Noloshu waa waa taariikh W/Q; Mohamed Musa Shiikh Noor

Nor1

Noloshu waa waa taariikh

 

Nolosha dunida ayaaba iska ah, sida badan hadaf la doonayo in la gaaro, oo tiigsigiisa loo maro caqabado fara badan, oo leh dhinacyo badan, in aad gaartaa hadafka aad leedahayna waxay ku xirantahay mar walba dulqaadka iyo dhabar adayga aad u muujiso naftaada .

Balse, haddii aad tahay, qof mar walba raja dhigiddiisu ay sahlantahay, waxaa la dhihi karaa markaa, ma tihidi qof gaari karo hadafka aad doonaysid nolol ahaan in aad gaarto, sida xaqiiqda ahna , wax fudud ma jiraan oo wax walba waxay leeyihiin, waxa la dhaho caqabad, sida aad caqabadahaas uga gudubto ayayna ku xirantahay mar walba halka aad taagnaan doonto mustaqbalka dambe ee noloshaada.

Nolosha sideedaba, waa Qurux la doonayo in lagu raaxaysto,qurux  indhaha u roon ayaa lagu raaxaystaa, lama sheegin wali, wax aan indhuhu ka helin in lagu tilmaamo qurux, inkastoo quruxda qof walba uu si u yaqaano, hadana nolosha quruxdeeda ayaa ah  Raaxo.

Qof walba oo dhaqaala helaa ama jaanis kale uu soo maraa, waxa ugu horeeyo ee uu ku haminayo ayaa ah, sida uu ugu raaxaysan lahaa noloshiisa haba lagu kala duwanaado qaabka raaxada ee nolosha loogu raaxaysto, mana ku wanaagsana nolosha in mar walba aad suubiso, ficil gadaal dambe kaa ugaarsan doono, haddaba ma wanaagsana,  in raaxada aad raaxaysanaysid ay noqotaa mid dib kuugusoo laabto oo kugu noqota dhib hadhow aad la hardanto xalkiisa.

Xaqiiqda nolosha dunida, ee uu qof walba ku haminayo ayaa ah, in qof walba uu doonayo, in uu ku noolaado nolol wanaagsan, oo wax dhib ah aysan ku jirin, hadaba, si aad u gaarto heer sare, waa in aad marka hore u taraan turootaa, una dhabar adaygtaa, wax badan oo noqon kara Darbi la doonayo in aad ka talaabsato.

Sidaa darteed, mar walba ficilka aad suubinayso, in aad dib u eegis ku samayso natiijada ka dhalan karta ayaa ah waxa ugu muhiimsan, yuusan noqon hadafkaaga sida aad ku gaari lahayd raaxo dambe oo noloshaada ah ,balse, eeg waddada aad uga nabad gali lahayd, Qodxaha badan ee daadsan hortaada, kuwaas oo marna kuu sahli  kara in aad si fudud ugu dhacdo god qaldan, oo kasoo bixiddiisa ay noqoto dhibaato.

Nolosha sideedaba waa dhib, dhibkaas oo la doonayo in la xaliyo mar walba, si hor u socod loo suubiyo, dhibkaas aan soo sheegayna waa qayb ka mid ah nolosha, waa imtixaanaadka nolosha qayb ka mid ah, dadka qaarkii dhibka ma jecla in ay arkaan ama uusoo wajaho, waana dabeecadda Bani aadamka in dhibka ay ka cararaan, waxaasa su’aal mudan dhibku ma yahay mid iskiis isaga yimaada, mise waa mid ku yimaada ficilada aan samayno ?

Sida runta ah, dhibku wuxu ka dhashaa mar walba af-caasheena, waxaana loo sababayn karaa ka fiirsasho la’aanta  ka dhalata, talaabooyinka aan qaadayno, mar walba waxaa na hor daadsan hormo dhibaatooyin ah oo sida Koolo camal dhulka u wada yaal, qofkii dul maraana ay ku dhagayso, qofkii arkaa ee ka leexdaana aysan soo doonayn.

Dhibka sidiisaba, inta aan xalkiisa la gaarin waxaa ka wanaagsan in laga hor tago, dhibaatooyinka uu la imaan karo, mar walba sida saxda ahna dhibaatada in la abuuraa way sahlantahay, oo ma ahan mid su’aal ay ka taagantahay, balse, sida lagu xaliyo ayaa mar walba su’aalo ka dhashaaan .

