QOFNA FICILKIISA MA NOQDO W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

Nor1

QOFNA FICILKIISA MA NOQDO

Sida badan dadku waxay dhahaan mar walba raadso qof wanaagsan oo wax kugu soo kordhin kara, jumlada hadalkaas waa mid qurux badan runtii oo dhawaqa hore wuxuu soo jiidanayaa qof walba oo wax doon ah danaynayana in uu la kulmo wax wanaagsan, marka lagu dhaho wanaaga raadsana isla markiiba dareenkaaga iyo dhagtaadaba waa kuwa u qushuuca ,

Nafta aadanaha sideedaba waa mid ogaal u ah waxa muuqda, dareenkeeduna uusan gaarsiisnayn waxa qarsoon, xaqiiqda ayaasa ah in mar walba waxa qarsoon ay ka qiima badan yihiin waxa muuqda mar walba, sidaa darteed loo baahan yahay in waxa muuqda kaliya aan diiradda la saarin ee loo baahan yahay xitaa in waxa qarsoon juhdi lagu baxsho ogaalkooda.

Haddi lagu yiri wax wanaagsan raadso ama qof wanaagsan raadso oo wax kugu soo kordhin karo micnaheeda maahan in qof walba oo wanaag kuu muujiya uu wanaagsan yahay, Bani aadamka marka tilmaana kooban laga bixinaya dabeecadihiisa iyo dhaqankiisa waxaa lagu tilmaamaa in ay la mid yihiin badeeco Dukaan taal oo subax walba sampal ahaan micnaha inta ugu quruxda badan ee markaa la is leeyahay waa soo jiidan karaan indhaha Dadka oo la suro Albaabka hore ee Dukaanka, taas oo dadka markii ay arkaanba isla markii ku kalifta In ay usoo galaan dukaanka gudaha, oo wixii indhahooda qabteen maahanee wax kale ay sii gataan, taasna waxaa la dhihi karaa waa xulid wanaagsan oo lasoo xulay. qofka bani aadamka ahna shaqsiyaddisa waa sidaas oo kale, oo wuxuu mar walba ku tusayaa inta uu ka doorto shaqsiyaddiisa oo uu is leeyahy dad badan waa ku kasban kartaa.

Marka oraahda uu qoraalku ku bilowday ee ah raadso qof wanaagsan, waxaan ku kordhin lahaa inta aad raadin lahayd qof wanaagsan oo wanaagiisu noqdaa mid uu ku tusay oo kaliya, balse, aan gudaha jirin,waxaa ka wanaagsan in aad raadsato wanaaga ku dhex jira qofka shaqsiyadiisa, waxaana dhici karta in uu jiro qof wanaagsan, balse, aan muujin wanaaga uu leeyahy, qalbigiisa wanaaga ka muuqdana uu yahay mid dabiici ah oo lagu abuuray, waana qofkaas qofka la doonayo in la raadsado oo la helo, lagana yaabee qofkaas in uusan la mid ahaan Karin qofkan wanaaga badan ee soo jiidashada ku dheehan ku tusay, oo isagu haybad u lahayn in uu isku soo bandhigo, sida kan gudaha ka wasaqaysan ee wanaagiisa ku egyahay korka kore.

Sidaa darteed waa adagtahay runtii in lasoo qabtaa qofka wanaaga gudaha ugu jiro, waana caadada wax walba oo wanaagsan ama qaali ah in helidoodu ay sidaa u adkaato, waxa aan wanaagsanayna ay yihiin kuwa dhal dhalaalaya, soo jiidashadooduna ay badan tahay, halka waxa dhab u wanaagsan aysan lahayn dhal dhalaal lagu garto oo la doonayo in dhab loo soo helo, iyada oo aan lagu raacin dhal dhalaal iyo wax kale oo korka laga qurxiyay, balse, gudaha aysan ka jirin quruxda dhabta ah.

Hadaba, marka lagu leeyahay soo hel ama raadso qof wanaagsan, micnaheeda waa in aad u fasirataa in lagu leeyahay soo hel wanaaaga dadka ku dhex jira, ee qof walba ma ahan micnaheeda in uu wanaagsan yahay, wanaagana waa la wada sheegan karaa, balse, lama ahaan karo, qofka ahaanayana waa in uu noqdaa qof si dabciyan u ah, waxa dabciyan loo yahayna waa ka duwan yihiin waxa la iska yeel yeelo, waana wax runtii inta la iska dhig dhigi karo ay adagtahay,   waa tii la yiri “socodaanana loo dhalan lix talaabood ma dhaafo .

Sidaa darteed, erayga ah dadka wanaagsan raadso, waxaan ka jeclaa lahaa in loo dhigo  sidan “raadso wanaaga dadka ku dhex jira.

