye, maanta maxaa aan ku idhaahdaa? Bal aan albaabka garaaco, waa kan gurigiiye.! Marka aan iridda ka galley, waxaa aan indhaha ku dhuftey, xaaskeyga oo guriga hortiisa dhar ku dhaqeysa. Waan sallaamey. Wey iga gudoontey. Waan isasoo dhinac taagey.
Dhaayaha ayey kor ilaa hoos sidaa iila raacdey. Dabadeed, waxaa ay I weydiisay:” Aawey kabahaagii cusbaa?”
“Waxaa la igaga xaddey Masaajidkii”, ayaan hoos u idhi.
Intey aamustey, ayaa anoo arkaya wajigeedii isbeddelay.! Gacmaha ayey madaxa saartey.
“Maxaa aad u ilaashan weyday, ma ilmo carruura ayaad tahay?…waxaa aad ku hadleysaa, wax nin weyni ku hadlo maaha”, eyey tidhi.
“Carruurta iyo waxaa aad ka sheekeyneysaa waa maxay… Ee wax ula hadh afkaaga. Allaa qadarrey oo la qaadey, soona noqonmaayaan,” ayaan ku celiyey.
“Allaa qadarrey, buu ku leeyahey. Alle ma qadarrine, waxaa qadarrey mooganaantaada iyo lexjeclo xumadaada.! Ma waxaa aad garanweydey, kuwa cusub dhigo, kuwo yar yar oo raageyna iska xidho, kuna tag Sallaada”.
” Afxumadda naga jooji. Malaha wax kale-doon baad tahaye. Anuu Sallaada Illaahay, ku tagimaayo wax duugoobay. Waan arkey dad badan oo sidaa sameeya oo marka ay Masaajidka kabbaha ku hor bixiyaan aad yaabeyso, waxaa halkaa kab raagtey, kuwo kala jaada iyo dacas midna casaan tahay, midna huruud tahay yaal.! Waxaa ay dadkaa Islaamka ahi, ka baqayaan in kabbahooda wacan laga xaddo.
Halkaa marka ay mareyso, ayuu hadalku naga kululaadey. Kor ayaan u hadalney. Waanu isla buuqney. Waxaa na maqley wiilkayagii weynaa oo markaa aqalka ku jirey. Waa ardey dadaal badan oo had iyo goor, wuxuu is-horhayaa buugga. Wuxuu u soo baxey dibadda. Wuxuu u soo dhaqaaqey dhankayagii.
” Hooyo iyo Aabbo, maxaa idin helay?”, ayuu yidhi, isaga oo anfariir ka muuqdo. Maxaa yeelay, waligii muu arkin, anagoo sidan u wada hadleyna. Intaanan hadlin ba, waxaa hadal la soo boodey iyadii: ” Waar Aabbahaa, wuxuu leeyahay yaan wax ba la ii sheegin… ma waxaa aad aragtey nin weyn oo gadh iyo gafuurkaa leh oo labba ayaamood oo isku xiga, lagaga xaddo Masaajid… ma wuxuu garanwaayey shalley baa lagu xaddaye, maanta ilaasho…kaaga darrane, markaasuu anigii ila yaaban yahay…. Iska aamus, Naa anaa wax arkaye…. Aduunyada ninkii aan dhiman, wax walba wuu arki”.!
” Waar islaantan yaa iga aamusiiya oo islaama… ma carruurteena horteeda eyeynu isla tirsanaa.. imika ba, haddaad Illaahay nabad ka dooneyso, kelmad dambe ha ii celin… waanu kaa xishooneynaa uune, naga xishoo…. Qaaqda ayuun baad heysaaye.”
“Aabbo, sheydaanka iska naaroo, iska aamusa. Wixii dhacey, wey dhaceene iska dhaafa; wax dhaceyna ma soo noqdaan”, ayuu wiilkii yidhi. Wuu yaaban yahay oo wali kumuu garaadsan waalidkii oo sidan u wada hadlaya. Afka igama ay heysane, halkii bey guux, qunnuunuc iyo cannaan dhegaha i gu sii jartey. Xanaaq ayaan madoobaadey. Cadho awgeed ayuu jidhku ila dubaaxiyey. Waxaa aan cuney carabkeyga. Hadal iyo huguntoona waa iga soo bixiwaayey.
Haddey afkeeda laba farrood iska saaratee, halkeedii bey kaga heysaa hadalkii xummaa.!
Goor aan gacanta laabtey mooyaane, waxaa aan ku war helay uun, anoo farogorgor u galiyey.
Bab.! Alla wey intey tidhi, eyey afka gacanta saartey. Waxaa ay isqabatey halka aan kaga dhuftey. Ina ay ka qaadey eyey gacanta baabacadeeda sidaa u eegtey. Waxaa ku yaal dhiig.! Ileen waxaa qaraxdey bishinta hoose. Durdurkii dhiigga ayaa gaadhey ilaa gadhka.! Inta ay shalmadeedii ay huwaneyd darifka soo qabsatey, eyey sidaa laba jeer ugu masaxdey. Wiilkayagii halkan agteyda ayuu naxdin-qallaley sidii qoriga. Waxaa soo baxey indhaha, madaxana wuu heysataa.! U qaadanwaa ayaa ku dhacey, waxaanu la yaaban yahay waxan hortiisa ka dhacaya.
Islaantii, intey deg-deg fukuc u tidhi, eyey dhulka haa-haabatey. Waxaa ay raadineysaa wax ay ila eegato. Waxba gacantu umey qaban. Waxaa ay miciinsatey kabteedii oo intey iska bixisey, ila soo dayatey. Xuuf, dhag.! Waxaa ay iga heysataaba wejiga.! Toogsanaa, maxay shiishi jirtey.!
Xannuun kululaa kabtu.! Waxaa sii laba jibaarmey cadhadeydii. Indhihii ayaa I noqdey kabasho dhiiga.! Waxaa aan isku soo qaadey dhankeedii. Waxaa haaw igu soo yidhi wiilkii oo intuu labada gacmood igu dhagey, i hor joogsadey. Wuxuu I qabtey gadhka, isaga oo leh,” Aabbo sheydaanka iska naar…Aabo isdaji.” Hadalkaa marka aan maqley, ayaan miyirsadey oo sheydaanka iska naarey.Afadeydii iyana waxaa ay isku soo qaadey dhankeygii. Waxaa aad moodaa sida ay u la leyso, dabeyl xoog badan.! Wiilkii, markuu arkay iney soo maqiiqan tahay, ayuu ani isii daayey. Wuxuu u jeedsadey dhankeegii. Intuu dhab siiyey, isku duubey gabigeediiba. Waxaa ay isku deyday iney xoog ku jiidho, laakiin lafo rag ayuu ku joojiyey. Intaa wixii ka dambeeyay,dagaalkii mey sii wadin oo wey iska istaagtey.
Aniguna halkaa uma dhaafin. Dabadeed, waxaa aan galley guriga. Iyana iyadoo cadho qanjaha buureysa eyey howsheedii iska sii wadatey.! Cabbaar, marka aan qolkii ku jirey ayaan cannaantey nateydii. Waxaa aan aad uga xummaadey, waxa aan ku sameeyay xaaskeyga. Waligey gacan uma qaadin. Wey i qadarin jirtey, ana waan qadarin jirey. Hadal qallooca, i guma soo celin jirin, ku aan qoonsadana ha ba sheegin.!
Waxaa aan nafteyda u sheegey, in waxaa ay ii cannaaneysay ama iigu qeylineysay ay aheyd uun, iney wax ii hagaajiso. Waxaa ay aheyd isaseeg iyo sheydaan. Waxoogaa, marka aan ku jiray, qolkii, ayaan dibadda u soo baxey. Xaaskeyga aan dagaalay, ma ba joogto.! Xagee ayay tagtay?
Aqalkii ayaan ku soo noqday. Sida aan kolba qol uga eegayay, ayaan helay. Ileen qolkanay ku jirtay. Waxaa aan arkey, iyayada oo beer barartay oohin, sidii carruurta.! Aad ayaan uga naxay, ilmadda ka qubanayaa. Waxaa ka sii daran, sida naqasku u hayo ee oohintu uga soo bixi laadahay.! Inta aan madaxa iyo mijaha ba ka dhunkaday, ayaan raaligaliyey. Markii hore, wey i ga diiday, inaan raaligaliyo. Ana kamaan dayn,inaan ku cel-celiyo iney i saamaxdo. Ugu dambeyntii, wey i ga aqbashay. Waxaas oo dhiba, waxaa ii keenay waxaa ka Kabbaha i ga xaddey. Wuu i dhibay. Wuxuu i gaadhsiiyay, inaan xaaskeyga wax ku dhufto. Wuxu I gaadhsiiyay, xitaa inuu gurigeygu ku baabi gaadho.!
Mar baan Masaajidkaa ka xannaaqi gaadhay.! Waxaa aan is idhi, waa tan Masaajidkan lagugu bartey ee kabbihii lagaga xadayee Masaajidadaa kale iska tag.! Haddaan Masaajidadaa kale iska tagi lahaana, wey i ga fogyihiin. Kana waad aragtaayoo, kabbo i guma soo hadhayaan.!
Inta aan sheydaanka iska naarey, ayaan waxaa aan xaqiiqsadey in adduunyadu iska tahay imtixaan, qofka mu’minka ahna waa la imtixaanaa. Sidaa darteed waxaa aan ballan ku qaaday in aan Masaajid kale tagin ee aan ku tukado keygaa. Waxaa aan nidar ku gallay, in haddii kun kabood la igaga xaddayo, aanan dib u jeedsan. Kolba, kabbaha iigu fiicana aan la tago Sallaada.
Hadda, aniga iyo xaaskeygii, waxaa aanu nahay nahay nabad. Halkii, ayaan kaga hayaa Digriga Illaahay; Sallaadiina qabta ayaan hayaa. Muslimow, dhibaatada adduunyada, samir ayaa lagaga baxaa. Dhaqankan kabbo-xaddida, waa mid innagu soo badanaya. Waa in aynu iska waaninaa oo dadka la baraarujiyaa. Illaahow na ilaali if iyo aakhira ba. Rabiyow, ceebaheenna astur.
W/Q: Maxamed Haybe Axmed

SHEEKOOYIN