Ogaataye, maxaad yeeli? W/Q Maxamed Haybe Axmed.

Ogaataye, maxaad yeeli?
Maalin maalmaha ka mid ah, anigoo fadhiya meherrad shaaha laga cabbo, taasi oo ku taal Magaalada Hargaysa. Waa meel dad badan isugu yimaadaan.  Horaa loo yidhi, rag waa shaah, dumarna waa sheeko’e, intuu qof waliba fijaankiisa dalbado, ayuu kula dhawaadaa Cid ay isku sheeko yihiin. Aniga iyo labba nin oo aan saaxiibo nahey ayaa ila jooga. Intaan saddex-gees isaga soo hor jeedaanayey ayaan shaaha firiqda heynaa, bahal sheekana gowda heynaa.
Dhafooradayadda, waxaa ka soo boodaya dhidid waaweyn  oo tiftaa haya, shaahu xaraaro weynaa.! Waxaa dhinaca midig iga xiga odey waayeela. Waa odey cas oo laf weyn. Da’diisa, waxaan ku qiyaasay dhowr iyo lixdan. Odeygu, sheekadaya uma jeedin oo moobeyl ayuu kolba ku hadlayey. Inyar ka bacdi, waxaa odeygii soo ag fadhiistey nin madow oo dheer. Markii sidaa u fadhiistey, koob shaaha oo uu gacanta ku sitey, labba jeer kabadey. Ka dib, intuu koobkii dhulka dhigey, ayuu jeebka shaadhkiisa gacanta galiyey. Wuxuu kala soo baxay bacmiiko, midabkeedu casaan yahay. Bacdii oo la garto iney wax ku jiraan, ayuu kala furey. Tolow, maxaa ugu jira?
Waxaa ku jira dhowr dhagax oo qaar fataatiirta le’eg yihiin, qaarna kaba waaweyn yihiin.
Odeygii casaa ee meesha hore usii fadhiyey, ayaa sidaa u eegey. Markaasuu ku yidhi, ma macdan baa? ” Haa, ayuu igu war-celiyey”.
 Odeygii, ayaa wuxuu yidhi, dadkeenna soomaalidu macdan aqoon u malaha, dhulkeenana wey ka buuxdaa, qalab aynu kula soo baxnana ma heysano. Boqolaal sanno eyeynu sidaa uun u dul joognaa. Kama faa’iideysano, laakiin waxaa iska gurta dad shisheeye. Waxay inoogu soo gabadaan hay’addo ayaan nahey, waanu idin caawineynaa; kan iyo kan baan idiin qabaneynaa.
Waxba inooma qabtaan ee kheyraadkeena eyey hoos u gurtaan.!  Intaa markuu yidhi, ninkii dhagaxaanta siteyna uu dhageysanayo, ayaa aniguna intaan asxaabteydii kasoo jeedsadey ayaan dhegta maaley. Odeygii oo ay ka muuqato waayo-aragnimo gaamurtey, ayaa hadalkiisii sii watey, kana sheekeeyey, sheekadan cajiibka ah, kuna bilaabay sidan:
1991kii, waxaa jirtey hay’ad shisheeye oo joogtey magaalada Jigjiga ee Deegaanka Soomali galbeed. Waxay dadka u qodi jirtey ceelal biyood. Waxaan ka mid ahaa shaqaalaha ceelasha qoda. Nin cadaana ayaa shaqada kormeeri jirey. Labba waqti ayuu kormeerka sameyn jirey; waa duhurka dabadii marka lakala hadh galo iyo markey cadceedu gaabato.
Ninka cadaanka ahi, wuxuu baran jirey af soomaaliga. Wuu nala sheekeysan jirey, si uu luuqada u barto. Kan maxaa af soomaali lagu yidhaa, ayuu odhan jirey. Anaguna waan u sheegi jirney.
Afkii ayuu si fiican u bartey. Wuxuu gaadhey heer aan shanteena farood ee gacanta, waxaa lakala yidhaa u sheegno, kuwaas oo kala ah: faryaro, Faadumo, far-dhexo, murdisho iyo suul gomad.!
Ninka cad, wuxuu ahaa ingiriis. Inta badan, waxaa la-shaqeyn jirtey naag cad  oo u dhalatey Jarmal. Maalin kasta, markey shaqaaluhu ceelka ka dareeraan, ayuu dul iman jirey ceelka, wuuna fiir-fiirin jirey.
Mar mar ayuu halkaan ka shaqeynayno, intuu bannaanka uga baxo, ayuu kelidii keynta iska geli jirey. Waxoogaa markuu maqnaado ayuu soo laaban jirey. Waxay sidaa ahaataba, maalin maalmaha kamid ah, ayaa markii shaqada inteedii hore dhammeynay ayaan ka dareerney.
