QALINJABINTII MAXAA XIGAY? Qore: Ali Osman Bulle

1

QALINJABINTII MAXAA XIGAY?
Sanad kasta waxa magaalooyinka soomaaliya lagu qabtaa xaflado loogu dabbaaldegeyo ardey ka qalinjabisey Jaamacadaha, kuwaasi oo loogu dabbaaldego guusha ardeydaa dadaashey, ee tacliinta dhammeysatey. Waxase ayaan darro ah, in ardaydaasi qalinjabisey ay ku soo biirayaan, kumannaanka kale ee hortood jaamacadaha ka soo qalinjabiyey oo shaqa la’aan ah, niyad jabkuna qaarkood ku dhacay.

Shaqo la’aantaa kumannaanka dhallinyarada ah saameysey, dawladnimadeennu wax qorshe ah kama laha, marka laga reebo khudbadaha iska hadalka ah ee ay madaxda iyo siyaasiyiintu ka sheegaan xafladaha qalinjabinta, kuwaasi oo ku dooda in dhallinyaradu tahay mustaqbalkii dalka dawladduna dedaal ugu jirto horumarintooda.

Maxaa laga yeelayaa dhallintan faraha badan ee wax soo bartey? Xaggee la geynayaa ee shaqo looga abuurayaa? Maxey saameyn yeelan karaan haddii aan la jiheyn? Ma jiraa xafiis ay dhallinyaradu tegi karto, oo ay wax weydiin karto oo talosiin karo? Kuwani waa su’aalaha aan cidiba isweydiin. Haddey sidan ku soo socoto, maalin dhow dawladnimada waa laga maarmayaa, waayo, waxa ka tegeya macnihii dawladnimo laheyd. Waxa meesha ka baxaya, in qofku garan waayo waxa ay dawladnimadu u tahay isaga..

Haddii shakhsi ama ummad ama dawlad ay rabto, in hadaf la gaadho ama isbedel la sameeyo, waxa la qaadaa saddex tallaabo.

Ta koowaad: waa iney jirtaa dhibaato la dareemey, oo kallifeysa, in wax isbedelaan. Dhibaatadaas waa in la qeexaa oo la sheegaa, lana caddeeyaa saameynta ay yeelan karto haddii xal loo heli waayo.

Ta labaade: waa inuu jiraa qorshe cad oo sheegaya sidii loo gaari lahaa hadafkaas.

Tan saddaxaad: in lagu dhaqaaqo sidii hadafkaa loo gaari lahaa.

Sababta u saamaxdey in dawladdii hore ee soomaaliya ay ardeyda jaamacadaha iyo dugsiyada sare ka soo baxa u shaqo galisaa waxa ka kow aheyd iyada oo laheyd qorshe cad. Dabcan tirade ardeydu intan wey ka yareyd oo culeysku sidan iminka muu aheyn, haddana, waxa jirey barnaamij cad oo qeexaya tirada la rabo in wasaarad kasta iyo wakaalad kasta shaqaaleysiiso.

Khasab maaha maanta suurogalna maaha, in wasaaradaha dawladdu shaqaale badan qortaan, balse, waxa khasab ah in #QORSHE jiraa. Haddii aanad barnaamij sameysan waxba kuu hagaagi mayaan, fursaddana ka faa’iideysan meysid. Mushkiladda oo aad fahamtaa waxa ay u dhigantaa inad 30% xalkii heshey.

Hadaf aad dooneyso inad gaarto, oo aad qorshe fiican u sameysataana, waxa ay ka dhigantahay hadafkii oo ad 30% gaartay. Ku dhaqaaqa, hawshuna waa 40% oo ah intaa hartay.

Qofka ibnu Aaadamka ihi wuxu ku noolyahay rajo. Rajada ayaa u sahasha inuu isaga laftiisu waxqabsado, oo uu ama shaqo helo ama shaqo abuurto ama si kaleba u fikiro. Haddey rajadu meesha ka baxdo, waxba qofku ma qabsan karo, xataa haddii ay soo marto fursad nololeed.

Qofku waxba ma sameyn karo haddey rajadu ka dhimato. Rajadu mararka qaarkood maba aha in wax la isa siiyo ama wax la isu ballanqaado. Rajadu waa in wax la isu sheego, waa in wax la isweydiiyo, oo wax la isu tilmaamo. Waa in la iftiimiyo fursadaha jira iyo dhibaatooyinka la la kulmi doono, iyada oo aan dhaqaale weyn la gelin, oo aan culeys laga dhigin, ayey dawladdu abuuri kartaa rajo niyad wanaag gelisa dhallinyarada wax baratey, ee raba iney nolol dhistaan dalkana wax u qabtaan.

