Maxaan wax u AKHRIYAA? W/Q: Cabdikariin Garruun

Maxaan wax u AKHRIYAA?

Waxaan qirayaa in uu akhrisku yahay iftiinshaha aan adduunka oogadiisa ku bidhaansanno. Faqiirku kama maarmo, taajirku kama tago, ardaygana waa hubkiisa, macallinka waa xoolihiisa, bulshadana waa darka laga waraabiyo ee aragtiyaha aqoonta ku dhisan laga maalo, kadibna dib loogu soo celiyo iyagoo qorshoyaal wax qabad ah.

Waxaan wayddiiyay asxaabtayda igu xiran ee baraha bulshada dhawr suā€™aalood oo akhriska ku saabsan. Goormaad jeclaatay akhriska? Sidee wax u akhidaa, wakhtigee ayaad jeceshahay in aad wax akhido iyo nooca buugta ay jecel yihiin.

Nasiibdarro, filashadii habbooneyd ee aan sugayay waan ku hungoobay, waxa iiga soo baxay in dib u dhac weyni jiro. Taas oo ah in aanay 90% waxba akhrin ama lahayn caado akhris joogto ah. Tiro yar oo ka mid ahna kolba buuggii ay gacanta la helaan ayey billaabaan, iyagoon dhamayna meel iskaga tuuraan. Tiro kooban ayaa u bisil oo la qabsatay akhris joogto ah, faaā€™iido badanna ka helay oo dareemay tajiida ka dambaysa buugga iyo akhrintiisa. Waana inta yar ee maanta wax fahansan, bulshadana u ah indho iyo garaad wada oo haga, kuna hofgaamiya jidka horumarka aynu ku wada taamayno.

Sababtaas ayaa igu kalliftay in aan qoraalkan kooban qalinka dul saaro xaanshi cad, kuna sunto sida wax loo akhiryo iyo dhaxalka ka dambeeya. Akhrisku waa astaanta kaliya ee lagu garto qofka bisil ee ilbaxa ah ama maankiisu aanu gudhneyn, sababto ah way ku adag tahay qof kale in uu buug soo qaato, meel la fadhiisto, akhriyo dhawr saacadood, sidaasna ku wado maalinkasta oo uu caado ka dhigto.

Waa aaladda indhaha iyo garaadka xiriirisa oo albaabka aragti furta. Akhrisku wuxuu kobciyaa maskaxda, wuxuuna ina siiyaa awood aan ku fahanno nolosha inagu xeeran, waliba hab casri ah. Marka aad wax akhriso, waxaad kororsataa shay aanad horey u aqoon ama ugu yaraan maskaxdii caajisneyd ayaa jimicsi hesha oo dhaqdhaqaaq samaysa.

  • Waxaan wax u akhriyaa in aan fahmo, garto ama barto wax aanan waligay arkeen ama ogaadeen oo iga qarsoon.
  • Waxaan wax u akhriyaa in aan ku xalliyo mushkilad taagan oo I haysata, uguna fududeysto waddada aan u mari lahaa mustaqbal wacan oo waara.
  • Waxaan wax u akhriyaa in aan niyad wanaag iyo kalsooni ka helo marka aan niyad jabsanahay, baqdinta qabo ama uu faqriga isoo kulaalo.
  • Waxaan wax u akhriyaa iskuma filni oo xog iyo aqoon aan adduunyada ku fahmo ayaan rabaa.
  • Waxaan wax u akhriayaa si aan aqoon u kororsado, maskaxda uga koro, farxad uga helo, una noqdo mid dhiirran oo ku dhac leh.
  • Waxaan wax u akhriyaa in aan ku dejiyo dareenka kacsan marka aan xanaaqsanahay ama aan niyad jabsanahay si aan u helo nafiifsi iyo naxariis aan xasilo.
  • Waxa aan wax u akhriyaa si aan u toostoosiyo arrimaha cakiran ee dunidan is daba marsan ay kugu dabrayso.
  • Waxa aan wax u akhriyaa si aan rajo u abuurto, yool u samaysto, naftaydana shidaal ugu sii shubo si aan uga miro dhaliyo hadafkayga.
  • Kalmadaha dhigani waa kuwa nool oo xarakaad leh. Marka aan arko sheeko aan jeclaado, waan akhriyaa, haddana mar kale ayaan akhriyaa oo aan ku celiyaa sida in aan dhagaysanayo hees macaan oo aan jeclaahay dhagaysigeeda.
  • Dhiganuhu maaha wax ku dhaafay. Waa wax kula jooga markasta. Waxaan dhex galaa sheekada iyo jilayaasha matalaya, hawada ayaan neefsadaa, qaska iyo buuqa ayaan dareemaa, ku qayliyaa si ay u joojiyaan marka aan dareemo in ay wadaan wax khaldan, waan la ooyaa, waana la qoslaa. Waxaan dhex galaa oo aan ka mid noqdaa jilayaasha sheekada.
  • Akhrisku wuxuu aniga ii yahay sidii in aan wakhti la qaadanayo oo aan la sheekaysano saaxiib aan jeclahay. Waayo wuxuu buuxiyaa booska saaxiibka, isaga ayaana wehel iyo walaal ila joogo oo ii sheekeeya ii noqda.
  • Waxa aan wax u akhriyaa si aan si aan u quudiyo maanka, una godliyo garaadka gaaxsan. Maxaa yeelay jidhku kaliya kama samaysna harag iyo lafo, balse, waxa jira dareenno iyo aragtiyo hoose oo u baahan in lagu waraabiyo kalmado qoran si loo haraad tiro.
  • Kalmadaha dhigani waxay qeexaan aragtidayda, waxayna faagaan fikradaha igu qarsoon ee nafta sirta u ah, si fududna waxay iigu fasiraan nolosha macaankeeda.

Ugu dambeyntii Akhriska buugtu waa saaxiib ama widaay iyo walaal aad weheshato. Kama maarni karo oo kaliday iskuma filni, kama tagi karo oo nolosha ayaa saaxiib u baahan. Akhrisku waa waayo aragnimo kuu iftiimiya jidka horumarkaaga, kaa leexisa waddada qodxaha leh eeĀ  ku dhammaata hoogga iyo halaagga. Akhrisku waa sababta maanta adduunka dushiisa loogu nool yahay, waayo waxbaynu akhrinaa, si aan u fahanno hab nololeedka, si aan iskugu xukunno, si aan taariikhdii hore iyo nolosha dadkii hore uga saan qaadanno. Noloshu akhris kama maaranto, akhriskuna noole kama maarmo.

W/Q: Cabdikariin Garruun

Naga la soo xariir:

laashin@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN