Qabyo Jacayl Q4AAD. W/Q Warmooge yare.

 

Warmogeh-540x360

QABYO JACAYL

Waan isla soo booday markaan arkay in xaalkaygu yahay, sheekadii Cabdi Malow:

“ Sidii bahalkii

Biriishka ka dhacay,

Baskii jiidhay

labada Baabuur

ilaahay ballanki

Barqaan kacay!”

 

Si dhakhso ah ayaan u diyaar garoobay, albaabkoo dhinacaa galbeedka u jeeda ayaan badh-tilmaamsanayay, quraac maan xasuusan, salaana hadalkeedaba daa. Waxaan tallaaba dheereeyaba waan daalay, qunyar ayaan u socday,

Markaan galnay imtixaankii ee aannu soo bogganay dhammaan, ee la soo galay, Fasaxii sanad dugsiyeedka, ayaa habeen meel xaflad aroosa aannu isugu nimid, aniga iyo Saaxiibadey, Cumar iyo Cabdiraxmaan, Nasiib wanaag meel aan naga dheerayn ayaan ka halacsaday, Sagal oo siday u lebisantahay aad yaabayso oo aad moodo inay ugu soo talagashay caawa inay igu sii laba jibaarto, kalgacalkii aan la baaxaadagayey, Sagal waa gabadh u dhalatey, bilic inta haween lagu tilmaamo, waa gabadh dherer iyo qoton dumar kan ugu wanaagsana, dhuuban oo dhexyar, midab maariin dhalaal ah, indho waaweyn oo sida magnadka kuu soo jiidana af iyo ilko layku saameelay oo markay dhoola caddeyso, aad moodayso xuuralcayntii la sheegayey, hannaanka iyo hubqaadka ayaa u dheer, waxaad moodaa waxa hees la qaaddo in iyada ay tahay qofka lagu ammaanayo.

 

Habeenkan waxaa saaxiibaday ii sheegeen inuu yahay, habeenkaygii, inaan kelyaha adkayso una sheegto arrinkayga, waxoogaa dareen shaki iyo cabsi lehi waa igu jiray, oo qof wax jeceli waa nugulyahaye, waxaase ku daayey, alleylehe, “ Geesinimadu waa in yar oo aad cagaha dhulka ku sii xejiso.

Waxoogaa ka dib ayay meel noo dhaw isa soo taageen, markaasaa intaan u dhaqaaqay dhankooda ayaan idhi: “Ma indhahaygaa mise waa Sagal?”, intey muusootey oo dhoolacadeysay, ayay tidhi, “Caamiroow aashaa hadal imaad garan waayine” intaa kuma ekaysane iyada iyo gabadhii la taagnayde ee Sabaax ayaan gacanqaaday, waxaad moodaa inay qalbigeyga ogeyd sabaax, walaal inanta ii sii ilaali, allaab baan soo qabsanaya bay tidhi, markaasaan niyadda iska idhi: war ma waxbaa loo sheegay mise waa isla doonasho ilaah.

“ Sheeko guud, iyo xasuus waagii la yaryaraa ka dib, ayaan idhi, yaa kula socday, waxay tidhi, cidna waxaaban islahaa, tolow yaa caawa ku dhaweynaya, nasiib wanaag, adigaaban ku helay.

Intaa markaan maqlay ayaa waxaa farxad la dhalaali gaadhay sida barafka, markaasaan idhi” Maaniga leh nasiib aan kugu raaco oo aan garabkaaga ku joogsado, weliba sii raaciyey, tolow ma runbaa mise waa riyo?” Sagal oo dhoola caddeynaysa ayaa tidhi: Ma garan? Maxaase diidaya haddaad i raacdo?

Intaan is celiyey baan idhi: “Waxba walaal, ee adigoo baadi doon ah, xoola intaad ka lahayd meel aad ku sheegto aan garaneyn oo ay kaa dabeyshadeen, daalay oo noogey, haddii aad mar qudha hortaada ka aragto maxaad u malayn lahayd?

Intey markan Sagal si niyad iyo kal iyo laab ah u qososhay ayay tidh: Maxaa tidhi? warba adiguu kugu dhanyahaye? Waa arrin farxadeed leh iyo u qaaddan waa.

Markaasaan helay wadadii aan ka billaabi lahaa, hadalkayga waxaan idhi, caawa sidii baan ahay, maalintii noocaas ahayd ee aad halkaa mareysay, anigoo xusay, saacadii iyo maalintii iyo taariikhdiiba, ilaa maalintaa ilaa saacadan waxaan ku raad joogay sidaan kuu arki lahaa, waxaan ka sheekeeyey, halka xaal iga marayo, indhaheedii waaweynaa ayaa libiqsan waayey, si fiicana waxay u dhuuxaysay hadalkayga.

