MAXAY NOLOSHAADA MUHIIM U TAHAY?

Nor1

MAXAY NOLOSHAADA MUHIIM U TAHAY?

Is waydiintaas waa u muhiim qof walba oo Noole ah waxna garan kara, is waydiintaas nafteeda ayey ka dhalataa in aad ka guul gaarto noloshaada, maxaa yeelay qofka waa in uu ogaada muhiimadda ay leedahay noloshiisa, haddii uusan taas qofka garan karina waxba ma dhaamo xoolaha aan dhaqano ee har iyo habeen aan sida kala duwan ugu intifaacno iyo kuwa khatarta ku ah nolosheenaba.

Is waydiinta uu ku bilowday qoraalkeena waa is waydiin inaga oo dhan muhiim inoo wada ah, maxaa yeelay haddii aanan fahansanayn macnaha ama muhiimadda nolosheena, ma nihin kuwa garan kara Qiimaha ay leedahay Nolosha.

Sidaa darteed qoraalkan waxaan ku qaadaa dhigi doonaa is waydiin badan oo saldhig u ah cinwaanka qoraalkeena ee ah, maxay noloshaaad muhiim u tahay?

Maxay noloshaada muhiim u tahay? Waxaa tahay Shaqsiyan Hadiyad uu Rabi ku mannaystay waalidkaaga oo maalintii aad timid dunida uu qof walba kugu farxay sidaas si la mid ah maalinta aad ka dhaqaajiso dunida aad noqon doonto mid loo murugooda ka tigitaankiisa uu ka tagay Dunida.

Intaas oo kaliya ma ahan sifada aan ku sifeeyay ee ah in aad tahay hadiyad una tahay waalkidkaaga, ee waxaa sidoo kale hadiyad u tahay Dunida, maxaa yeelay Alle ayaa ku abuurtay isaga ayaana kuu doortay in aad timaado dunidiisa oo aad ka mid noqoto Addoomadiisa quudan doono Raxmaddiisa, waxaana kugu dhacday karaamada uu Alle Banid aadam ahaan kuugu mannaystay, macnaha intaas oo dhan ka dambeeyana adiga ayaa lagaa doonayaa in aad fahanto, doorashada in aad noqonayso mid ku caasiya khaaliqiisa (Allaah) iyo in aad addeeci doonta waa mid Xor lagaaga dhigay.

Muhiimadda kale  la doonayo in aad ka fahanto qiimaha noloshaada ayaa waxay tahay in laguu abuuray si la mid ah kuwa dunida kula joogo, sidaas si la mid ahna lagu siiyay Sharafta uu qof walba leeyahay, adiga shaqsi ahaana lagaa doonayo in aad  garato oo fahanto in qof walba oo Noola ah uu kaa doonayo inta aad doonayso oo wanaag iyo sharafba ah, sida aad jeceshahay in laguula dhaqmana aad ula dhaqanto dadka, waana mid ka mid ah waajibaadka  lagaa doonayo in nolol ahaan aad ugu nolaato noloshaada.

Muhiimadda nolosha marka laga hadlayo waa mid ka badan Dareen saldhigiisu yahay xaaladda aad markaas ku sugantahay, macnaha sidaas aan ula jeedana waxay tahay, in dareenka qofka uu is rog rogis badan yahay, mar walbana qofku uu ku sugan yahay xaalado kala duwan oo markaa noqon kara kuwa farxadeed ama kuwa murugo, sidaa darteed, muhiimadda nolosha aan ka hadlayo waa mid xadkeeda aan lagu salayn karin Karin xaaladaha uu qofku la kulmo maalin walba ama Waqti walba.

Muhiimadda nolosha ma ahan sida aad naftaada ku cabirto, ama asxaabtaada, iyo qoyskaaga, muhiimadda nolosha waa mid kasoo bilaabatay Alle xagiisa, maxaa yeelay haddii noloshan dunida aysan qiimo badan ama macna badan ugu fadhin Alle dunidaba lama abuureen, balse waxaa is waydiin mudan, ma saxbaa  in dunidu aanay qiima lahayn? sax dunida ma ahan mid qiimo leh sida Alle inoo sheegay, hadana muhiimadda aan ka hadlayno ayaa ah muhiimadda noloshaada ama nolosha guud waana mid kasoo bilaabat Alle xagiisa, oo usoo daadagtay xaga Aadanaha haba lagu kala duwanaado qiimaha uu qof walba ka heli karo nolosha.

