Qandho jaceyl iyo guur qasab ah Q3AAD W/Q Ikraan Cali- Kaar

 

quotescover-JPG-61

 

 

 

 

 

 

Qandho jaceyl iyo guur qasab ah Q3AAD 

In door ah markii ay hadalo kaftan iyo sheeko qosol ku lammaanan yahay is weydaarsadeen, ayaa Muna oo sina niyada ugu heysa saaxiibteed Suleeqa oo aan laga dheehan karin farxadii lugu yaqiinay iyo jaceylka ay u qabto waxbarasheeda, waxa qudheeda galay dareen iyo guux. Mar qura waxaa hakad galay sheekaddii socotay, gabdhuhu inkastooy isku iskool iyo fasal yihiin haddana mahan kuwo kala sheeko dharga, asxaabta iyo deriska ayaa weydiiya waxa ay had iyo goor isku sheegaan.

–       Saaxiibeey ayaan maxaa kaa si ah? Ayey weydiisay Muna, oo buugeedii xisaabta ku foorarta, laakin aan akhrineyn ee ay uun indhaha ka eegeeyso baalashiisa. Weey maqleeysa su’aasha saaxiibteed balse baqdin ayaa ku jirta iyo halkeey wark uga billaabi laheyd hadeey damacdo ineey ka jawaabto.

–       Waxeey iska dhigtay qof aan maqleeyn su’aasha, waxeey weecisay mowduucii si aan su’aasha u soo laaban markale. Niyadana waa ka rabtaa in saaxiibteed wax ka ogaato waxa uurkeeda ku jira.

–       Saaxiibeey imtixaanka xisaabta ayaa kurbo igu heeysa, ayey la soo booday Suleeqa ee adiga ma u diyaar garoowday? Waxeey biloowday ineey ka hadasho casharadda faraha badan iyo sideey ugu diyaar garoobi laheyd imtixaanka ku soo fool leh.

–       Hadaladdaas oo dhan markaad eegto ma ahan kuwa welwel ku haya, xisaabta ay ka hadleeyso waa mid ay hubto ineey siddii biyihii u cabeeyso. Ee danta baday iney hesho mowduuc kale oo sii dheereyn kara waqtiga si ay u hesho fursad ay ugu warranto xaaladeeda gaarka ah. Markeey Muna aragtay sida ay saaxiibteed barnaamijyo aan la rabin isku mashquulineeyso ayey tiri.,” naa imxitaanka keligeen nama heeystee, maxaa kaa qaldan, warka ii dhoo dhoob? Xaafadda maa dhibaato jirto? Runta ii sheeg inaan wax kala qarsano iskuma lihinee”.
– Saaxiibeey dhibaato gurigeena kama jirtee ee hadaan wax kuu sheego armaad ila yaabta oo i tiraahdaa naagtaan ma waalan tahay? Ayey tiri iyadoo Ilaahey hoosta ka bareeysay inaan maktabada lugu xirin iyadoon u sheegin waxa caloosheeda ku jira.

–       Abaayooy hadaan runta kuu sheego hana ila yaabinee, wiilkii adeerkeey dhalay ee Cabdikariin ahaa aan ka helay waana ka baqayaa inaan u sheegto, ha dhoowna meelaha igu caayo ee tallo keen?

”Yaah! maxaa tiri?” Muna tiri oo awalba filaneeysay sheeko noocaas ah in loo sheegi doono, balse ay qof kale oo aan Cabdikariin aheyn maanka ku heeysay. Muna marka la eego Suleeqo waa ka xog ogaalsan tahay sida ay u dhaqmaan wiilasha ay wada dhigtaan iyo gabdhaha ay xantaan. Cabdikariin-ka ay sheegeysana waa og tahay inuu indhaha ku hayo Aamina.
”Alla saaxiibteey ma kaasey ishaaratay waxa Illaahey wiilal carradda badiyey” ayey iskula hadashay iyadoo saaxiibteed oo xishood iyo cabsi wijigeeda la leex leexaneeysa fiirineeysa.

 

La soco qeybta afaraad haddii Alla idmo!

 

Waxaa qortay; Ikraam Cali-kaar
ikraam_calikaar@hotmail.com

SHEEKOOYIN