NASTEEXO Q1AAD W/Q: Cabdiraxmaan M. Warmooge

086f7e9b2bde4bd886ff1ba56c9182c7

NASTEEXO Q1AAD.

Shan sanno ayaa ka soo wareegtay barashadii aniga iyo Nasteexo. Maalintan maalinteedi ismaanu baran, bal se jawigan jawi u eeg ayaan isku dhex baranay isla magaaladan Boorama. Roob ayaa sidan oo kale u tiixtiixayay. Dhibcaha aan aadka u waawaynayn ee saqafka sare ee guryaha kaga sanqadhinaya ayaa la moodaa in la sacabinayo. Jeegaanta quruxda badan ee dhulka ku aroorta daawashadeeda waxa wehelinayay hawada macaan iyo saxansaxada udgoonka ah ee sanka aan la raacraacayo.

Dhulkaa sidan oo kale u qoyannaa, bal se aanay biyo soconayn. Hortayda dhowr dumara oo duruucda kor u xaytay ayaa ordaya, iyadoo roobkii istaagay. Sabata sidaa ugu quruxbataan dumarku marka uu roobku da’o ayaan naftayda weyddiinayaa? Malaha iyagaaba dabaceeda la sheegayo [dhirta, buuraha..] kamid ah. Istaqfurullaah! Oo raggauna markaa maxay noqonayaan? Mooji, malaha kuwii ka faa’idaysanayay, mar labaad istaqfurullaah tooba yaa rabbi mar labaad, haddana iska sii dabaalo kolley waad ka toobad keeniye, haye, oo maxay lugaha u qaawiyaan jawigan oo kale? Malaha quruxdooda ayay ku mashquulaan. Oo waayahee maxay la ordaan oo la wada luxmaan dhammaantood? Istaqfurullaah mar saddexaad. Mooyi waxay ka ordayaan, malaha roobkaa soo noqon ayay is leeyihiin. Waayahee maxay u wada luxmaan? Istaqfurullaah mar afraad. Kuwa sharafta leh ee dharka asturan xidhaa ma wada luxmaan, shaydaana kuma adeegto ee kuwa faraha iyo meelo kale laga falay ee dharka xun qaata ayaa si badheedha isu luxa, shaydaankuna sii luxaa, istaqfurullaah, tooba yaa rabbi. Ku talagal ayey isu luxaan waa i arkoo i daawada, noocaa waa laga jeestaa ka jeeso, dhinacaa midig fiiri. Tu kalaa halkaa laafyoonaysa, quruxi way ku dhammaatay, anna indho damaci ku jiro ayaan la sii raacay illaa intay ka sii libdhaysay, yaa ka daba taga Jannadaa oo la caweeya ka dib …. Istaqfurullaah mar lixaad. Horaan usii socday dhinicii Baska Jaamacadda.

Geed baan hoos marayaa. Geedkaa aan hoos marayo, Shimbiraha ku dul diriraya caleemaha ay daadinayaan ayaa aniga sida boqor la soo dhowaynayo korkayga ku daadanaya. Sii wada dagaalka ayaan niyadda ka leeyahay. Wali waan sii socdaa, istaankii Basaska ayaan hadda gaadhay. Waa halka aan ka raaci doono Baska jaamacadda igeyn doona. Waa saldhiga dhexe ee magaaladda Boorama. Bas ma taagna, bal se gabadh baa taagan. Magaceedu waa Nasteexo, waa qof dhiibsan oo haddana dhisan. Way dhoolla-caddaynaysaa, tu kale ayey u sheekaynaysaa, farahay fiiqfiiqaysaa, soo orod inay ileedahay ayaan u haystaa. Xaggee ma dhinaca Baska mise dhinaceeda? Mayee dhinaceeda. Nasteexo waa yarta ay naftani sabab la’aan ku jeclaan doonto. Waa midda ay indhahaygu ku mashquuli doonaan, naftaydu ku waalan doonto, dhaguhunna dhawaaqa codkeeda raadin-doonaan. Qalbigan dhagaxa ah mida biyo ka dhigi doonta, ka dib qudhqudhin doonta. Wakhtigan daqiiqadaha ah inta ii hadhay qofta ila qaybsan doonta. Qalbi bilaa nal ah waa mida iftiin ku filan u shidi doonta. Waa Nasteexo.

Waan soo ag-istaagay. Oo haddaan oggahay miyaan ag-joogsan lahaa. Waan salaamay, iyana way iga qaaday. Waan ku durkay, oo dhididay, oo haddaan sidaa u dhididayo miyaan ku durki lahaa. Wadnahoo i garaacaya ayaan dhowr su’aalood waydiiyay. Iyadoo deggan ayay iiga jawaabtay. Dhowr daqiiqo oo halkaa aanu taagnayn ayaanu si fiican isu baranay. Isku jaamacad ayaanu noqonay. Dareen, dabeecad, dhaqan, aragti, fikir, dookh, dulqaad, damiir, iyo xishood kaba qof qofka aan doonayo u-eeg ayay noqotay, ma u-eeg mise laftarkeedii? Mayee laftarkeedi.

Qof wada faraxada, oo dhoolla-caddayn badan ayay ahayd. Subax kasta istaanka Baska ayaanu ku kulmi jirnay. Waanu is fahanay, ka dib waanu isu soo dhowaanay, maalin ba maalinta ka danbaysay ilaa heer aanu gaadhnay inaanu taleefanka kawada xidhiidhno si joogto ah. Aroortii kolkaan tooso iyadaan jeclaa inaan indhaha ku kala qaado. Aragaygu ma saxmi jirin illaa aan wajigeeda indhahayga la helo. Kolka aan salaamo ayuu jidhkoo dhami diiri jiray. Codkeeda markaan maqlo ayay dhaguhu i furmi jireen. Dhaqdhaqaaqa wadnahayga ayaa kordhi jiray kol kastaan ag-fadhiisto. Sheekada aanu halkaa ka billowno ayaanu jaamacadda ku tagi jirnay. Baskaan ka dagi jiray anigoo carabku i qalalay, oo miyaan dareemayaaba. Maalintii shan jeer ayaan soo booqan jiray, bal se inaan la joogo waxaan ii saamaxayn kuulliyaddayada oo kuulliyaddooda ka fog.

W/Q: Cadbiraxmaan Maxamed (Warmooge)

 

SHEEKOOYIN