Ogeysiis iyo Wargelin

 

Bahda Laashin waxay idiin soo gudbinayaan Ogeysiis ku saabsan in dhawaan aannu bilaabi doono soo gudbinta  Sheeko uu qorey, Qoraaga weyn ee Cabdullaahi Macalin Maxamuud (Siyaasi) oo ahaa Qoraagii sheekadii hore  ee Quraafaadka Faalliyaha qorey  ee dhammaatey  toddobaadkii hore.Sheekadan Cusub ayaa la magac baxday Xero Shaydaan, Sheekadan ayuu qoraagu inoogu soo bandhigayaa dhacdo dhacday waa hore uu la wadaagay mid  ka mid ah widaayadiisa, isaguna uu inoogu weeleeyey qalinkiisa. 

         Horu dhac kooban

Sheekada Xero Shaydaan waa sheeko dhab ah, oo ku dhacday nin dhallinyara ah oo Soomaali ah, ninkaas oo  aan mar wada deganayn  guri muddda gaaban  magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya. Sheekadan waxay ka hadlaysaa taariikh kooban oo ku saabsan nolasha Daahir Guuleed oo ka mid ahaa dhallinyaradi u shaqo doonatay sannadahi toddobatameeyadi dalalka khaliijka ee dhulkooda uu hodanka ku yahay Saliida Shiidaalka. Daahir wuxuu ahaa nin afgaaban, aad iyo aadna u hadal yar , kolkuu warramayana ay aad ugu adagtahay ruuxa uu la hadlayo in uu maqlo hadalkiisa. Daahir yaraantiisa wuxuu ahaa gooni u socod iyo nin firfircoon oo aad u fikiro, kuna dadaalo in uu ku hormaro xagga waxbarashada, si uu u helo ama u gaaro mustaqbal wacan, laakiin nasiib darro taa uma suurtagelin, arrimaha mustaqbalkiisana siduu jeclaa uma hagaagin.Daahir sidoo kale wuxuu ahaa nin aad u dhowro waalidkiisa ,aadna uga warhaayo sida ay ula soo kacaa kufeen ama u soo barbarbaariyeen iyo jacelka ay u qabaan iyaga oo arko wiilkooda Daahir oo maro waddadi uu ku gaari lahaa adduunya wacan iyo aakhira suuban.

Daahir Guuleed mudda gaaban gudahood wuxuu ku bartay waxyaaba badan oo aannan nolashiisa horay u soo marin,wuxuuna sheekadan dhammaadkeeda nasiib u helay in uu guursado Qamar Sharif oo iyada Ilaahey calaf uga dhigay ,sababna u noqotay in uunan ku sii socan waxyaaba badan oo sabab u noqon karay in uu ku fashilmo nolashiisa xag aduunyo iyo mid aakhiraba. Sheekadan waxaa kale oo ay si kooban uga hadlaysaa dhibka weyn oo ay nolasha umadda Soomaaliyeed iyo umaddaha kalaba ku heyso la xiriirka faalliyayaasha iyo fooxlayaasha noocyadooda kale duwan. Sheekadan waxay sidoo kale indha fur u tahay dadka aanan arrimahaas iyo dhaqamada faalliyayaasha guud ahaan ka heysan fikir balaaran ,islamarkaasna aanan ka warqabin in ay tahay dembi weyn oo xitaa looga bixi karo diinta Islaamka u tegista ama rumaynta faalliyayaasha. Ma rabo in aan ku sii dheeraado ka faalloodka sheekada  nolashi Daahir Guuleed ,waxaansa aad u rajeynayaa in ay dad badan ka helaan faa’iidooyin kale duwan oo wax weyn ku soo kordhin karo khibradooda nololeed.

Fiiro gaar ah ,magacyada ku jiro dhammaan sheekdan ma ahan kuwi dhabta ahaa oo ay sheekadan soo martay , magacyadan kuugu soo mari doono inta aad guda jirto aqrinta sheekada Xero Shaydaan waa kuwa la mala awaalay .Mahadsanid iyo Aqrisasho wacan .

Abdallah Moallim Mahamud.

SHEEKOOYIN