Waxaa kaloo jirta oraah middan la mid ah oo kaso horjeeda, taas oo ah “ka leexo dadka xun xun micnaha iska indha tir oo ha danayn” eraygaas isda midka kore ayuu u dhawaaqayaa, wuxuuna bixinayaa digniin aad wayn oo dareen wayn laga dheehan karo .

Runtii ma jiro qof jecel xumaan, qof walbana xumaan marka la sheego dhagtiisa si gooni ah ayay u istaagtaa, sidaas si la mid dareenkiisa, maxaa yeelay waxaa lagu dhawaaqay digniin ah, wax xun in ay meelaha ka dhawyihiin, waxaas xunna ay wax yeelo gaysan karaa, sidaa darteed qof walba wuxuu galayaa Difaacu nafsi wax la dhaho.

Balse waxaa is waydiin mudan waaa maxay waxa xun maxayse yihiin waxa xun ee la sheegay ? waa su’aalo dareen leh runtii, mala dhihi karaa waxaa jira qof xun mase qabtaa in uu jiro qof xun? haddi ay jawaabtaadu tahay Haa waa jiraa qof xun, waxaa ku hortaala, qofka ma dabciyan ayuu u xumaadaa, oo xumaanta ma wax lala abuuray baa mise afcaashiisa ayaa u badata xumaan, sidaas ayuuna ku noqdaa qof xun?

Dhan walba marka laga eego ma jiro qof si toos ah loogu tilmaami karo xumaan, maxaa yeelay dadka oo dhan waa gafaan, qof aan ficilo xun xun samayna naguma jiro, sidaa darteed haddi qofku ku noqon karo ficilkiisa ama astaan lagu siin karo ficilkiisa, qof walba waa xun yahay markaas, ileen qof aan gafin oo xumaan samayn naguma jiree .

Hadaba, marba haddii xumaanta samaynteeda ay naga wada dhacdo, lama oran karo waan wada xunnahay, sidaas si la mid ah ma wada wanaagsanin, oo waxaan u dhaxaynaa mar walba wanaaga iyo xumaanta, marba dhinac waan u badan karnaa, balse, taas macnaheeda maahan in astaan ahaan aan ku noqon karno xume ama wanaagsame.

Hadaba, marka la leeyahay qofka xun ka fogow, micnheeda waa in aad u fahantaa in aan laguu tilmaamin ama lagu oran qofka xun ka fogow, ee waxaa laga wadaa qofka xun ficiladiisa ka fogow, micanaha iska indha tiri saacaddaas ama waqtiga uu xumaantaas kugula dhaqmayo,  oo qofka sida saacadda isku badasho ayuu isku badalaa, inta hadda ficil xun kugu sameeyo ayuu isla markiiba u badali karaa ficil wanaagsan, hadaba, oraahdaas waxaan dhihi karaa, iska indha tiri xumaanta qofka suubiyo ama ka foojignow,  ee ma ahan in aad qofkaas riixdo ama ku sifayso sifo laga yaabo in uusan lahayn, taasna ay kugu noqoto xad gudub.

Qof walba labada dhinac nolosha xumaan iyo samaanba waa leeyahay, ma jiro qof ay u kaamilantahay nolosha, marka hadii sidaaba la wada yahay soo ma wanaagsana in aan isku qiimayno ficilada markaa naga dhaca, oo aanan isku sifayn ficilada naga dhaca wanaag iyo xumaanba midka ay leeyihiin,

Waxaa laga yaabaa jumladan kore in aan si fiican loo fahmin, haddaan si fiican usii faah faahsho waxaan ka wadaa qofka kuma noqdo magacna loogama dhigi karo afcaashiisa, qofka iyo afcaashiisana waa laba shay oo aad u kala duwan, qof aad aragtid mar walba in uu ficil wanaagsan suubiyo, balse, nasiibku uu sidaa samaxay in waqti walba wanaagiisa aad kusoo aadid,  ma ahan in aad dhihi kartid qofkaas waa waanaagsan yahay, maxaa yeelay wanaag ayuu mar walba suubiyaa, balse, waa oran kartaa wanaag ayaan ka arkaa mar walba qofkaas, sidaas si la mid ah qofka xumaanta suubiyo.

Sidaa darteed, waxaan oran lahaa oraahda qaar waxay ku wacantahay in loo dhigo ama sifo looga dhigo ficilka, inta qofka lagu sifayn lahaa afcaashiisa ama magac ahaan loogu samayn lahaa afcaashiisa, sida hebel waa qof fiican ama qof xun.

Qofka marna wuu xumaan karaa marna wuu fiicnaan karaa sifadee ayuu qaadanayaa marba haddii qofku yahay qof aan meel daganayn oo marba dhinac ku dhaco? jawaabta waa iska caddahay, shaqsiyadda qofka aan sideeda u dayno, oo yaanan ku sifayn labadaas sifo midkood, ee mar walba qofka halagu qiimeeyo shaqsiyadiisa dhabta ah oo ay ka marantahay afcaashiisa micnaha waxa uu sameeyo.

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN