Maxaan ka barannay la-sheekeysiga Borofaysar Cali Jimcaale Axmed?

Maxaan ka barannay la-sheekeysigii Prof. Cali Jimcaale Axmad?

Anoo qiraya in aanan aqoon fiican ama badan midna u lahayn qaabka wax looga qoro la-sheekaysiyada ama wada-sheekaysiyadaba, haddana, waxaan isku dayaa, in qodbanayaashii aan dhigtay, aragtiyihii aan dhuuxay, qoraalladiisa, sheekooyinkiisa gaagaaban iyo buugtiisa aan aqriyey ayna ii dheer tahay aqoonta aan u leeyahay Prof. Cali Jimcaale Axmad, in aan isku dhexfurkooda; koobid aqooneed iyo ogaal ku/ka sameeyo.

Barnaamijka wadasheekaysiga waxaa diyaarshay bahda ‘Baraarug Library’, ee uu hormuudka u yahay Xasan Mudane, oo bare Jaamacadeed ah, halka uu xiriirinayey Prof. Maxamad Xaaji ‘Ingiriis’ oo maalmisooyinka ka diyaarinaya PHD, haddana ah bariddeeda iyo baariddeedda aqoon durugsan u lehe.

Wuxuu ahaa kulan dhallinyarada jecel aqoonta, aqoonbarayaasha kala duwan iyo ogaalbaaraayashu ay ka kororsadeen waayihii korriimo, -in bandanna u aheyd xasuus maalminno-, aqoon, adeeg, baaris iyo qoris, ee uu Prof.Cali ku dhexjiray afartan gu’ ka badan, oo uu ku soo saaray, aragtiyo suugaan, maansooyin, qoraallo, sheekooyin gaagaaban, dhiganayaal iyo gorfeynno kuwa kale oo dhammaantood laga baranayay duruus qiimo sare leh.

Wuxuu ahaa kulan lagu bartay indheergradnimada Prof. Cali Jimcaale Axmad, oo ay kuu caddaynayaan dhacdooyin dhawr ah oo uu kulanka ka sheegay, ee ay ugu weyn tahay sida uu habow siyaasadeed iyo hubsiimo la’aan ciidan u ahaa xilligii uu socday dagaalkii 1977, uuna weliba qoraallo ku dhigay, kuna mutay eedayn guulwadeysan oo aan garaad iyo gar midna ku guntanayn.

Indheergaradnimadan, waxaa u wehliyey geesinnimo aysan la’aanteed tan hore macno yeelateen, maxaa yeelay, haddii aad ka-ilfiiqan tahay bulshada inteeda kale, balse, aadan lahayn beer-adag oo aad ku soo bandhigto aragtida aad heshay bulshada horteed, adoon arag ayey la arag la tahay. Sidoo kale, waxaad ku mudan in laguu arko qof ka duwan dadka kale, maxaa yeelay, ishaada ayaa gaartay, meel aysan indhaha dadka kale gaarin.

Prof Cali wuxuu ka sheekeeyey, shaqooyinkii uu ka soo qabtay; radio Muqdisho, madaxtooyada Soomaaliya, shaqadii Qaranka, oo Jeexan, Galguduud loo diray, guddoomiyana looga dhigay, Kulliyadda Lafoole IQK, oo dhammaan uu ku gaaray aqoontiisa, kartidiisa iyo dhiirranaantiisa, haddana sidaa oy tahay, wuxuu ka hadlay, in uu caqabad kala kulmay gelidda jaamacadda, isaga oo kaalin muuqata uga jiray howlqarameedka, darajo fiicanna ka keenay imtixaankii dugsiga Sare.

Prof. Cali, waxa uu caddeeyay in uu waayay Kulliyaddii uu daneynayay, ka dib markii uu soo gutay howshii shaqada qaranka oo uu ku soo muteystay Billadsharaf hawlkarnimo. In uu waayo kulliyaddaas, waxaa sal looga dhigay in uu maaddada Kimistariga keenay 50/50, sidaa darteedna uu mudan yahay in uu galo Kulliyadda Kiimikada, balse, isagu uu daneynayay kulliyadda Macallimiinta Lafoole, taas oo uu ku guulaystay in uu helo ugu dambeyntii, kolkii uu u tegey Xoghayihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee waagaas Marwo Faadumo Axmad Caalin ‘Cureeji’.

Dhacdo kale oo aan ka barannay shakhsiyadda Prof. Cali Jimcaale, waxa ay aheyd, kolkii uu ka qalinjabiyay Kulliyadda Waxbarashada Lafoole, qaybta afafka English/Soomaali, oo uu ahaa ardaygii ugu darajada sarreeyay Kulliyadda, ayaa waxaa waxaa loo diiday in uu kulliyadda Macallin ka noqdo.

Waxaa la yaab lahaa in wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Guddoomiyihii Jaamacadda, Hormuudkii Kulliyadda Lafoole iyo Wakiilka Xisbiga ee Jaamacadda, ay dhammaan soo codsadeen in Prof. Cali ay u qaataan macallin ahaan, balse, uu gacanta ku dhuftay qof garab iyo gaashaan looga baqo ka dhiganayey Madaxweynihii waagaas. Wasiirka waxbarashada waxaa berigaa wasiir ka ahaa Aadan Maxamad Cali, balse, dalka waa ka maqnaa; waxaana booskiisii galay Wasiir ku-xigeenkiisii Saleebaan Maxamuud Aadan ‘Saleebaan Gaal’.

Dhacdadaas, waxa ay dhalisay in Prof. Cali ka caroodo, una u tago Madaxweynihii hore Maxamad Siyaad Barre, oo Prof. Cali uu sheegay, in u ku bartay markii uu ku jiray xarunta Xalane.

