Nolosheyda iyo Xijaabka W/T: Iqra Cabdirashiid

10403387_908388099207736_3640006006530887745_n

Nolosheyda iyo Xijaabka

Aad baan u yaraa, markuu dhacay kacdoonkii islaamiga ahaa ee dalka Suudaan ka dhacay 1989-kii, mana xasuusto wıxıı dhacay, balse waxaan si fiican u xasuustaa walaalshey, oo aheyd ardayad jaamacad,aadna u labisan jirtay, sidoo kale waxaa jirtay gabar dariskeenna ah, oo tifaftire wargeys ka ahayd, waxay ahayd naagtii ugu quruxda badneed oo aan nolosha la kulmo, waxaana maalin walba ku ooyn jirey inay sideeda oo kale timaha ii gu hagaajiso. Waxaan billaabay iskuulka, macalimaddeyda fasalka labaad waxey igu garaaci jirtay tubbo, aniga oo toddobo jir ah, qamaar la’aan darteed, markii ay hooyadey ogaatey waxay ii badashay iskuul kale, sidoo kale waxey ii soo iibisay qamaar cad, iguna qasabtay inaan maalin kasta xirto.

Waxaa ka soo wareegtay sannado, markaas waxaan ahaa fasalka 7-aad, hooyadey ayaa maaalin iga sheekeysay asturnaanta, waxayna ii sheegtay asturnaantu inay tahay goonno dheer iyo qimaar madaxa la saarto, haddii aysan dhicina ay iyada iyo aabbahay naarta galayaan. Walgeed hooyadey ma xıran goono dheer mana daboolin timaheeda, sidaas darteed, waan diidey in aan timahayga daboolo, balse goonnada dheer waan ku qasbanay, maxaa yeelay mid kale suuqa ma oolin. İntii aan ku guda jirey fakarkii iyo walaacii, waxaa dalka ka tagay walaashey, si ey nolol u raadsato, sidoo kale gabdhii dariskeenna ahayd waxay billaawdey in ey xirato dharka hiddaha iyo dhaqanka Suudaanta ku saleysan, si ay u ilaalsato shaqadeeda wasaaradda tarbiyadda, ka dib markii la xirey wargeyskii ay u shaqeyn jirtay . Waxaa dhagaheenna ku soo batay, in booliska dalku u dhaceen xaflado badan oo qaas ah, iyo munaasabado aroos, laguna eedeeynayo in rag iyo haween la wada ciyaarayay.

Haweenkii dariskeenna ahay waxay billaabeen in ay xijaabtaan, sidoo kale waxay ku boorrin jireen hooyadey, taas oo ku saacideysa in nimankooda shaqada la dalacsiiyo. “Haddii aan xajkii ka dib xijaaban waayay, ninkayga dalacsiintiisa darteed uma xijaabanaayo”, waxaa sidaa yiri hooyadey. Waxaan weydiiyay hooyadey maadama aysan iyada xijaaban waxa ay aniga ii gu qasabto! “Adiga aad baad u yartahay, haddii aadan xijaaban waa lagu gu xad-gudbayaa” waaxaa yiri hooyadey. Nolosheyda waxaan xıjaabtay laba mar, markii hore wuxuu socdey sanad qura, kii dambe shan bilood ma dhaafin. Ka dib markii ay i aqbashay jaamacadda Khartuum, waxaan ku qasbanaadey in aan xijaabto, waayo xijaabku wuxuu ahaa qasab, sidoo kale waxaan saxiixnay in aan jaamacadda gudaheeda ku xijaabanayno, waxaa jirey sabab kale, waxaan jaamacadda u raaci jirey bas, waxayna gabdhaha kala kulmaan xad-gudub, waxaan ku fakaray in aana xurriyad ku helayo haddii aan cad yar oo mara ah madaxa saarto, sida ey dad badan sameeyaan, iina baaqanayso waqtiii iyo lacagtii aan galin jirey timahayga adadag.

Nolosheyda xijaabka iyada oo aysan ku socon sidii laga rabay, ayaa maalin waxaa ii suurta gashay in aan ra’yigayaga ka gudbiyo dood, qof hadlayay ayaa yiri; “islaamku waa sababta dib u dhaca dalka Suudan”, waxaan ugu jawaabay “islaamku ma burburin nolosheenna, ee waxaa burburiyay islaamiyiinta”, maka soo wareegan saddax daqiiqo markii ay isoo gaartay warqad ay ku qoranatahy in aysan bannaanayn in ay naag ka hor hadasho meelahaan oo kale, is ka dhaaf inay islaamka ka hadasho iyada oo waliba asturneyn. Intaa kuma joogsan weerarkii, wuxuu qaatay qaabab kala duwan, balse waxaa iga yaabiyay in jaamacadda la iga celiyey marar badan, waayo qimaarkayga oo biin ku xirneyn, goonneyda oo dhinacyada ka furan, shaatiga oo ciriiri ah iyo wax la mid ah.

Waxaan ogaadey in xijaabku hal-beeg lehayn, waayo waxaan isu haystay in aan xijaabanahay, dad badan waxay gaareen go’aan ah in aan asturneyn, anigana waxaan gaaray natiijo ah doorshada dharkayga in ay tahay mas’alo aniga i quseysa iyo waxa aan jecelahay, oo aysan ahayn waxa dad kale rabaan. Waxaa iga sii yaabinayey in xadgudubkii istaaggin.Waxaa sii xoogaystay muslim is ku sheegyada “islaamiyiinta”, oo iyagu isku xil saaray hagidda qaabka loo xırto jalbaabka, ma aysan iga masuugin in ay indhaha ila raacaan, sida ayaga oo aan maqlin aayadaha xaaraantimeeya indha la raacraacidda dumarka.

Waxaa la aaminsanaa in gabar aan xijaabnayn la guursan, sheekadaas waxey aad ugu dhex faafsaneyd gabdhaha ehalkayga ıyo saaxiibbadey. Inta badan waxay billaabeen in ay xijaabtaan, maalinba maalinta ka sii dambeysana ku sii fogaadaan, qaarkood wexey diiddeen salaanta ragga, waxey billaabeen inay dadka tusaan wadaadnimadooda iyo sida ey diinta u heystaan (Tadayun), sida in ey ka aqriyaan Qur’aanka goobaha guud, qaadashada tusbaxa, ku aqrinta ducooyinka cod dhaadheer iwm. Hasa ahaayee waxaan aad uga xumahay in ay hilmaameen ama is hilmaamsiiyeen in Islaamku yahay diin wada dhaqmidda ogal iyo in uu xaaraan yahay istustuska, xanta, isku-dirka iyo ku mashquulidda ceebaha ummaddaha kale…

La soco qaybaha soo socoda.

W/T Iqra Cabdirashiid

SHEEKOOYIN