Inyar markaan nastey, ayuun baan xagii ceelka usoo dhaqaaqey; waxaan doonayey mooyaane.
Waxaan soo socdaba, markaan usoo dhawaadey ceelkii, waxaan arkey ninkii cadaanka ahaa oo ceelkii dul fadhiya. Waan usoo dhawaadey, ima arkayo markaa. Kolba intuu intuu foorarsado, ayuu dhagax qaadayaa, dabadeed, wuxuu saarayaa saacad uu gacanta ku hayo. Markuu saacada saaro, ayuu dhagaxa ku ritaa shandan uu xambaarsan yahay. Dhagax kale ayuu qaadaa, sidiiyoo kale ayuu saacada dulsaaraa, dhagaxii ayuu iska tuuraa.!
Ninkii oo howshii iska wata, dhagaxna Iska tuuraya, midna shandada ku ridanaya, ayuu indhaha qac igu siiyey. Intuu kor u boodey, ayuu aad u naxay. “Maxaad aragtey?”, ayuu yidhi.
“Waxaan arkey, inaad macdantii dhulkayaga guraneyso”, ayaan ugu jawaabey.!
“Ogaataye, maxaad yeeli?”, Ayuu yidhi. “Bal horta saacad aan macdanta ku baadho isii”, ayaan ku celiyay. “Saacad tan oo keliya ayaan heystaa, tu kalena ma heysto, laakiin maalin kasta, waxaan ku siinayaa lacag; lacag markaa u dhiganta maanta $10”, ayuu iigu jawaabey.! “Waan ogollahey”, ayaan idhi.
Ninkii cadaanka ahaa, maalin walba wuu isiin jirey lacagtii. Markii lacagtii ii wadey labba bilood, ayuu maalin ii yeedhey. Wuxuu igu yidhi, ” waxaan tagayaa Ingiriiskii, waana soo noqonayaa, saacadiina waan kuu soo qaadi; lacagta aan ku siin jireyna gabadha(naagtii Jarmalka aheyd) ayaa ku siineysa. Maalin kasta markaad rawaxdo, halka iyo halkaa mar oo u doono.
Ninkii Ingiriiska ahaa, wuu iska dhoofey. Lacagtii, waxaa isiisiin jirtey gabadhii uu igu balamiyey. Maalin walba waan u tagaa, kana soo qaataa.  Markii, in muddo ah lacagtii sidii iisiin jirtey, eyey maalin ii yeedhey. Waxay igu tidhi, ” Ninkii wuu dhintey, waana la-gubey ee usoo ducee, kana samir”.! ” Lacagta uu isiin jireyna, bal ka warran?, ayaan ku idhi.
“Lacag kale kuuma hayo, waxaad isku ogeydeena anuu garan maayo”, eyey iigu jawaabtey.
Ninkii dib uma soo noqon, dibna uma arag; lacagtiina halkii eyey igaga joogsatey.!!
Odeygii, halkaas ayuu sheekadii ku soo af jaray.
Haddaba, halkaa aynu kaga degno sheekada’e, maxaynu ka fahanney?
Waxaanu odhan karnaa, dhulka soomaali degto oo dhan, Illaahay ayaa dhigey kheyraad dabeeciya oo macdantu kow ka tahay. Waqtigii gumeystuhu dhulka Somaalida yimid, ujeedooyinka ugu waaweyn ee uu ka lahaa, waxaa aheyd, inuu boobo kheyraadka dabeeciga ah, sida macdanta.!
Waxa aynu fahaney, in dadkeena looga faa’iideysan karo baahidda.
Waxa aynu ogaaney, ineynaan laheyn ilaa hadda aqooontii macdanta.!
Waxa aynu garanney, Reer Galbeedku iney gurtaan macdanteenna, iyaga oo ku soo gabanaya Samo-falayaal.! Hadda, waa ba kasii dareen oo waxa ay usoo badheedhaan iney yidhaahdaan: waxa aan nahay shirkado macdanta qodda; waxa aan idiin qododeynaa macdan ee nala heshiiya.!
Ugu dambeyntii, waxaa aan ku talinayaa in Soomaalidu mar walba ka foogjignaato, dadka shisheeye ee dhulkooda sida qarsoon uga guranaya dhagaxaanta qaaliga ah. Arrintan, qof walba oo Soomaali ahi, wuu ogyahaye maxa aynu yeelnaa?!
W/Q
Maxamed Haybe Axmed.

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.