MASRUUF LA’AANAA II DHAANTA M-YAR INUU YEESHAA! WQ: Mahdi Mohamud Abdi

jjjhhhhhhh

MASRUUF LA’AANAA II DHAANTA M-YAR INUU YEESHAA!!

Waa caaddo iyo dhaqan soo jireen ah dumarku la guursiga lala guursanayo in ay neceb yihiin, Ragguna uu damac deynenin tiiyoo jirto ayuu kii ina rag ahaa ee damaca lagu falay la guursan jiray M-weynta hadduuba seddexeyn afareyninna, ciil iyo caloolyoow ku habsada M-weynta mooyee ma aynaan jiri jirin waxa aan arkay ee igu riixay inan maqaalkan qalinka u qaataa. Intaa gogol dhig ha’igu ahaato qormadan’e.

Aan u soo daadago mugga maqaalkan, wax ay la tacajubayaan oo Mar-la-arag ah maaha in Dumarku arkaan raggoodii oo la guursanayaan dumar kale. Bahweynta rag waa lagu ogaa Damac indho la’aan ah balse kii daamiir dadnimo leh xilkasna ah isagoo tii uu kal hore guursaday dugsi dejin baahiyaheedii kalena kaamilinna mid kale ma hunguriyeeyo.

Aan ku sii siqo qormadan, Sanadahan dambe badi Dumarkii waxa ay la soo baxeen hagardaamo ay hagardaameenayaan Seygooda iyagoo Ku furaya mowjado mashaakil miiran ah oo u xalkoodu Faluus (Lacag) Ku jiro iyadoo tiraahda Jiifka bedel, Fadhigan muuqeygu wuu ku batay wa ineynu bedelnaa iyo marmarsiyo kaloo badan ay kula dagaal-tameyso kobaca jeebkiisa iyadoo ka gaashaantimaneysa inuu mid kale ka daba keenin balse waxaa ka hoos Baxday Qadarta Eebbe iney meesheeda tahay, kaaga daran Hadduu naaquso jeebkiisu waxa ugu horreeya ee dareemaya dhibta arrintaa ay tahay iyada saameyn weynna uu ku reebayo aqalka ay Hooyada ka tahay Iyo carruurteeda.

Waxa ay iloobeen badi dumarka qadarta Eebbe, oo ah hadii ay xagga Alle kal hore ka qorneyd inuu ninkan xaasas badan guursado uu guursanayo ay cid ka hor joogsan kartaa aysan jirin si kasto oo ay u hagardaameyso ulana dagaalanto kobaca jeebkiisa.

Ragga qaar baa ula guursada Xaasaskooda si indho la’aan ah iyagoo baahiyaha tii hore aysan kamilin laga yaabana iney iyadu risiqa reerka u soo dhiciso, raggu iskuma jiraan qaar aaanan xisaabtamin baa dhex ceegaaga dumarkana sidaaa oo kale.

Balse waxaa la yiraahdaa ‘Calool dhergan ma hunguriyeeyso Hunguri kale’ oo la macno ah ninka Ragga ah haddii ay xaaskiisu naftiisa, aqalkiisa iyo reerkisuba u roon tahay ma sahlana suu mid kale u baadi goobaa maxaa yeelay ma baahna oo waabuu dhergan yahay, inuu xaas kale la guursado xaaskii hore waa baahi uu dareemay kolkaasuu u foofaa soo xero-gelinta mid kale uu Ka rajeynayo baahidaa iney buuxiso.

HADDABA LABADII DHINAC HADDII AY SIDAAS ISKU YIHIIN MUXUU XALKU YAHAY?

Ugu horreyn Raggu waa iney garawsadaan mas’uuliyadda ay qaadeen mugeeda oo iyagoon haqabtirin xaaskooda hore ay mid kale damcin, maxaa Ka xun xaaskaada iyo caruurtada oo aadan dugsi dejin inaad guursiga mid kale u baqooshaa. Sida ay Diinteena sharafta badan ay sugeyso iney hubanti tahay ina Rag inuusan u cadaalad fali karin xaasaskisa kuna darso oo mas’uuliyadas waa mid culeyskeda leh maalinta qiyaame haduuba xaalku sidaa yahay soo ma haboona raggu mid qura iney isaga gaabsadaan kol Haduu arinku sidaa yahay oo halkiiba loo taag la’yahay.

Dumarkana iyana waxaan la gudboon iney Allahooda talada u dhiibtaan, Qadartana aaminaan kana daayaan hagardaameynta raggooda iyagon naceyb iyo xasidnimo ay isaga u qabaan aysan ka aheyne ee ka tahay la guursi ka carar. Xaqiiq weeyaan haddii aad u roonaatid isaga, wuxu kuu dhiibana aad u beeqaamisid keenta badanne ad ka dhowrtid awaamirtiisana aad sida ay yihiin u adeecdid waxaa marag ma doonta ah inaad hantiday qalbiga ninkaagii oo hadba meesha aad u jeedisaa u jeedsamayo aysanna sinna macquul u aheyn inuu meel kale kaa aadaa tiiyo qadartu ay halkeeda tahay.

‘U ROONOOW HALKII AAD KA HAGARDAAMEYN LAHEYD ADIGA UUN HA KUU SOO ROOREE’

WQ: Mahdi Mohamud Abdi

Daanda909@gmail.com

SHEEKOOYIN