Marka lagu jiro xaaladda ah, in dawladnimadii aaney wax badan u qaban karin dhallinyarada jaamacadaha ka soo baxda, waxa waajib ah, in shakhsiga laftirkiisu firfircooni la yimaado, oo uu billaabo inuu talada gacantiisa ku qabsado. Sharafta koowaad maaha inaad hesho shaqo lacag badan leh, balse, waa inaad marka aad tacliinta dhammeysato shaqeyso, oo aad aragto adiga oo xooggaagii iyo maskaxdaadii manaafacaadsadey. Lacagta kaa soo galeysa inta ay doonto ha noqoto, ee horta waa muhiim inad shaqeysaa. Haddaba, maxaa dhallinyarada ku waajib ah:

  1. Dhallinyaradu niyadda ha ka saaraan dawladda ayaa shaqo abuuri doonta, oo shaqo ayaa meel ka imaneysa ama barwaaqaa la galayaa. Haddaad waxaasi oo kale nafta ugu sheekeyso, waad ku habsaameysaa. Adigu shaqo doono. Waxa taa ka sii fiican, adigu shaqo sameyso. Shaqo cusub oo imaneysaa ma jirto. Waxan iminka yaalla uun hagaajiso oo casriyee. Shaqadu ceeb malaha. Waxaa ceeb ah adoo 23 jir ah, oo aan wax hawl ah qaban oo ku xiiqa siyaasad, ciyaaraha iyo huuhaa!
  2. Ma jirto wax ka sharaf xun shaqo la’aanta, gaar ahaan marka aad tahay qof wax soo bartay, oo lagu soo tabcay. Waa muhiim inaad indhaha furto oo aad shaqo si un u billowdo ama cid u shaqee ama adiguba meherad sameyso. Khasab maaha, in shaqadu noqoto wax weyn ama aad sameysato ganacsi weyn. Horta waa iney jirtaa wax aad u kallahdaa. Adoo xarragoonaya oo makhaayadaha fadhiya waxa boqol goor ka sharaf badan adoo shaqo hoose u kallaha. Xataa haddii ay reerkiinnu wax heystaan oo aaney noloshu kugu adkeyn, haddana waxaa qurux badan inaad shaqo u kallahdo. KALLAH!
  3. Khasab maaha inaad#qolqoljoognoqoto. “Bartii yaqaan bar uma kororto.” Shaqadu meelo badan ayey taallaa. Haddaad Muqdisho joogto is ku dey inaad shaqo ka doonato magaalo kale sida; Gaalkacyo, Boosaaso, Baardheere, Beydhabo, Jowhar, Hargeysa, Laascaanod IWM
    4. Isweydii sababta kumannaanka qof ee waddanka jooga ama ganacsiga ku jira ama meheradaha lihi ay u aflaxeen, ee weliba ay intooda badani aaney jaamacado uuga soo bixin, ee intii jaamacadaha ka soo baxdey ay gidaarrada la taaganyihiin? Ardeyga jaamacadda ka soo baxay waxa ku duuban barnaamij (Software) aan la shaqeyn karin barnaamijyada (software) risiqa lagaga soo saaro magaalada. Sidaa darteed, waxa loo baahanyahay, in dhallinyaradu “reboot ama reset” ku sameyso maskaxdooda oo ay ku duubtaan barnaamijka runta ah, ee lagu shaqeeyo.
    5. Jaamacadaha dalka ka jiraa oo wax weyn ina tarey, marka dhinac kale laga eego waa qeyb ka mida luggooyada. Dhallinyarada waxa ay soo geliyaan rajo badan, balse, si fiican uugu ma soo sheegaan xaqiiqda nolosha ka horreysa. Ardeygu wuxu jaamacadda ka soo baxaa isaga ama iyada oo rumeysan, in iminka uun addunku isu wadafurayo, markey sidaa noqoweydana wey niyadjabaan.

 

  1. Dhawr dhallinyaro ah is ku kaashada oo wax wada sameysta. Iskuul wada furta oo idinku macallimiin

ka wada noqda, markaad ballaadhataanna macallimiin kale qorta. Wax cusub keen oo sidii hore ee wax loo qaban jirey un haka fikirin.

 

Qore: Ali Osman Bulle

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.