Qabyo Jacayl Q3AAD.

Warmogeh

Qabyo Jacayl Q3AAD.

Habeenkii markii la gaadhay, ayaa haddana sidaydii waxaan billaabay, galgalad iyo hadba dhinaca u gadoon. Habeenii oo dhan, indho isuma keenin, waxay goorsheegtada saacadiba saacad ii dhiibto, oo waqti isa soo guro, markaan arkay ineysan sidan hurdo iiga so dhacayn, waxaaban go’aan saday inaan iska soo jeedo oo aan fekerka laasimo, waxaan guda galay sidii aan u soo afmeeri lahaa arrinka Sagal, anigoon wax xalla haynin haddana su’aalo ayuunbaan nafta ku wareeriyay hurdadiina ku seegay, waxaan idhaahdaa “Waar niyow miyaad iska seexatid berina iskuulbaad tagaysaaye, sheekadana sidii cumar sheegay xal aan ahayn ma lehe” intii aannu eedaanka Salaadda subax dhicin, anigoo weli sidii u baaxaadegaya, ayaa naftu intey keligeed daashay, yara laamadooday.

Daalkii intuu iga tan badiyey, markaas waxaaba ka hadhay, xili hawleedkii maalinimada waxaan dhamayn saacad iyo badh, berina waa Sabti oo waxaan ku qasbanahay inaan jarmaado, maadaama lagu jiro weli xiligii sanad dugsiyeedka, sidoo kale imtixaanaddii waxbarashadu socdaan.

Bal kolleyba haddaan soo jeedayo, maan ka faa’iidaysto, oo iska aqriyo maadooyinka aan berry imtixaanka ku gelayo, waxaasiba maaha wax maankayga ku soo dhacaya, ee waxaa buuxiyey, qorsheyaal kale iyo hawl aan meel ay ku dambayn doonto la ogeyn.

Waxaan ka soo jeedaa niyadda, Cod shimbireedka soo dhaweynaya waaberiga waan maqlaya, sawaxanka bulshada u diyaar garoowbeysa hawl maalmoodkoodana waa la socdaa, garriirka iyo guuxa gaadiidka dhawaqooda isoo gaadhaya, haddana waxoogaa waa sirirsanahay, cabaar ka dib ayaan si fiican u galey sardho wanaagsan.

 

Waxaa la gaadhay Subaxnimadii, waagiina waa dilaacay, waan soo baxay, waxaanan billaabey diyaargarowgii, sidii aan u aadi lahaa, Iskuulka,   waa lebistey, anigoo labaddaan ugu jeclaa dharka iskuulka gashadey, waxaan tegay muraayada “ Biladdayaha” si fiican ayaan isu eegay, waxaan gacanta la tiigsaday, Kareemo yaallay muraayada hoosteeda iyo barafuun, si wanaagsan ayaan isaga haqabtirey, bilcinta iyo is carfintaba.

Ka dib waxan tagay iskuulkii. Tamashlayntii garoonkii Bursade ka horeeyey anigoo niyadda ku haya Sagal “Tollow saaka miyaanay imanayn, jeclaan lahaaya saaka iyaddoo haddaan u sheegto jacaylkayga aqbasha, farxad baan malaha dhimman lahaa” mise waxaaba albaabka igu sugaaya oo horteyda ka soo muuqdey, Cumar,Sagal iyo Abdiraxman yaasir oo meel gaar ah wada taagan, waxaana ii gacan haadiyey, Cumar oo dhoola caddeynaya, waxay igu noqotay u qaadan waa, madaxaa i waynaaday, socodkii xaragadu ku jirtay ayaa iga khaldamay, gabigayguba waan isku dhex yaacay waxaan niyada iska leeyahay “waar inkaar alle ku rid muxuu sidan kuugu galay, dadka ma sidaasaa layskaga hor keena, haddaan ku idhi inanta jacaylkeeda igala tali baan idhiye ma iigu sheeg oo afka isu kaaya gali ayaan ku idhi” Afarta dhinac ayaan eegay mise meel lagu gabadaana ma jirto afartii giddaar ee bursade, jeelkii waalida, dhakhtarkii iyo wasaaradii ayaaba isi soo eegaya, Goor aan goor ahayn ayay igusoo dhacday “maxaad ka baqaysaa gabigoodaba jiidh, indhaha isku qabso oo”

Waan socday anigoo dhidid qoyay, awood ayaan u waayay aan ku qaado lugahaygii, boodhkii aan kicinayay waxaabad moodaysay dabayl xaggaa. Cumar, Cabdiraxman iyo Sagal way qoslayaan laakiin anigga naf ayay iga tahay, garaaca waddnaha ayaaba xannuun iggu haya “dhag dhag dhag” markii aan siddaa u dhaafay ayaa waxa dhegahayga kusoo duulay dhawaaq “Caamir” wuxuu ahaa cod dumar, wax dumar ahna Sagal ayaa taagnayd, Dib ayaan usoo jaleecay anigoo aad moodo in xadhko layga furfuray, waan qaboobay, Farxad waxaaba iigu filnayd magacayga inta ay ku dhawaaqday, anigoo aan Is ogeyn ayaan ugu jawaab celiyay “Hee walaal Sagal”

 

Sagal: ayaa tidhi ma bilaa salaan ayaa laysku dhaafayaa Caamiroow?

Anigoo is adkaynaya ayaan idhi : May walaal Sagal, ma qof la dhaafaad tahay.

Sagal ayaa tidhi: Warka isoo gaadhay waa mid I farxad geliyey, intey dhankayga usoo dhaqaaqday ayay salaam qac igu siisay, iina raacisay:” walaalo haddaad I jeceshahay maxaad iigu sheegan wayday?”

Anigiina intaan anfariirey oo waxoogaa yara aamusay ayaan idhi:” Yaa! Maxaad tidhi walaal Sagal?”

Sagal oo weli dhoolacaddeynaysa, gacantiina ku dhegan ayaa intey teedii kalena dul saartay tidhi, “Wax kasta Cumar ayaa ii sheegay.”

Anigoo weli shoogii ku maqan ayaan idhi: “Cumaraa YAAH, OO muxuu yidhi?

Sagal ayaa tidhi: “Hadda go’aan kama gaadhayo, maxaa yeelay wakhti igu fillan ma haysto, laakiin waxba ha ka baqan waan kula soo soo xidhiidhi doonaa Caamiroow”

Intaa markay sheekadu ii maraysay ayaa waxaan maqlay cod telefoon oo kor u qaylinaya “dhilililow, dhilililow’ mise waxaaba dhacaaya telefoonkaygii “dhakhsa badanaa inantu ma siddanay u dhaga-nuglayd arrinkuse ma sidan ayuu u fududaa?” anigoo indhaha isku haya ayaan qabtay mise waaba cod nin! “waar ma xilligasaad hurudaa ka toos meesha imtixaankii waa la galee” indhahaan kala qaaday mise qolkaygii ayaan dhex jooga, hurdadii ayaa ila foggaatay ilayn xallay oo dhan maan seexan sidaan uga fikirayay Sagal’e, wixii illaa maanta dhacayayna waxaabay ahaayeen RIYO!!!!!

 

La soco qaybaha dambe

Cabdiraxmaan Maxamed Axmed “ Warmooge”

 

SHEEKOOYIN