Musharrax kasta mas’uuliyad qaran ma qaadi karaa? W/Q: Bashiir Cali Xuseen

1380598_10151737013370878_1412271273_n

Musharrax kasta mas’uuliyad qaran ma qaadi karaa?

 

Xilligu waa xilli kala guur siyaasadeed ah oo Oday dhaqameedyada iyo xeer beegtidu ay kala xulayaan hoggaanka mustaqbalka, sidaa darteed mudanaha xildhibaannimada isu soo taagayow, waxaad ogsoonaataa haddii aad xil doonashadaada lacag laaluush ah ku bixiso in aadan noqoneynin xildhibaan xalaal ah, maxaa yeelay ceebtaada kii aad laalushtay ayaaba og oo kaa war bixin doona, markaa ha ku fekerin «Maanta laaluush bixi berri baad in ka badan heleysaaye» ogow taasi in ay tahay midda qaranka Soomaaliyeed dhulka la gashay ee uu weli ka soo kaban la’yahay, taa beddelkeeda, waxaa habboon in ay bulshadu soo dirsato amaba ay soo xulato shaqsi aan caaddifad qabiil lagu wadin ee lagu soo xulay karti waddaniyadeed iyo weliba daacadnimo ay aqoontu gardaadineyso.

Guddiga doorshada dadban, waxey inoo soo bandhigeen, sida ay noqoneyso is diiwaan gelinta musharraxiinta la soo xulayo ee xilalka kala duwan loo soo caleema saarayo iyo qiimaha lacageed ee ay isku diiwaan gelinayaan, iyada oo uu halkaasi ka muuqdo kala duwanaasho qiimaha lacagta ah ee u dhaxeeya musharrixiinta u han weyn xil qabashada ee ragga iyo dumarka kala ah, xilkuna ma aha mid kala leh «Lab iyo dheddig ee runtii magaciisu waa un xil loo wada siman yahay».

Marba, haddii shuruudo leysku xirayo, anigu guddiga doorashooyinka dadban, waxaan xusuusin lahaa oo aan farta ugu fiiqi lahaa «In ay musharrixiinta faraha badan, gaar ahaan kuwa xilka madaxweynanimo u tartamaya in ku xiraan shuruudahan soo socda:-

  • In la hubiyo musharraxa inuusan dhimirka horay wax uga soo noqon, haddana uu miyir qabo, yahayna qaan gaar qaranka Soomaaliyeed lagu aamini karo.
  • In la soo hubiyo inuusan aheyn denbiile qaran oo ay horay maxkamad denbi ugu soo xukuntay ama lagu helay astaamo caddeynaya inuu yahay basaas shisheeye.
  • In la hubiyo dhammaanba hantida uu gaarka u leeyahay ee isugu jirta guurto iyo ma guurto intaba.
  • In la hubiyo aqoontiisa in ay gaasiisan tahay heer jaamacadeed, ama dugsi sare iyo machadyo ay weheliso waaya aragnimo siyaasadeed.
  • In la soo hubiyo inuu leeyahay caqiido islaami ah, isla markaasina uusan qabin dumar shisheeya ah oo siyaasadda qaranka halis gelin kara.

Shuruudaha nuucan ah fulintooda, waxey bulshada hor keenayaan shaqsi nadiif ah oo ka madax bannaan gacmo shisheeye, isla markaana waajibaad kiisa u gudan kara, si caddaalad ah oo ka tifaftiran eexda, qabyaaladda iyo masuq maasuqa ragaadiyay geyiga Soomaaliyeed.

Ugu danbeystii guddiga doorashooyinka dadban, waxaa guul u noqoneysa taariikhdana u geli doonta in ay soo hubiyaan bulshadana hor keenaan eed la’aan musharrax qaadi kara mas’uuliyadda qaranka Soomaaliyeed, sidaasi darteed hubsiino hal baa la siistaaye, inta aan la falin ha laga fiirsado, shaqsiga hoggaanka noqon doona.

 

W/Q: Bashiir Cali Xuseen

Barbaariye@hotmail.com

SHEEKOOYIN