Waxaana dhacda sida badan, inaga oo ku dadaalayno ama raadinayno xal, in aan isla markiiba abuurnaa dhib kale oo kasii wayn kii aan xalkiisa raadinaynay, hadaba waxaa wanaagsan in marka wax la xalinayo in xalkaas naftiisa, inta aan ficil ahaan loo qaadin miisaan la saaraa, oo dhan walba laga eegaa lana ogaadaa, in uu yahay xalka dhabta ah ee ku haboon, dhibka markaa taagan suulintiisa, iyo in uu yahay mid noo sii gaysan kara, dhibka markaa na haysta mid ka wayn, nolosha sideedaba waa dhibaato iyo xallinteeda, qofka intaas garan karana, waxaa la dhihi karaa waa qof ku guulaysan kara nolosha inta gaaban ee uu noolyahy, wax badan oo dadka ay ka dhaxlaana reebi kara .

Dhibku mararka qaar waa inoo Qibrad ama Macallin wax na baraya, dunidan maanta taagan haddii uusan dhib jiri lahayn, maanta wax badan oo la gaaray lama gaari lahayn, wuuna  ku run sheegay Allah subxaanahu watacaalaa marka uu yiri “Dadka waxaan barnay wax aysan aqoon”.

Sidaa darteed, dhibka waxaa la oran karaa maslaxaddeena horumarkeeda ayaa ku jirta mararka qaar, mana jiri lahayn Fakar, haddii uusan jirin dhib, fakarka waxaa keena sida badan caqabadaha uu soo dirriyo dhibka, waxaana la oran karaa dhibku waa wareegaha aan fadhiisan, sakanka uu kaa maqanyahay ma ahan mid meel ku nasanaya, ee wuxuu ku maqanyahay malaayiin kale oo uu hurda darro iyo harraadba ku riday.

Noloshu waa taariikh, taariikhdana waa middda aan ku noolnahay, ee ay sameeyeen dadkii naga horeeyay, anagana aan samayn doono, taariikhda sideedaba waa mid iftiimisa wax badan, waana mid la oran karo mararka qaar dib ayay iskusoo celisaa.

Taariikhdu, waa midda abuurtay Geesiyaal badan oo magacyadooda ilaa maanta dunida laga sheeg sheego, iyada oo aan loo eegayn Diinta iyo Duulka ay kasoo jeedeen, waxa kaliya ee lagu tix galiyana ay ahayd afcaashii ay markaa ka dhex sameeyeen bulshada ay waqtigaa la noolaayeen.

Hadaba, adiga waxaa laga doonayaa in aad noqotid, mid ka mid ah geesiyaashaas waqtigooda la noolaa waxaana mar walba wanaagsan, in aad tahay qof la nool waqtigiisa, lana jaan qaado mar walba bulshadiisa iyo dunida uu markaa ku noolyahay, taariikhda mar walba waa xustaa geesigeeda inkastoo ay jiraan geesiyaal badan oo uusan waqtigu saacidin in lagu qeexo kitaabada qoran ee Sooyaalka Dunida.

Qof walba wuu noqon karaa, geesiga waqtigiisa mana jiraan wax kaa hortaagan in aad ka mid noqotid dadka taariikhda lagu xuso, qasab maahan in Buug wayn lagugu qoro, balse waqtiga ayaa ku qeexayo muhiimna ma ahan, in lagu sheeg sheegaaba,  muhiimadda ayaa ah in aad mar walba la timaado wax qabad wanaagsan oo nafsiyan saamayn wanaagsan kugu leh, bulshadana u leh Dhaxal wanaagsan, wax kasta oo maanta dunidan laga arkayana waa wax laga dhaxlay Qof, dadkaas oo dhanna waxay ahaayeen geesiyiinta waqtigooda, qaarna waa la qoray oo qoraal ahaan ayaan taariikhdooda ku haysanaa, qaarna wax qabadkoodi ayaaba marqaati u ah in ay jireen,  ahaayeena Dad saamayn wanaagsan ku leh dunida jiritiaankeeda dambe. Nolosha sideedaba waa taariikh, hadaba noqo Geesiga waqtigiisa ku nool.

 

Mohamed Musa Shiikh Noor

Ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN