Qabyo Jacayl Q2AAD.

11749821_10204786930649645_1585639190_n

Qabyo Jacayl Q2AAD.

Arrinkii markaan arkay inuu igu sii ballaadhanayo ayaa waxay naftu huri weyday, inaan saaxiibkay rumaad kala tashado, hawsha igu soo korodhey iyo isbeddelkayga ileeyn keligay waan maareyn waaye.

Waxaan u imid Cumar,waa is barriidiney waxoogaa hawaala wareysi ka dib, ayuu igu yidhi cumar:

“Saaxiib Caamir aad baan u fiicanahay ee adigu iska waran, ayaamahan waqti badan isla maynaan qaadan, waxoogaa miyaad wajacsanayd, mise hawlo dhinaca qoyska ah iyo caawimadooda ayaad ku mashquulsanay, mise arrimo kale oo xasaasiya ayaa jiray?

Anigoo la yaaban sida saaxiibkay u dareemay isbeddelkayga, oo markii horre moodayey arrin aniga igu kooban oo aan dadka kale iga dareemi kareyn, ayaa jarasku igu yeedhay oo waagu igu baryey, hoos baan isu idhi oo ileeyn waxba kuuma qarsoona.

“Waa cajiib siduu ku dareemay inay maskaxdayda wax ka dhex guuxayaan,” intaa markaan niyada ka yidhi ayaan haddana anigii isu jawaabay “haa waar ninku waa saaxiibkaa, saaxiibka dhabta ahna waaka aamusnaantada fahma,wajigaagana waxa jira ka akhrista,haa qofka kalliya ee arRinkaagan maareyn kara jidna u bixin karaana waa isaga, ee kala tashato oo bal isla qaadda dhiga, laga yaabe inuu wax kugu biiriyo.

Markaan ayaan u billaabay, Saaxiib Cumaroow, waxa jira arrin yar oo aan ka qarinaayay maalmahanba, waxaa igu dhacdey, subax dhaweyd anigoo iskuulka socda, ayaan si wed la kulan ah u arkay inan la yidhaahdo Sagal, oo aan yaraantii dugsigii hoose wada dhigan jirney.

Qacdii horreba markaan arkay, waxay ila noqotay sidii qof maanta ay iigu horreyso arageedu, waxaan u eegay si aanan waligay u fiirin, ishana waan la sii raacay oo mar qudha ka libiqsan waayey, wuxuu muuqaalkeedu igu noqday, mid naftu ku ildoogsanayso, oo argtideeda ayaa aad iisoo jiidatay, ilaa aan gaadhay inaan dhinaceeda sidaan u eegayey ku turunturoodo, dhagxaan wadada taalay.

Ugu dambayntii waxaa qaybaha xasuusta ii sheegeen, inuusan muuqaalka sidan ii dhexqaadey inuusan ahayn mid igu cusub, sidoo kale waxaa isu kay qaban weyday, Sagal inay waxaannoo bilica u qarsoonaayeen iyo in wax kale lagu daray.

Cumaroow saaxiibkay rumaad ilaa maalintaan halacsaday “ Heego muuqdheertaas ilaa iyo maanta, Hammi iyo feker ayaa I dul hogganayey muddo saddex toddobaad ah. Waxbarashadii ma dhigan karaayo iyo duruustii aad ogeyd sidaan ugu dedaali jiray, waxaan ka noqday gaabis, , bulshadii iyo dhallintii aannu sheeko wadaagta ahayna waxaan ka doorbiday, cidlada iyo keli ahaanshaha, dhadhamadii cuntadu iima kala duwana, oo wax nafsad ahba uma hayo, hurdo waanu kala dhaqaaqney oo madaxeygu waxaa dhex guuraya muuqaalka inantii Sagal si kasta waan isugu dayey inaan ka tirtiro ama is dhaafiyo balse waa ku guuldareystay arrintaas, wax aan qaban karo ma jirta, hawl kasta oo aan isku dayo inaan qabtana waxa iga hortaagan Sagal, sawirkeeda ayuunba i hor imanaya, markastana iyadaan ka fikirayaa ilaa haddana ma fahmayo sababta?

Cumar ayaa isagoo dhoola caddeynaya, oo jabka iyo dhibka i haysta aad moodo inuuba ku faraxsan yahay ayaa yidhi:“Saaxiib waxani waa dareen”

Intaan yaabay oo ashqaraarey ayaan idhi, “ Yaa war maxaad tidhi Waa dareenaa! dareen noocee ah saaxiib?”

Cumar oo weli sidiisii isaga degan oo aan wax shido ahiba haynin ayaa yidhi:”Waxba ha yaabin, dareemadu way farabadan yihiin, laakiin adiga sheekadaada waxaan ka dhadhansaday in dareenkii jacaylku ku saaqay, waa dareen jacayl, Sagalna waxaay kaaga go’i la’ dahay xasuustaada uga bixi la’dahay kalgacal ayaa kuu galay!!

Odhaahdii cumar ayaa ila dhex maaxday badweyn, waxaanna arkay inaan u guurey meel kale oo aan galay hawo kale, waligay kuma fikirin jacayl saaxiib waanad igaranaysaa, laakiin maxaan sameeyaa hadda?

Cumar ayaa iigu jawaabay”Wax dhiba ma jiraan saaxiib, waxa kaliya oo aynu u baahanahay qorshihii aad ugu sheegan lahayd Sagal jacaylkaaga, iyo sidii aad usoo jiidan lahayd inanta qalbigaaga buulka ka dhisatay.

Warbaa yimid, arrinkii aan saaxiibkay ula imid, taladiisu ma dhibin, balse wuxuu ii diray, shaqo guri, waxaan niyada ka idhi, u sheego iyo jacaylkaa? Markaasaan haddana cod naxdin gariira ku idhi Yaa u sheega aa, iyo sidee?

Cumar ayaa iigu warceliyey: Saaxiib is deji, niyadana samo u sheeg, wax kasta waa la dhammeyn karaa, waxaynu hawsha ka billaabaynaa inaynu helno, iridaan ka geli lahayn Sagal, qaabkaad mar kale isu baran lahayd, barasho ka duwan tii horre, iyo sidaad ugu sheegan lahayd dareenkaaga, haddaba si aan arrintaas u galno waa inaan soo helnaa qof ay isku fiican yihiin, inaguna aynu si fiican isu naqaan oo aynu ka dhigano furaha, markaa waxkastaaba way fududaanayaan, niyada khayr u sheeg beri ayaan galaynaa arrinkee.

Waxaan tagay xaafadii anigoo yaaban waxyaabo badana ka fikiriya “hadda waad jeceshahay Sagal oo run ah laakiin iyadu tolow ma i jeceshahay? maxay igu jeclaan imaba taqaanee, laakiin anigu sawniga habeen iyo maalinba ka fikira iyadu saacadna igama fikirto miyaa, iska daa waad ogaan doontaaye” War jiraaba cakaaruu iman”

Guriga markaan galay, ayaan is idhi seexo, balse waxaan maqlayaa hees cod dheer oo u shidan, walaashay iyo asxaabteeda oo maryo ku maydhaya, geedka guriga agtiisa ah, heesta ayaa waxaa ku luuqeynaya fannaanka weyn ee Saalax Qaasim Naaji.

 

Mid uun baa qalbiga

Ka maqnaaninoo

Ku dhex maaxatee

Kama maarmayoo

Marki aan arkana

Meel uunba i go’dee.

 

Moogiye jaceyl

Moogiye jaceyl

Waa maxay?

 

Waa macaan

Ama waa qaraar

Kolba waa siduu

kuu soo mare.

 

Waa magac cudur

Midka ugu xumee

Dadka moogyahee

Ma moodeyn sidane

Bal maleeya oo

Maxaa lagu daweyn?

 

Midab lagu gartiyo

Waxaan muuq laheyn

Ayuun bey i mirtee

Muran iyo garbaan

Mutultuur cidlaa

Isku muruxsanee

 

 

Moogiye jaceyl

Moogiye jaceyl

Waa maxay?

 

Waa macaan

Ama waa qaraar

Kolba waa siduu

kuu soo mare.

 

Waa magac cudur

Midka ugu xumee

Dadka moogyahee,

Ma moodeyn sidane

Bal maleeya oo

Maxaa lagu daweyn?

 

Mahadhada dhibtiyo

murugadan qaba

Iga muuqatee,

Dadku ii malee

Inaan ahay maraan

Lagu maadsadee.

 

Moogiye jaceyl

Moogiye jaceyl

Waa maxay?

 

Waa macaan

Ama waa qaraar

Kolba waa siduu

kuu soo mare.

 

Waa magac cudur

Midka ugu xumee

Dadka moogyahee

Ma moodeyn sidane

Bal maleeya oo

Maxaa lagu daweyn?

 

Markay heestan maqlay, waxaad moodeysay, eray walba oo afkiisa ka soo baxaya, hobbolka ku xareedinaya inuu aniga si gaar ah ii taabanayo, intaan is ilaaway oo bannaanka usoo booday, ayaan gabdhihii ku idhi markay dhammaatey, heestii hadda ku soo celiya, walaashay way la yaabtey, waayo ma ahayn, mid sidaa horre ugu daneeya, heesaha Qaraamiga ah, balse codsigeygii waa lay qiimeeyey, aniguna waxaay ii noqotey, Kiniinkii hurdada oo waxaan dareemay xasilooni, maadaama, aan helay dhakhtar og cudurkayga oo sida lay hayo oo dhan, hal abuur ku tilmaamay.

 

La soco qaybha dambe,

Cabdiraxmaan Maxamed Axmed “ Warmooge”

SHEEKOOYIN