NOLOSHIISA WAA WAALIDKIIS! (SHEEKO GAABAN) Curiye: Mohamed Musa Shiikh Noor

Nor1

NOLOSHIISA WAA  WAALIDKIIS! (SHEEKO GAABAN)

 

Sida caadada ii ahayd markii aan tukaday salaadda subax oo aan masjidka ka imid ayaan xoogaa waxaan fadhiistay fadhiga gurigayga si aan u daawada barnaamij aan ku taxnaaa oo ka baxayay markaa tv la dhaho Iqra, barnaamijkaas oo ahaa barnaamij  diini ah.

Markii aan dhamaysta barnaamijka oo aan is leeyahay fadhiga ka kac oo isku diyaari camalkaaga maanta, ayaa waxa soo galay barnaamij igu kalifay in aan fadhiga ka kici waayo, kaas oo sababay in ay illin ka qubato indhahayga markii aan daawaday sida Adoomada ilaahay u kala iimaan badanyhiin oo allah iimaanka ugu kala nimceeyay!

Waa Hooyo iyo Aaba soomaaliyeed, gobolka waxaan is leeyahay sida aan ka gartay lahjada Afka Soomaliga ee uu ku hadlayay wiilka ay sheekada ku socoto  ayaa ahaa gobolada waqooyi ee hada loo yaqaano Somaliland, balse magaalada  ama tuulada ay ahayd ma sheegi karo, maadaama aanan waligey tagin meeshaas Barnaamijkana aan lagu sheegin oo lagu soo qoray oo kaliya Soomalia.

Wariyaha tabinayo sheekada ayey Dadka degaanku u sheegeen in xaafaddan ay daganyihinin Cid mucjiso ah, oo noloshooda  oo dhan ay qiso ka suubsanthay!

Markii uu u tagay ayuu wuxuu u geeyay xoogaa yar oo hadiyad ah, maadama barnaamijka in masaakiinta la kaalmeeyo uu muhiimadiisa ahaa.

Wuxuu waydiiyay su’aalo badan oo ay uga jawaabeen kuwaas oo uu barnaamijka ka suubiyay.

Waa qoys ka kooban sadex qof oo kali ah Aabo iyo Hooyo iyo Wiilkooda,wuxuu Allah qoyskaas ku manaystay markii ay is guursadeen 12 wiil oo wada hana qaaday micnaha wada koray.

Lagasoo bilaabo 1990 kii ilaa 1998 ayaa waxaa Allah ka oofsaday 11 wiil!

Waaa qoys ku dhisan alla ka cabsi, labada waalid waa duqowsho , hooyada Indhaha ayay la’dahay aabahana indhiisa wuu qabaa, balse waa daciif oo sidaa waxba ugama arko, ha yeeshee waa uu dhaamaa hooyo oo gab ah!

12 kii wiil waxaa kasoo haray kii ugu yaraa oo aan is lahaa waa 28 ilaa 32 ayuu u dhaxeeyaa, waa sida qayaastayda ahayd, waa qoys aad u faqri ah oo tabar darro ka muuqato sida xaqiiqda ah, guriga ay daganaayeen uma ekayn guryaha aan daganahay sida runta ah, wuxuu ahaa guri aad u liita oo aad ka calool xumaanayso!

Waxay iila ekayd meesha meel tuula ah sida qisada lagu sheegay, waxay iskusoo oodeen ood si xayawaanada wax dila aysan ugasoo gudbin meeshaa, wiilkooda  magiciisa meesha laguma sheegin, sidaa darteed anigana ma sheegayo magaciisa saa maba aqaan, magacna uma bixinayo.

Tabarta kaliya ee cidda leedahay waa wiilkaa, isaga ayaa baxa oo kasoo xamaala magaalada, mar gaari gacan ayuu wadaa, mar xamaali duudka ah ayuu xamaalaa, mar walba waa sida uu wax u helo,  si uu u quudiyo hooyadii iyo aabihii!

