Nimaan dhul marin dhaaya ma leh. …3aad. W/Q Ahmed Hayow

Halka laga dhigaayo dugsiga waa laysku mari waayay, doodi waxay gaartay ilmaheena maalin walba doon sooma raacaayaan iyo seddex tuulo ilmahooda miyaad rabtaan inay doon soo raacaan, ka dib waxaa la soo jeediyay in labada meeloodba dugsi laga sameeyo, taana waxaa diiday Guulwadihi aan ka cabsanaayay markaan Buur weyn ka soo tagnay oo aan duurka ku kaliyoownay, balse markaan wuxuu iila muuqday inuu yahay nin aniga ila jira oo garab iyo gaashaan ii ah.

Ugu dambeynti waxaa laysku raacay in aniga lay waydiiyo meesha aan rabo inaan dugsiga ka dhigto, anigana waxaan taageeray dadki bariga deganaa, anigoo sabab uga dhigay inuu dugsigu ii dhow yahay, ka dib cabbaar marki la aamusay ayuu Guulwadihi yiri: “ha laga hadlo macalinka raashinkiisa iyo meesha uu ku leeyahay, ileyn waad la socotaan inaad ballanqaadeen arrintaas” odaygi ugu weynaa odayaasha ayaa yiri: “howshaas hore ayaan meel u saarnay, macalinkana wuxuu maalinba ku leeyahay tuulo, reerka quraacda ama qadada ama cashada uu ku leeyahayna waxaa u soo sheegaayo madaxda tuulooyinka”.

Halkaa waxaa iiga soo baxday inaan dhanka galbeed sina uga maqnaaneyn oo aan raashin u doonan doono, waxaa taa ka sii daran tuulooyinka seddexda ah, laba ka mid ah waxay saaran yihiin webiga, laakiin tuulada galbeedka way ka fog tahay webiga, waxaana u dhexeeya duur la sii dhex maraayo qiyaas ku dhow hal mayl, ka dib waxaa naloo keenay qado soor iyo caana ah, gurigeena maalinti soor laga kariyo, waxaan dhihi jiray: “maxaa la iigu sheegi waayay inay maanta qada jirin” haddana waxaan imid meel xalay laygu soo dhaweeyay soor oo aan saaka uga soo quraacday daango iyo cambuulo lagu daray subag, kuwaas oo aan ku cunay yaa Alla yaa nafta, markaasaa duhurkaana soor la keenay, waxaan niyada iska dhahay: (kuwaan baasto iyo bariis ma yaqaanaan miyaa?).

Waxaa ii billaabanaayay tababar adag iyo imtixaan cusub oo aan ogeyn inaan ku najaxaayo iyo in kale, mudulki aan boorsada soo dhigtay waxaa dhex yaalay sariir caasha dheer ah, oo uu saaran yahay joodari qumba ah oo aan reetaha sariirta kaa celineyn, wax kale oo dhex yaala malaha, miis hasheegin, anigana waxaan boorsada ku wataa saabuun liifbooy, shaambo, sadiida madaxa la marsado, shanlooyin iyo muraayad, barafuun iwm, alaabtaas halka la saaranaayo ayaan is waydiiyay, dhulka waa caro ah dhoobeey qallashay oo kurtumo kurtumo leh, Mudulku wuxuu leeyahay daaqad yar oo madaxa kaliya laga bixin karo, inkastoo uu dhaamo aqalki daldaloolay oo aan xalay seexday, hadda waxaan dhex imid guriga aan ku noolaan doono inta uu iiga dhammaanaayo barnaamijka bar ama baro mana is hureyno intuu barnaamijkaas ka dhammaado.

 

 

Qadadi soorta aheyd waan taataabtay, laakiin waxaa si fiican uga miirsaday saaxiibka runta ah oo hadda wehelka ii ah, waayoo dadka meesha jooga oo dhan asaga ayaa iiga dhow, wuxuu ii noqday waalid iyo walaal oo kale, markuu fursad helo wuxuu igu yiraahdaa: “Axmed waxba haka baqin, qofki il xun kugu fiiriya dowladda u soo sheeg” anigana waxaa madax ii ah macalimiinti na hogaamineysay oo Buur weyn iiga soo dhiibay Guulwadaha, waxaan ku fekeraayay: (Macalimiintaadi kuuma dhawa, meesha ay jiraana ma gaari kartid oo bahalo ayaa ka horeeya) walow ay ii sheegeen inay kormeer iigu imaan doonaan iyo inay iga war hayn doonaan, balse ma aqaano goorta ay iga soo wardoonaayaan iyo siday iiga war haynaayaan, ileyn suuragal maaha inay maalin walba ii yimaadaane.

Siduu qorshaha ahaa, waxaan qaatay diiwaanki lagu qoraayay ardayda, waxaana na hor keceen odayaashi oo na geeynaayay Mudulada, si aan u soo qorto magacyada ardayda, waalidkoodna aan ugu sheego inay u soo iibiyaan buug iyo qalin.

Dadku waa beeraleey carruurtana uga maarmaan beeraha, sidaa daraadeed waxaan qorsheystay inaan qaar subax ka dhigo, qaarna aan galab ka dhigo, si ay beertana ugu kaltamaan, waxbarashadana ugu kaltamaan, ileyn wax kale oo aan meesha ka qabanaayo ma jirto oo aan ka aheyn inaan wax dhigo.

Waxaan soo dhammeeynay goor casar liiq ah, markaa ayuu Guulwadihi yiri: “waan baxaayaa oo waxaa layga rabaa inaan Buur weyn ku laabto, waayoo waxaa lay sugaayay inaan xalay ama saaka ku laabto, haddii aan caawa tegi waayana waxaa laga yabaa inay isdhahaan macalinki ka wardoona” hadalkaas kuma farxin iyo cidlada uu iiga tegaayo, wuxuuna naga dhaqaaqay anigoo sii fiirinaaya.

Ciyaal laygu daray ayaa i geeyay Mudulkeygi, markaan kaligeey ku dhex noqday ayaan fiiriyay saacadi ii xirneyd, waxaana ka fekeray duurki aan soo wada marnay inuu caawa kaligii ku laabanaayo Guulwadihi, asagoo aan gacabta ku wadan wax ka badan ul yar, waxaan la yaabay geesinimadiisa iyo siduu kaligii ugu dheelmanaayo wadadi uu ka qeylinaayay Waraabihi Suule loo bixiyay, anigoo fekeraaya ayay ii soo galeen laba wiil oo yar yar, kuwaasoo ii sida casho looga soo dhiibay gurigooda, waxay degan yihiin Mudulka igu xiga, waxaana dhalay oday aad iyo aad u fiican, kaasoo iga fujiyay kurbo i haysatay, ka dib markay ii sheegeen inuu Aabahood yiri: “macalinka anigaa deris la ah, habeen walbana anigaa cashada siinaaya, sababta oo ah casho uma doonan karo tuulooyinka naga fog fog, gaar ahaan tuulada galbeedka Xamiir Gaab (qoraxsin)” wiilashiisa markay hadalkaas ii sheegeen, waxay reerkaas ii noqdeen wehel aan Xamiir Gaab ku yeeshay, waxaan wiilashi waydiiyay webiga iyo yaxaasyada ku jira, waxay iiga sheekeeyeen yaxaaska iyo jeerta taasoo aan xisaabtaba iigu jirin, ka dib waxaan waydiiyay bahalaha kale, waxay ii sheegeen inay habeenadi tuulada soo galaan Waraabayaal iyo dawacooyin iwm, laakiin waxaan ku farxay markay igu yiraahdeen waan bursanaa oo waa naga ordaan, mid sagaal jir ahaa ayaa iiga sheekeeyay habeen uu ka soo lugeeyay tuulo la yiraahdo Hesen oo fogaanta Kabxanloow oo kale ah, waayoo meel aan wax ku qiyaasan karay oo aan Kabxanloow aheyn ma aqaanin, sidaa ayayna ii siiyeen fogaanta ay isu jiraan Xamiir Gaab iyo Hesen.

Wax yar oo dhiiranaan ah ayaa i soo gashay habeenkaas, waxaana la ii keenay digir iyo bariis, si fiicana waa u casheeyay, markay iga tageen oo ay faynuusta ii daareen, ayaan billaabay inaan boorsada furto si aan qolkeyga u nadaamsado, ka dibna waxaan soo xirtay albaabka, habeenkaasna waxaan la dhacay daal i haayay.

SHEEKOOYIN