“Marinkii Midnimada” Maansadii 6aad ee silsiladda MIDNIMO

Untitled

Maansadii Marinkii Midnimada

 

Waa maansadii 6AAD, oo ka mid ah silsiladda MIDNIMO, kuna socota Bashiir M. Xirsi, oo daafuray silsiladda iyo dhammaan dadka midnimada jecel, gaar ahaan dadka

La xusay. Maansada  haldhiggeedu waa: “Midnimo seen ku helayaa?” waaana tan, eek a bogosho wacan;

 

Maansadii Marinkii Midnimada

 

Marka hore salaan iyo

Marxabbada kalgacalkiyo

Masraxa waxan ku soo galay

Salaantii mukhtaarkiyo

Middii uu ILAAHAY

Muslimiinta ku galladay.

 

Marka xiga maqsuudkiyo

Meesha yoolka aan rabo

Meermeer anoon galin

Miyir-sami bal iga hoo

Mawjado hiroo kacay

Sidooday mug wayn iyo

Miisaan u leedahay.

 

Abwaan kii markii hore

Macneheeda meershow

Iga qabo middaan wado

Mar hadday midnimo tahay

Mirtaan haayo iga qabo

Mirtaadana inoo keen.

 

Mooradaada xoolaha

Muggeedoo haleelaa

Nimaan maqalba haysanin

Kula midow ma hadal baa?!

 

Muraad-kaygu muu ahan

Midnimada ma aan rabo

Meeshaan ujeedana

Micneheedu wuxuu yahey;

Maskaxdiis nin maaloo

Muruqiisa kaashaday

Muran iyo dagaal culus

Nabaddii macaaneyd

Ku mushaaxday umadii

La midow haddaad tiri

Nimay maatidiisii

Maydkeedu qubanyoo

Meydkeeda daawada

Macno yeelan maysee

Maah-maah horaa tiri;

“Markay oodi jabis tahay

Midda ugu sarraysaa

Laga meeriyaaye”

Midnimadaad tilmaanteen

Middii ugu dan baysey

Iila muuqataayey

Marka hore nabdayntiyo

Magihii la kala galay

Maamuusa niman yahow

Gobollada musiibadu

Maja xaabisee dumay

Masrixii nabdeed iyo

Maamul dhaba u yeeloo

Mahadhada ka mayroo

Maamuus wanaag iyo

U horseeda muuq cusub

Markaasaan midnimadaan

Maaminayno gabigeen

Iyo sidigti MAANDEEQ

Magaw caanihii yimi

Laga maali midnimoo

La maqsuudi doonaa.

 

Midbaa iga dardaarana

Geed minid-ba lagu korey

Yaa minid looga boodaa

Midnimadaan haddeer rabo

Yey noqon middii beri

MAWLOW ILAAHOW

Miciin kale ma aan lihi

Halkaan maanka ku hayana

Malyan jeer adaa oge

Nabad lagu mushaaxiyo

Muslimkoon la dhibin iyo

Dadkaygoo mataanaa

Midnimaan ku waydiin.

 

MAWLOW ILAAHOW

Magacaaga wayn baan

Marti kuugu ahayoo

Misna kugu baryaayaa

Magacaanan wali arag iyo

Midnimaan ku waydiin.

 

MAWLOW ILAAHOW

Qasnaddaadu may maran

Misna caasi baan ahy

Middaan hubo waxay tahay

Middaan rabao adaa haya

Ee MAWLOW na gaarsii.

 

 

Curiye;

C/wahaab Xasan (Gaashaan Yare)

 

SHEEKOOYIN