Cuntada isaga ayaa u karsho subixii hore, inta u diyaarsho wixii uu diyaarin karo ayuu ka tagaa, uuna siiyo inta uu siin kar oo cunta ah ayuu ka shaqa tagaa.

Labada waalid meeshooda ayay iska fadhiyaan, xiliga salaadda la gaarana waysada oo wiilkoodu horey ugusoo diyaarshay ayay ku waysaystaan, salaaddana isku xirtaan oo jameecadooda meshaas ku gutaan.

Labadoodaba laba tusbax ayay haystaan oo maanta dhan wardiga allah ayay wadaaan, ayaga oo u ducaynaya wiilkooda in uu usoo dhiibo wixii khayr ah wax dhibana uusan tusin.

Sida uu shekada ku shegayo wiilkooda,  ma dhicin wali inta uu albaabka ka baxo in uu soo laabto isaga oo wadin irsaaqadooda, wuuna soo helaa mar walba wixii allah ugu tala galay  haba u yaraadaanee.

Marka uu yimaado wuxuu  madaxa ka shumiyaa labada dhashay isaga oo si fiican u marxabeeya,xaqiiqdii marka aan daawanayay indhahayga illin ayaa ka qubanaysay,  marka aad u fiirsato xaaladda adage ee ay ku sugnaayeen sadexdaas qof, waa qoys alla ku xiran, oo  mar wlaba allahooda tuuga ugana mahad celsho nimcada uu ku manaystay.

Suaalaha la waydiiyay waxaa ka mid ahaa, maadaama 11 wiilashooda ah ay aaseen micnaha ay ka dhinteen sida uu yahay dareenkooda dhabta ah?

Jawaabta ay bixiyeen ayaa ahayd in ay u tahay cibaado, maxaa yeelay samirka waa qayb ka mid ah cibaadada, waxayna dhaheen waxaan hubnaa in allaheena qaadirka ah uusan wax xun noo doorin, isagana uu shalay na siiyay, maantana uu ka qaatay, ayagana ay yihiin kuwa sugaya geerida ay dhadhansheen wiilashooda!

Wiilkaas ayaa labada waalid daryeela, mid walbana gacantiisa ayuu ugu qubeeyaa, labadooda gacantiisa  ayuu ku siiya cuntada, hooyadiis waa mid usii xambaaro firaashka ay ku seexanayso, isla markaana inta ay ka hurdayso ku hurdisiiya labadiisa lugood korkooda, isaga oo u salaaxaya madaxa ilaa ay ka huradana aan is dhaqaajinayn, wax yar kadibna wuxuu ka dhunkadaa dhabanada iyo wajiga.

Allah subxaanahu watacaalaa ayaa ku manaystay wiilkaas, runtiina farxad ayaa ka muuqatay wajiyadooda ayaga oo u ducaynaya mar walba wiilkooda, su’aalaha kale ee wiilka la waydiiyay waxaa ka mid ahaa, ma guursatay mise damacasantahay in aad guursatid?

Inta uusan ka jawaabin su’aashaas indhihiisa ayaa Illin kasoo qubatay, wuxuuna yiri “noloshayda waa labadaas waalid, ayaga ayaa I dhalay, cid aan ku aaminayana ma jirto, abaalkooda ma gudi karo, mustaqbalkayga halka uu noqon doonana alla ayaa og, waxa uu allah ii qorana ma gafayo, guur iguma jiro inta ay labadooda aduunka ku neefsanayaan,micnaha ay ku noolyihiin!

Maalinta ay aduunyada ka tagaan, markaas waxaan arkayaa waxa uu allah ii dooro, balse maanta xaaladda  ay ku suganyihiin ayaa ii diidayso.

Wuxuu yiri aniga ayaa u gabar ah, wiil u ah, ehel u ah, aniga ayaana doonaya in aan ka haqab tiro baahi walba oo ay qabaan.