Markaan dhameeyey ayay tidhi: “Warsan, maba ogeyn inay baadida maqani aniga tahay, waxay tidhi aniguba maalintii waa ku arkay waxaan is idhi ma sugtaa oo ma salaantaa? Haddana waxaan is idhi, dhallinyarada hadda joogta lama aamini karee armuu qalad kaa fahmaa.

Hadalkaas markuu dhegahayga ku soo dhacay ayaan dhididay, ka dib sheeko goos goos ah, ka dib waxay tidhi:Walaale Caamiroow waxba naga xumaan maayaan, Ruux hadduu ku jeclaadona ku jantay baa la yidhaa!

Habeenkaas ayaanu, habeenkaas ayaanu beernay geedkii jacaylka, dhidibnay ballan iyo wacad ah inaanu waldaamino oo isla qabano haasaawe gobeed iyo guur billowgiisa.

Muddo ayaan Sagal wada soconey, si wadajirana u wad kalgacal iyo jacayl isu dheelitiran, hadda qalbigeygu waa nastey guuxii iyo baxaaligii horrena ma jiro, waayo “ Naftu waxay ogtahay ayay dugsataa.

Haddaanan maalmo is arag, khadka telefoonka ayaan kawada hadli jirnay, ilbidhiqsi maanan is moogaan jirin, labadayadda qalbina may kala faaruqi jirin, Sagal waa inan furfuran oo sheeko badan, baddan, habeenka dhan sheeko ayuu igu dhaafi jiray, inkastoo ay kaftanka mararka qaar ka xanaaqi jirtay, balse, kamaan dayn jirin inaad dacaayaddeeyo, Si fiican ayaan u xasuusta mararka qaar intey iga xanaaqdo ayay igu qaaddan jirtey daqiiqado dhan inaan maslaxaad iyo sabaalis galo.

Marnaba qalbigayga kama bixin habeenkii aanu arooska ku kulanay, habeenkii ku xigey ee aanu si gaar ah u ballano, waxay ahayd goor fiid ah, waxaanu iska raacnay gurigooda hortiisa, waxaan u hayay xiiso gaara sheekadeeda iyo garab joogsigeeda, waxaana labadayaba naga muuqatay, xushmad, tix-gallin, ixtiraam iyo qaddarin midba midka kale u hayo.

Anagoo wada socona ayaan laafyaheeda iyo habdhismeeda alle u abuurayey ilqoodha ka xadayey, anigoo si kalgacal iyo dareen leh u fiirinayay dibnaheeda iyo afkeena quruxda badan markay ii sheekaynayso, iyo hadalada ka macaan sida malabka ee qalbigayga ugu duxayey si aan la miisaami karin, farxaddii iyo sheekaddii ayaa nala taraartey waxaanu dhaafnay dhammaan xaafadihii magaallada mar qudha ayaanu aragnay annagoon ogeyn oo mareyna qooriga xeebta , si kaftana ayaan su’aal ugu tuurey.

“Bal kawaran qof ay caawa kuugu horrayso ayaad illaa halkaa soo raacday, adoo kaligaaya?

Intey dhankayga soo eegtay oo indhihii waaweynaa igu soo fiirisay ayay tidhi:”Qofka aaddamaha naftiisa waxa ugu qaalisan qalbiga, xoogna laguma hantiyo,hadduu qalbigaygu raali kaa noqday, meel kasta oo aan kula tago iyo joogitaankaagu waa ii niyadsami iyo dareen farxadeed.

Sheekaddi na dhexmaartay aniga iyo Sagal muddo saddex sanno ah ayaan wadnay oo maaliniba maalin ka xiiso iyo xasuus badnayd. Dadkoo dhami waa isku kaaya oggaadeen, waxaanu noqonay lammaane jacayl, dadka qaarka majeertaan oo ugu yeedhaan, magacyada lammaanayaashii caan baxay, “ Cantar iyo Cabla, Qay iyo layla, Romea iyo Jullia” saaxiibo baddan ayaa sheekaddii ogaaday, mid ku faraxsan iyo mid diidan oo jacayl xaasid ahiba waa jireen.

Waxaanu soo marnay turunturooyin badan, waase u dhabar adeygnay oo kalsoonidayada ayaa mid walba isaga caabinay, si kastoo awooddoodu ahayd way iskugu dayeen inay kala fogeeyaan.

 

Waxaa qoray:

Cabdiraxmaan Maxamed Axmed(Warmooge)

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.