QORAAL + MUUQAAL: Maansada Gablan Oo War-celin U Ah Maansadii Gurbood Ee Ay Curisey Hodan Sheekh Cumar.

Maansada Gablan waxa curiyey Ibraahiim Cismaan Afrax (Nolosha). waxay jawaab u aheyd maansadii Gurbood ee dhawaan ay tirisey hal-abuurad Hodan Sheekh Cumar. Hodan waxay ka wareysatay Ibraahiim xaalka waddanku halka marayo, in laga gudbay abaarihii iyo in kale iyo arrimo kaloo dhowr ah. Ibraahim oo ka jawaabaaya wadar su’aalo ah oo lagu weydiiyey maansada Gurbood, ayaa wuxu aragtidiisa ku cabbirayaa marxaladda haddeer lagu jiro, isagoo karbuun ku ifinaaya meelo mudan in laga warramo.

HALKAN GUJI SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA MAANSADA GABLAN

maansadu waxay leedahay:

  1. Wax dhan baan ga’leydiyo
  2. Suugaan ka gaabsaday,
  3. Anigoonan gaasirin
  4. Oon gabagabeyn baa
  5. Maankuba gabooboo
  6. Sida neef gibbaanaa
  7. Dhowr gu’ iyo jiilaal
  8. Waan gaaggaxaayoo
  9. Godlan waayey tixihii
  10. Aan gole ka fuulkiyo
  11. Geedaha ka tirin jirey.

 

  1. Ha yeeshee gufaaciyo
  2. Neecaawda goonyaha
  3. Iga soo galeeysaay
  4. Soow gabayadeydiyo
  5. Geeraarradii hore
  6. Aawgiin ma gocanoo
  7. Gunjis leyma tuminoo
  8. Wilisaqiyo gadadoow
  9. Goobaha kumaan xiran?

 

  1. Marka xiga anoon gabin
  2. Gedda leysku sooriyo
  3. Kal-gaceyl walaalnimo
  4. Salaantaada gaarkaa
  5. Hodaneey guddoon wacan.

 

  1. Ga’da kale waxaan iri,
  2. Maansadaada guunkee
  3. Gurbood aad laheydee
  4. Aad igu godeysee
  5. Guuxeedu weeynaa
  6. Ee garaaddadeenniyo
  7. Guurtidu la yaabtee
  8. Guud ahaan asaageen
  9. Afka gacanta saareen
  10. Waxad uga gol leedahay
  11. Aan kula gorfeeyee
  12. Gobaadeey sidee tahay?

 

  1. Marka xigana aan galo
  2. Jiiftada garteediyo
  3. Murti ila gudbooneyd
  4. Oo gaawe loo culay.

 

  1. In kastoo gawaan iyo
  2. Gubad lagu tilmaamoo
  3. Gunta ceelasheenniyo
  4. Wareheenna gabigood
  5. Guran ay ahaayeen
  6. Oo galbeedka iyo bari
  7. Gobollada waqooyiyo
  8. Gunta koonfureed iyo
  9. Bartamahana gaajiyo
  10. Harraad loogu go’ayoo
  11. Dadka geeri aawgeed
  12. Gabaxdii bannaaneyd
  13. Godad looga faagoo
  14. Geel iyo lo’ iyo ari
  15. Ay dabar go’eenoo
  16. Fara-guutadii shalay
  17. Gacalkuba ku deeqeen
  18. Ay gabaabsi tahayoo
  19. Gacan Eebbe mooyee
  20. Gurmad iyo gargaar kale
  21. Rajadooda leys gelin,
  22. Gallad Eebbe baa timi
  23. Gees-ka-geesba dhibic iyo
  24. Gayigii mir baa heshay
  25. Ma qayoon Gudgudihii
  26. Gugacuna ma joogsado.
  27. Boqol iyo barked gelin
  28. konton maqan u sii gee
  29. Afar kale ku geedaan
  30. Gabdhonkii la sugayiyo
  31. Geel-doojihii da’ay
  32. Gal uu buuxshay lama arag,
  33. Waa guran baraaguhu.

 

  1. Talo aan gef laga jirin
  2. Guul sooma hooysee
  3. Rag gureedka aqalkiyo
  4. Geedaha ku shaxi jirey
  5. Markii ay gubtaanyada
  6. Kaba gaabsan waayeen
  7. Soow golongol aawgii
  8. Halla guuro meey oran.

 

  1. Wax ka giigay maan maqal
  2. Inkastoo gambooleey
  3. Iyo kuray is gaabiyey
  4. Ay gunuunucaayeen.

 

  1. Sahan gaari loo waday
  2. Guclo aan dhammaaneyn
  3. Keyn sumeysan lagu gaar
  4. Dibna looga soo guray.

 

  1. Awrtii la goobee
  2. Gaxash iyo dureemiyo
  3. Geed daaqle waaysee
  4. Tugsaneyd gelgelimaha
  5. Gudcur baa rarayaa
  6. Guuraha habeenkii
  7. Ayuun baa la guuraa.

 

  1. Geeddiga hayaankee
  2. Goowskiyo faruurtaba
  3. Gunta xarig la soohiyo
  4. Dacay Lagu galaamee
  5. Garre iyo guntiiniyo
  6. Gaagurre walaalo ah
  7. Seyntada gadaaliyo
  8. Garka ay ka haayaan,
  9. gibilxeerka dheeriyo
  10. Heeryada la giijiyiyo
  11. Heegadii galoolneyd,
  12. Haamaha is garab yaal
  13. Gadoontiyo magaaddii
  14. Gacalooy lagama dhigin!
  15. Goortii la furi laa
  16. Goobtii la degi laa
  17. Garan waayey aniguye
  18. Halka gaafka lala rabo
  19. Go’aan baa hagaayee
  20. Guutada wax sheegtiyo
  21. Hal-abuurka gooshkaan
  22. Garta aan u daayee
  23. Gar-wadeenku waa kuma?

 

  1. Wax kaloo i gubay baan
  2. Gaar kuugu sheegiye
  3. Soomaali gaarsii.
  4. Xalay baan gariiroo
  5. Wax gurguuranaayaa
  6. Gogosheyda yimidoo
  7. Anigiyo go’eeygii
  8. Isku kaaya gunudoo
  9. ii geeyey duul kale.

 

  1. Dadkii joogay goobtaa
  2. Indho guluc leh mooyee
  3. Gafuurkooda mey furin
  4. Ha yeeshee gidaarrada
  5. Galaw baa safnaayoo
  6. Guuroow i deeqsii.

 

  1. Guumeyska yeeriyo
  2. Guugguule wuxu yiri
  3. Gowrac baad maqleysaa
  4. Geeriyoo nin kuu maqan
  5. Galab aan la moogeyn
  6. Dadku weey gablamayaan.
  7. Warkan maanka geli waa
  8. Eey igu guraayeen
  9. Ma gammuun sokeeyaa?
  10. Ma gummaad shisheeyaa?
  11. Mise gooddis weeyiyo
  12. Guux beena oon jirin?

 

  1. Wax la yiri gobaadey
  2. Taladiyo go’aankaba
  3. Mar ad gaari weeydiyo
  4. Mar ad garanba weeyee
  5. Xaajadan gas iga tiri
  6. Gareen iyo bashiir iyo
  7. Warsamiyo galleyr iyo
  8. Guud ahaan abwaanniyo
  9. Aan u daayo Gaargaar.

 

W/C: Ibraahiim Cismaan Afrax

 

SHEEKOOYIN