Hadaba adiga aqrinaya qoraalkan waxaa is waydiisaa xagee kala taagantihiin adiga iyo wiilkaas, waalidkiis noloshiisa oo dhan u huray? goormaase kuugu dambeesay hadaad tahay qurba joog, waalidkaa oo aad la hadasho, ama wadankii aad dhinac ka joogto,mase darensantahay in waalidkaa ay saacad walba kuu baahanyihiin? Maxaase ugu duwantahay wiilkaa?

Qof aan hada ka hor arkay waalidkiisa oo dhibaataysan una baahan  gacantiisa ayaan ku iri “maad u timaadid waalidkaa oo baahida ay kuu qabaan ka haqab tirtid?

Hadalka uu qofkaas iigu jawaabay ilaa maanta ma hilmaansani!

Wuxuu igu yiri qofkaas”aniga aduunyo badan ayaa I sugayso noloshayda ayaa hadda cusub, wax badan ayaan tiigsanayaa,  marka waxba uma tari karo waalidka, lacag iyo biil haddii ay u baahdaan diyaar ayaan ula ahay, balse kama yeelayo in aan dunidayda iyo noloshayda u baaba’sho!

Bal eeg farqiga u dhaxeeyo wiilkaas iyo qofka aan arkay?

Waalidka baari haloo noqdo aqyaarey, xitaa haddaad ka maqantahay isku day in aad subax walba salaanta la gaarto, meel waqtiga na gaarsiin doono allah ayaa ogee.

Waalidka waa nolosheena qaybta ugu muhiimsan haddii uusan jiri lahayna ma jirneen inaga oo dhan, xaqa waalidkana waad aragteen in uu ku xigo xaqa allah, taas waxay ku tusaysaa in uusan fududayn.

Jannada aakhirana waxaa lagu galaa baarinimada loo noqdo waalidka,laga yaabee in waalidka qaarkii ay si u qalafsan yihiin ama ay dhib badan yihiin balse, taas ma ahan mid ka qaadaysa booskooda waalidnimo, in aad u naseexayso waad leedahay marka aad ku aragto in aysan waddo wanaagsan ku socon ama ku dhaqmayaan wax aan wanaagsanayn, balse, waalidka kuma wanaagsana canaanta iyo in uf la dhaho loona goodiyo.

Qof walba wuu leeyahay iin ama eed dhanka waalidkiisa ah, ha noqoto eedaas in uusan ku wanaagsanayn xaga xiriirintooda, ama uusan ku wanaagsanayn xaga nafaqayntooda, ama uu labadaasba ku wanaagsan yahay balse, uusan ku wanaagsanayn xaga hadal dhihidda qurxoon.

Hadalka sidiisaba waa waran lagu tuuro qofka, marna waxaa laga yaabaa in uu dhaawac gudaha qalbiga ah u gaysto, marna uusan ku dhicinba oo uu noqdo hadalkaas mid aan waxba gaysan, sidaa darteed, waxaa wanaagsan in mar walba la koontaroolo qaabka hadalka lagula hadlayo waalidka ama dadka kalaba.

Qofka si uu akhlaaq ahaan u dhismo waxaa wanaagsan, in uu mar walba saaxiib ka dhigto dadka wanaagsan, qisooyinka nuucan oo kale ahna uu badsho aragtidooda ama maqalkooda, si dareenkiisa gudaha ay saamayn dambe ugu yeeshaan, aniga markii aan daawanayay qisadan waxay iila mid ahayd sidii aniga oo galay duni kale oo murugo ah.

Dunida sideedaba waa mid albaabo badan, albaab walba marka aad gashidna ma dhamayn kartid waxa aad nolol ahaan ku arki karayso, mana ahan wax kooban oo qalin ama hadal lagusoo koobi karo, sidaa darteed albaabada nolosha aad ka galaysid bal dib isaga eeg.

 

W/Q:Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com       

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN