Muqdisho shalay iyo maanta W/Q: Cabdixafiid Maxamad Xersi

12033839_769282976515670_2132553010_n

Muqdisho shalay iyo maanta

 

Soomaaliya, waxa ay ku taallaa Qaarada Afrika, gaar ahaan, Geeska Afrika. Waxa ay ka kooban tahay 18 Gobolka. Waxay xad la leedahay Badweynta Hindiya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.

Caasimadda Soomaaliya waxa ku taallaa koonfurta dalka, waxaana loo yaqaanna Muqdisho, oo soo martay marxalado kala duwan.

Marxaladdii kacaanka, waxay ka mid noqotay caasimadaha caalamka ugu quruxda badan, misana loo soo dalxiistago.

Muqdisho xilligii uu kacaanka la waregaayay, waxa ay laheed oo kaliya hal laami, waxa ku yaalli jiray safaarado fara badan, oo aan ka xusi karo safaaradda Jabuuti, Sacuudiga, Masar, Kenya, Marekan, Ingiriska iyo kuwa kale.

Muqdisho waxay ka koobneed 16 Degmo, waxayna ka la yihiin Degmada: Heliwaa, Kaaran, Yaaqshiid, Shibbis, C/Casiis, Shengaani, Boondheere, X/Weyne, Warta Nabadda, Deyniile, Howlwadaag, Hodon, X/Jajab, Waabari, Wadajir iyo Dharkenley.

Marxaladdii Burburka xukuumaddii dhexe, Muqdisho waxay lugaha la gashay burbur, bililiqo iyo dagaallo sokeeya.

Muqdisho waxa ay soo martay waqti aan ka yareyn 25sano, xilli ay burburkeeda horjoog u ahaayeen qabqablayashii dagaal oo dib u dhac iyo u horseeday mugdi, oo waxaa ka dhacay kufsi, boob, hanti, dil macnadarro ah iyo afduub.

Muqdisho waxay martigalisay Xukuumadihii ku meelgaarka ahaa, oo ay ugu horreysay xukuumaddii madaxweyne C/Qaasim Salaad Xasan, tii C/laahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif.

Muqdisho waxaa ka loo soo maray maalmihii la dhidbay hoggaamiye kooxedyadii ku midoobay: Ururka la dagaallanka argagixisada iyo Maxkamidihii.

Magaaalada Muqdisho Xasuus gaar ah ayaa soo martay, intii lagu gudajiray dagaalladii sokeeya, ee lagu dilay biramageydo iyo qaar ka mid ah kuwii indhaha u ahaa bulshada.

Muqdisho muddo ka dib waxa xukuumaddii ugu danbeesay, ee ahayd ku meelgaarka oo uu huggaaminayay Shariif Shiiq Xasan u suurtagashay in ay ka saarto xooggii kooxda UGUS Magaalada Muqdisho.

Muqdisho muddo dheer ka dib, waxa saldhig u noqotay xukuumad aan ku meel gaar ahayn, oo hormuud u yahay Madaxweyne Xasan Shiiq Max’ud. Muddo markuu xilka hayay, waxa uu Muqdisho u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalaada Muqdisho S/Guute Xasan Max’ed Xuseen {Muungaab}.

S/Guute Muungaab ayaa is la markiiba 16kii Degmo u magacaabay guddoomiyaal Dhallinyaro ah, muddo yar ka dibna aqoonsaday degmada Kaxda, asagoo inta badan Maamulka Gobolka iyo dawladda hoose u magacaabay wajiya cusub maamulka uu horkacayo guddoomiye Muungaab, waxa ay ku guulesteen, in ay wax ka qabteen arrima ay ka midka yihiin; waaxda nadaafadda, dabdamiska, gaadiidka iyo wax ka qabashada dacwooyinka dhulka, iyadoo waaxda nadaafadda dhowr iyo labaatan sano ka dib ayaa loo qoray shaqaalo habeenkii nadiifiya laamiyada la dhisay.

Muqdisho waxay maanta ku faani karto waxaa ka mid ah, in laamiyo badan u dhisan yihiin, inta badana ay ku wada jiraan luuqyada iyo laamiyada leerarka ku shaqeeya cadceedda qorraxda.

Muqdisho shalay waxa ay soo martay oo wanaag iyo dhibaato loo geystay, waxaana la la rajeynaa in ay ka sii bixi doonto.

 

W/Q: Cabdixafiid Maxamad Xersi

 

 

SHEEKOOYIN