Muqdishada qarsoon?!

Muqdisho

Muqdishada qarsoon

Haddaad joogto meel Muqdisho ka fog, oo aad beryahanba muuqaalka Caasimadda ka la socotay Telefishinada, ama baraha bulshada, waa hubaal in aad aragtay magaalo qurux badan. Taasi waxa ay ahayd Muqdishada muuqato. Waxaase jirta Muqdishada aan muuqan.

Waa hubaal in tan muuqata lafteedu ay dadaal ku timid. Se dadadaalkaasi waa mid ay dalal shisheeye sammeeyeen (Turki).

Waxaan xusuustaa  masuul ka  mid ah maamulayaasha degmooyinka Muqdisho. Xafiiska uu ku shaqeeyo ayeey dhiiqa hor tiilay, markaasuu gaarigiisii kala soo wareegtay meel fog, waan la yaabay  sababta ayaan is weydiiyey anigoo  waqtigaas la saarnaa  Gaarigiisa,   ayaa waxaan waydiiyay sababta dhiiqadan ay u nadiifin waayeen. Wuxuu iigu jawaabay (Shaqaalaha nadaafadda ee Turkiga ayaan saddex maalin sugaynay iyaguna waan soo soconaa ayeey nagu haayaan).

Xil aan xisaabtan lahayn, iyo Hanti aan la xadeynin  baa Xamar sidaa ka dhigay.

Xilka aan xisaabtanka lahayn, waa kan loo dhiibay Wiil yar oo buug iyo qalin wata, kaas oo la yiri waxa uu ka wanaagsan yahay Mooryaan qori wata. Waxa uu qabanayo cid u sheegtay may jirin, saa qof ku dhaantaba lama hayne. Wuxuu ka badan waayay in uu fool mas’uul yeesho (Waji), fal mas’uulse waa laga waayay. Waa kan maanta Xaafaddii uu ka talinayay ay dhiiqo dhex taal. Nadiifinta dhiiqada waxaa ku baxaya Lacag ka yar inta uu Wiilkan yari ku tamashleeyo oo naftiisana ku waardiyeeyo.

Xoolaha aan xiska lahayn waa kan lagu dhisay fooqaas ama dabaqaas idiin muuqda. Nin baa dhistay xoola badan helay, se aanu xiskiisu sidii la rabay u shaqaynayn. Wuxuu garan waayay in qurxinta dhabbaha hortiisa aha aanay ahayn uun shaqa danta guud loo qabtay, ee ay sidoo kale tahay shaqa uu dantiisa gaarka ah u qabtay, waayo marka ay wadada hortiisa ahi qurxanaato, muuqaalka gurigiisuna wuu qurxanaan doonaa. Car bal Hotel hortiisa dhiiqa taal ku hoyo adigoo mid nadiifa helaya.

Muqdishada qarsoon!!

Maxamed Cabdullahi Abukar (Dhaaley)
Mogadishu-Somalia
Facebook: https://www.facebook.com/mohamed.dhaaley

SHEEKOOYIN