FILAN-WAA! W.Q: IBRAAHIN-NOLOSHA

Haweeney ay la socdaan wiil iyo gabar ay dhashay ayaa soo galay dukaan lagu iibiyo dahabka. Milkiilihii ayaa wayddiiyey waxa ay dooneyso, markaas ayey u sheegtay in ay iska iibineyso farraanti dahab ah.

Sababta ay isaga iibineyso ayuu mar kale su’aalay, waxa ayna ugu warcelisay: “Faraantigu waa hadiyad, anna waa la i furay, ninkeyguna biilka ayuu iga ka goostay. Marka, waxaan rabaa bisha soo socota wixii aan ku noolaan laheyn”.

Dukaanlihii ayaa yiri: “Ma sababtaas oo kaliya ayaad isaga iibineysaa faraantiga?” Haa dabcan. Waa haddiyad ay hooyadey i siisay, anna dhibaatadan i haysata si in aan xal ugu helo, waxaan ku qasbanahay inaan iibiyo.” ayey ugu jawaabtay.

Wuxuu wayddiiyey qiimaha ay ku dooneyso. “Ma garan karo” ayey ku tiri: “Balse qiimaha uu suuqa ka joogo iga sii si aan biilkeenna ugu debbero.”

Ninkii baa qasnad ka soo saaray lacag qiyaastii u dhiganta qiimaha faraantiga, wuxuuna siiyey haweeneydii garoobka aheyd. Wuxuu sidoo kale u celiyey faraantigeedii. Intey yaabtay ayey gadaal u durugtay. Af kala qaad baa ka soo haray! Milkiilihii baa ku yiri: “Maaddaama uu faraantigu haddiyad yahay, iska hayso. Haddii aad culeys kale la kulantana ila soo hadal lambarkeyga ayaan ku siinayaaye.”

Filanwaa ayey ku noqotay. Intey is xajin weysay ayey isku duubtay ninkii dukaan laha ahaa, waxa ayna ku celcelisay: “Waad mahadsan tahay. Aad baad u mahadsan tahay.”

Dukaanlihii baa ku yiri: ” Haddii aad mar kale go’aansato in aad iska iibisana meel kale ha aadin, aniga ayaa kaa iibsanaya ee ii keen.” Way aqbashay, iyadoo ilmo farxadeed ka qubaneysana waa ay baxday. Sheekadan waa muuqaal aan daawaday oo kaamiradaha qarsoon ka duubeen dukaan dahabka lagu iibiyo.

Casharrada laga baran karo sheekadan:

  • Hooyo kasta waxa ay gabadheeda siisaa ama u meeleysaa hanti (dahab) ay hadhow ku baxsato haddii carruurta lagu deyriyo.
  • Naxariistu waa faa’ido ka qaalisan macaashka laga helo ganacsiga. Lacago yar oo aad dad danyar ah u sii kala yaryareysana, waxaa ka fiican in aad hal qof siiso wax weyn oo anfici kara.
  • Hadiyaddu nooc kastaba ha ahaatee, waa la ilaaliyaa haddii ay keyd gali karto, xitaa haddii aad xumaan ku kala tagtaan ama isku dhacdaan qofkii kuu keenay.
  • Maxaa kale oo aad sheekadan ka baratay?

W.Q: Ibraahin-Nolosha
Muqdisho, Soomaaliya

Facebook: @Ibraahinnolosha
Twitter: @Ibraahinnolosha

 

SHEEKOOYIN