Marka aan leeyahay qiimaha uu qof walba ka helo karo nolosha macna ahaan waxaan ula jeeda heerka nolsoha ee qof walba Alle uga qaddaray Nolosha, Alle wax aan muhiim ahayn ma sameeyo, sidaa darteed nolosha muhiimaddeeda waa mid alle xagiisa kasoo bilaabatay ilaa uu inaga inoo soo gudbiyay, isaga oo nagu mannaystay raxmaddiisa iyo Cilmigiisa la doonayo in aan ku kala faydno qiimaha ay nolosha leedahay.

Nolol walba muhiimada loo suubiyay waxaa ka dambeeyo Ujeeddo ay tahay in la gaaro, ujeeddadaas oo noqon karta dhinac walba oo ka mid ah dhinacyada aan maanta nolosha ka wajahno, ma ahan qofka in uu ahaadaa ujeeddo la’aan, qofku waa in uu leeyahay ujeeddo uu noloshiisa ku hago. Sidaas si la mid ah Alle marka uu ku abuurayay ujeeddo ayuu ka lahaa abuurstaada iyo qaabka noloshaada aad u hagayso ama aad u noolaanayso, sidaa darteed isku soo wada duub nolosha oo dhan waa ujeeddo, fahamka ujeeddadaas waa lagu kala duwanaan karaa, balse waxaan su’aal ka taagnayn in nolosha ay tahay ujeeddo.

Alle wuxuu kugu abuuray Haybad iyo Awood gaar ah oo cid kula wadaagto aysan jirin, taas oo la doonayo in aad dunida  la wadaagto, ma tihid oo Alle kaama dhigin qof ku dhex nool kaligiis Jasiirad, waxaa tahay qof u samaysan in uu dadka wax la wadaago, Duni wax la wadaagayo ayaad ku nooshahay waana in aad fahantaa qaabka aad dadka wax ula wadaagi lahayd, adiga oo ku xad gudbin naftaada iyo naftoodaba.

Waxaa kaloo muhiimadda nolosha ka mid ah in aad garataa in aad tahay qof aan isku filnayn oo aan ka madax banaaneyn Dadka uu ka midka yahay ee dunidan ku nool ee wax la wadaaga kala dhaxeeyo, waa in aadan isku arkin qof dadka ka madax banaaan.

Nolosha qiimaheeda waxay soo muuqataa marka aad tahay qof garan kara macnaha nolosha ee ah in aad dadka wax la wadaagto, si kalgacal ku jirtana aad ula xiriirto, adiga oo u muujiyana qof walba qiimaha uu leeyahay ama agtaada uu ka leeyahay, sidoo kale waxaa muhiim ah in aad muujiso in aad tahay qof dareen naxariiseed u leh qof walba oo Aadana ah, ma ahan in  mar walb aad isku hareeraysaa Duni nacayb badan oo Xushmad darro u saaxiib ah, inta badan ee aad xushmad darro iyo nacayb is galisaana, waa inta badan ee ay hoos u dhacdo qiimaha aad Bulshada ku dhex leedahay iyo inta badan aad wayso ama aad ka lunto Waddada muhiimadda nolosha.

Nolosha sideedaba waa hadiyad ka timid alle xagiisa qof la jecelhay ayaana wax loo hadiyeeyaa, sidaa darteed waa in aad ogaataa in uu alle ku jecelyahay mar walba uusan kugu nacayn tuugmada badan iyo xaaladaha xumaanta ah ee mararka qaar aad ku dhex jirtdi. Marka aad intaas garato waxaad noqonaysaa mid mar walba fahansan qiimaha noloshiisa, mar walbana uu qalbigiisa u dabacsan yahay Alle xagiisa, adiga oo noqonaya qof mar walba alle toos ugu xiran, damiciisa faraha badan ee dunidana uu yaraanayo, mahdintaadana ay badanayso, Qalbi dagan oo nabad ahna ku noolaada mar walba.

Nolosha marka aad kala kulanto xunuun daran micnaheeda maahan sida Shil kugu dhacay oo kale, sidaas oo kale ayaad kala kulmi doontaa Macaan iyo wax kale oo ku farax galiyo, nolosha waa mid miisaaman oo labada dhinacba leh, Xanuun iyo Caafimaad, Farxad iyo Murugo, sidaa darteed waxaa lagaa doonayaa in aad noloshaada u hanato si taxaddar ku jiro dadkana aad kula dhaqanto si asluubaysan oo xushmad ku jirto.

Waxaa kaloo muhiim ah in aad ogaataa in Ficil walba oo aad suubiso xisaabtiisa uu xagaaga yahay, cid kula qaybsanaysana aysan jirin, hadaba waxaa lagaa doonayo in aad noqoto mar walba mid mahadnaqiisu badan yahay, fahamsanna nasiibkiisa Nolosha.

WQ/ Mohamed Musa Sh noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN