Qof Qaran noqo W/Q: Sakariye Cabdixaliim

Qof Qaran noqo

Dadka dunidan ku nool,waa laba nuuc: 1: Qof noloshiisa iyo jiritaankiisa asiga kaliya ayay faa’iido ugu jirtaa. 2: Qofna noloshiisa iyo jiritaankiisa waxay faaiido ugu jirta, asiga naftiisa iyo Qarankiisa. Tusaale: Qofka koowaad, ee noloshiisa iyo jiritaankiisa ay asiga kaliya wax tar u leedahay, waa midka naftiisa kaliya wax tara, inta uu dunida ku noolaana ku fakarayay, siduu nolol fiican ugu noolaan lahaa, ee aan marnaba danaha dalkiisa iyo dadkiisa waxbana u qaban, sidaana nolosha ku dhammaystay, asigoo noloshiisa wax taray, laakiin aan qarankiisa waxba ku sheegan.

Qofka labaad, ee noloshiisa iyo jiritaankiisa ay faaiido ugu jirto naftiisa iyo Qarankiisa, waa qofka noloshiisa heersare gaarsiiyay, laakiin, wuxuu dareemay, in ay ummaddiisa mas’uuliyad ka saarantahay, ee aan noloshiisa kaliya, waxtarkeeda faa’iido badan u lahayn, sidoo kalena dareemay, in dalkiisa xaquuq ku leeyahay, waxqabad la taaban karana dalkiisa u qabtay, oo horumarka dalkiisa gacan ka geestay, dadkuna marqaati ka yihiin dadaalkii iyo halgankii uu dalkiisa ku bixiyay. Haddaba, qofkaa noloshiisa waxay muhiim u tahay dalkiisa iyo dadkiisa, haddii uu dhintana waxa uu ka dhintay dalkiisa iyo dadkiisa, ee ka ma uu san dhiman qoyskiisa iyo carruurtiisa kaliya, noloshiisuna waxay muhiim u tahay dalkiisa iyo dadkiisa.

Haddaba, waxaa muhiim ah, qof walba, inuu ogaado, in dalkiisa mas’uuliyad wayn ka saarantahay, qof walbana wuxuu qof qiima leh ku yahay qarannimadda dalkiisa, dalkaaga qarannimadiisu haddayba bursantahay, adiguna qof jira ma tihid, ee ummad yahay dalkeenna aan dhisanno qarannimadeenna aan dhisanno, sharafkii iyo cizigii aan ku lahayn dunida aan soo ceshanno.

Run ahaan, in aannan wax kale horumar ku gaarayn, qarannimadeenna maahee. Qof qaran noqo, qof u adeega qarankiisa noqo, sharaf baad yeelan, qof qiima leh baad noqon. Dadyowga caalamka, ee horumaray, waxay horumarkaa ku gaareen, qarannimadoodii ayay hal meel uga soo wada jeesteen, heerkaa sare ayayna ku gaareen, soomaalaay qabiil waxba lagu ma helo, ku ma heleysi, waxa aad qarannimo ku hehsay qabiilka, ee aan qabiilka meel is ka dhigno, oo qarankeenna dhisanno, asaga ayaa sharaf iyo karaamo ku heleynaayee.

W/Q: Sakariye Cabdixaliim

SHEEKOOYIN