Madaxweynijii hore Maxamad Siyaad Barre iyo Prof Cali waxaa dhexmaray dood, ka horse Prof Cali billaddii ayuu inta miiska u saaray, ku yiri: Waa tan billaddii aan ku qaatay hawshii Jeexaan!” markaa ayaa Siyaad Barre ku yiri: aaway madaxdii howshan qaabilsanyd; ma waxay ka baqayaan qof gaar ah? Middaas oo uu uga jawaabay Prof Cali, maya, ee adiga ayay kaa baqayaan, oo uu isku halleyn kaa heystaa! Ugu dambeyntii Prof. Cali, waxaa u suurtagashay in uu helo sidii uu rabay, oo noqotay in lagu qoro Kulliyaddii Luqadaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo markaa cusbeyd.

Sidaa oy tahay, dhacdooyinkaa iyo kuwa kale isaga oo ay soo mareen dad badanna ay dhibkaa oo kale u la kulmi jireen si joogta ah, ayuu wuxuu xusay Prof. Cali, in dadkii hore ay lahaayeen waxoogaa XISHOOD ah, oo iyagoo xitaa eex falayey, gefna gaysanayey, haddana, ay si uun bay u garqaadan jireen.

Dhanka kale, la-sheekaysiga Prof. Cali waxaa toos u muuqanayey tawaaduca qofeed ee uu dad badan oo heerarkiisa oo kale gaaray ama aanba ku dhaweyn uga soocan yahay, oo aan anigu marag u ahay, aanna ku salaynayo aqoonta qofnimo ee aan u leeyahay, in aan la kulmay, marka laga soo tago xiriirka joogtada ah ee qoraal.

Midda aan ka ahmiyadda yarayn, waa sida uu yaraantiisa aqoonaha kala duwan ugu kasbaday aqriska badan oo had walba ku tirtirsiin jiray walaalkiis, oo saaxiib la ahaa RW hore Nuur Cadde, isaga oo kula talijirey in uu habeen walba aqriyo ugu yaraan 50 bog inta uusan seexan, sidoo kalana u keeni jiray wargeysyo Kenya ka soo baxa sida Sunday times iyo Daily Nation, xilli uu dhiganayey dugsiga hoose.

Dhanka kale, hooyadiis oo suugaanta carruurta aqoon durugsan u leheed iyo aabbihiis oo sheekaysta ku wanaagsanaa ayaa saamayn iyo raad ku yeeshay aqoontiisa suugaan iyo qoridba. Sidoo kale, aqoonta, waxaa u fududeeyey maktabadihii raacsanaa safaaradaha dunida sida tii; Masar, Maraykanka, Ingiriiska, Midowgii Soofiyeetiga IQK, oo ay aad u kabaysay rabitaankiisa qofnimo.

Halkaa waxaad ka garanee aragtida ah; marka hore aqri, weliba wax badan aqri, dhuux oo faham, ka dib -ka- feker, oo isla dood, markaa wixii aad rabooto qor ama noloshaada ku qaabi, si wixii aad qoraal ku soosaari wayso, qofnimadaada ama qoyskaaga aad ku maamusho, in aad ku maamuusto ka sokow. Fiiri; hal-hayska bahda Baraarug Library ‘Read, Think and Lead!

Wuxuu xusay sababta dad badan oo aqoonleyaal Soomaali ah ay afafka qalaad wax ugu qoraan, in ay tahay, in marka hore ay shaqadooda nololeed qayb ka tahay, haddana, ay sii xoojinayso, in ay ku helaan dallacsiin aqoon iyo garaaddo, ka dibna mar walba oo ay afafka qalaad wax ku qorayaan ay ku milaan, maya, ay ku xardhaan aqoonaha Soomaalida. ee dhan; af, hidde, suugaan, maanso, maalmisooyin, siyaasad, maamul, awoodqeybsi, hayb iyo dhalasho iwm. Middaas oo uu uga dan leeyahay in uu caalamka tuso in ummaddu tahay mid leh dhaqan iyo aqoon durugsan oo mug leh.

Waxaa xusid kale mudan qodobka uu kaga hadlay walcanka iyo isirka iyo sidii dadkii hore ay uga fekereen duruufihii la yiillay iyo danihii ku yaxoobsaday berigaa, ee soo wajahay noloshooda iyo sida ay u habboon tahay in la rogrogo oo la qaadaadhigo, laga goefeeyo wixii laga dhaxlay ee aanan loo qaadan sidii wax dhammeytiran oo kale, maxaa yeelay, ma jiro jiil wax dhammeystiran u soo gudbiyey jiilashii ka dambeeyey. Markaa waxaa loo baahan yahay in la is waafajin karo wixii la dhaxlay iyo duruufta markaa lala/gu nool yahay. Wuxuu yiri, “Aabbaheey ayaa xoolo la lahaa waxaa dhaanta adiga oo yiraahda; waxaan leeyahay dameer.”

Ugu dambayn, waxaa cajiib ah sida uu Prof. Cali Jimcaale Axmad u qoro hummaagaha suugaan iyo maanso, oo qoraalladiisa, maansooyinkiisa, suugaantiisa, dhiganayaashiisa iyo sheekoooyinkiisa gaagaaban ku xardhan, oo dhammaan caqli Soomaaliyeed, cilmi sugan iyo curis sare uu ku gudbiyo, oo uu ku gaaray hibada abuur iyo barbaarin, sidoo kalana haybadda iyo haaneedinta aqoon iyo ogaal, oo garasho iyo garaad ku guddooman.

W/D: Ina CUBTAN

Naga la soo xariir: admin@laashin.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.