Quraafaadka Faaliyaha Q5AAD W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

Quraafaadka Faaliyaha Q5AAD

pizap.com14732612463621

Muddo laba toddobaad ah marki ay Maryan ku jirtay isbitaalka, shaqaalihi isbitaalkana intooda badan ka war hayn jireen xaaladeeda sida ay tahay mar walbo, jirkeedana sidi ka soo qurxoonaanaayo ayaa waxaa booqasho ugu yimid maalinti shan iyo tobanaad subaxdeedi Dhamme Cusmaan oo habeenki la keenay, maalinti ku soo xigtay casirgaabkii Digtoorka weydiistay in uu Maryan gurigiisa geeyo mas’uulna ka noqonayo nolasha aayaheeda danbe, una dhaqaalaynayo sidi ilmihiisa oo kale.

Dhamme Cusmaan maalintaas isaga oo aan soo marin xafiiska Digtoorka, ayuu toos u soo abbaaray qolki uu Maryan ku ogaa wuxuuna qolka soo galay Maryan oo taagan sariiraha dhexdooda, sheekana u hayso haweenaydi qolka kula jirtay iyo Caasha Warfaa oo qolka u soo gashay in ay labadaba siiso daawo uu Digtoorka u soo qoray, wuxuuna ku yiri. “Waan idin salaamay ee iska warrama”. Caasha ayaa ugu jawaabtay, “Waan ladanahay, waana kaa qaadnay salaanta ee xaggee ku jirtay maalmahan waa adiga isbitaalka innoogu imaan jiray mar walbo oo aad firaaqo leedahay”.

Maryan iyada waa soo dhaqaaqday marki ay intaa isdhaafsadeen Dhamme Cusmaan iyo Caasha,waxayna u soo noqotay sariirteeda. Dhamme cusmaan markuu arkay in Maryan isaga ka xishooneyso ayuu u soo dhaqaaqay dhanka Maryan isaga oo haddana ka jawaabayo hadalki u danbeeyay oo ay ku tiri Caasha. “Caasha waxaan maalmahan shaqo ugu maqnaa degmada Goldogob oo ma’aanan helin firaaqo aan ku imaado isbitaalka”.

Markuu intaa yirina wuxuu ku soo fadhiistay kursi yiilay sariirta Maryan dhinaceeda, wuxuuna Maryan ku yiri. “Maryan iska warran misa i garaneysaa “.

Maryan oo aqoonsatay ninkan in uu yahay ninki ula soo galay Digtoorka galabnimadi xigtay habeenki la keenay isbitaalka, kana waraystay ehelkeeda ,haddana ku maqan raadinta magaciisa ayaa tiri .”waan ku aqaanaa”.

Dhamme Cusmaan: “Haa waad i taqaanaa laakin magacayga waad hilmaantay sow maaha”.

Maryan: “Sideen u hilmaamay magacaada sow Cusmaan maaha”.

Dhamme Cusmaan: ‘Haa ishaad ka riday, ee iiga warran xaaladaada misa jiraan wax kaa haleysan”.

Maryan: “Aad baan u fiicanahay haddeer wax iga haleysana ma jiraan oo aan ahayn in aan ahay mid nasiib darran oo keli adduunka ku ah”.

Dhamme Cusmaan ayaa ku yiri. “Maryan welwelka iska daa wax kaa hallaabayana ma laha ilaaheey idinkiis, naftana khayr u sheeg, haddana waan kaa tegayaa oo waxaan aadayaa Digtoorka oo aanan weli is arag sidi aan uga soo laabtay shaqada gaaban oo aan u tegay degmada Goldogob”.

Dhamme Cusmaan intaa keddib wuxuu u soo jeestay Caasha oo gaadashiisa taagneyd wuxuuna weydiiyay in Digtoorka joogo iyo in kale, intaa keddibna issaga iyo Caasha way ka soo wada baxeen qolka,Caashana waxay aaday shaqadeeda  isagana wuxuu u-soo galay Digtoorka oo gacanta ku haayo shaqo , lana ay jirto gabar da’ dhexaad ah oo sugeysay in ay la wareegto xilka shaqadi loo soo beddalay wuxuuna ku yiri. “iska warrama walaalayaal”.

Dr Cali oo aan madaxa kor u qaadin markaana gacanta ku haayay shaqo muhim ah ayaa gartay ruuxa hadlayo in uu yahay Dhamme Cusmaan wuxuuna yiri. ” Waa nabad ee walaal addiga iska warran”.

Dhame Cusmaan: “Waa nabad qabaa ee walaal shaqadaada wado, anniga kursigan ayaan  ku fadhiisanayaa waana ku sugayaa, illamaa aad ka dhammeysaneyso howshaada ee waxba ha is dedejin”.

Muddo dhowr daqiiqa ah keddib, Digtoor Cali wuu ka soo jeestay shaqadi uu gacanta ku haayay wuxuuna u soo jeestay Dhamme Cusmaan iyo gabarti beddalka ahayd oo iyadana sugeysay in la tuso halki ay ka bilaabi lahayd howsha loo soo diray iyo qaabka ay u socoto shaqada isbitaalka ,warna aan u hayn in Dr Cali shaqadi ka soo jeestay illayn dhamme Cusmaan ayey gabadhan goor dhow Xamar ka timid uga warrameysay akhbaarki u danbeeyay ee magaalada Muqdisho oo uu dhamme Cusmaan in mudda ah moogaa, wuxuuna ku yiri. “haya walaalayaal dib innogu dhiga sheekada iyo is-wareysiga ee aan u soo laabano howsha noo taal”.

Markuu intaa yiri Dr Cali ayaa Dhammihi la soo booday, “Walaal ,weli anniga diyaar baan u ahay in aan ku sugo ee howsha idiin harsan addiga iyo gabartan soo dhameysta, keddibna waan is wareysandoonaa anniga iyo adiga”.

Dr Cali inti uunan ka jawaabin hadalki Dhamme Cusmaan ayaa gabarti beddalka ahayd tiri, “War anniga ma jirto meel aan ku degdegayo ee addiga hakuu dhammeeyo waxa aad dooneysaan in aad ka wada hadashaan,annigana inta aad wada hadlaysaan waxaan soo eegayaa isbitaalki gudihiisa”.

Marki ay intaa tirina iridka ayey ka baxday,dhamme Cusmaana wuxuu u soo jeestay Dr Cali wuxuuna ku yiri, “waxaan filayaa in aad garaneyso waxaan kuugu imid maanta”.

Dr Cali : “Maya, ma garanayo ee horta iiga warran howshi aad u baxday wanaag ma kuugu soo dhammaatay? misa ku soo guulaysteen”.

Dhamme Cusmaan : ‘Haa ,wanaag baan ku soo dhammeystay ee taa ha inoo danbeyso walaal,.. waxaan kuugu imid maanta waad garaneysaa,anniga ayaana ku soo xusuusinayo haddii aad hilmaantay labadi toddabaad ee aan idinka maqnaa gudahooda, walaal waxaan kuugu imid in gabartaa yar ee Maryan la yiraa in aan geeyo gurigeyga, mas’uulna ka noqdo nolasheeda iyo aayaheeda danbe, horana waxaad iigu sheegtay in aad arrinkan ka fiirsanaysaan, kalana tashaneyso ogalaashaha arrintan iskuduwaha wasaaradda caafimaadka iyo guddoomiyaha gobalka Mudug ee go’aan ma gaarteen arrintan”.

Dr Cali oo aad ugu farxay hadalka Dhamme Cusmaan laakin markaa niyadiisa aynaan ku jirin in dhamme Cusmaan Soo laabanayo isaga oo doonayo in gabartaas uu geeyo gurigiisa ,mas’uuliyadeedana qaado, waayo isla galabtii uu weydiiyay in uu mas’uul ka noqdo aayaha danbe ee Maryan ayuu habeenki marki uu soo galay u sheegay iskuduwaha wasaarada Caafimaadka ee gobalka iyo guddoomiyaha gobalka waxayna isku raaceen in uu dhamme Cusmaan wadan karo Maryan ,wax dhibaataana aynan lahayn arrinkaa, loona baahan yahay in ummadda oo dhan saa isu kaalmeyso, laysuna garab qabto, laakim Dhamme Cusmaan soo ma laaban muddadi loo qabtay in uu ka soo war  doono arrinteeda, waayo wuxuu aaday shaqo loogu diray degmada Goldogob, sidaaas darteed Digtoorka wuxuu u qaatay in dhammaha ay ka aheyd naxariis ka soo go’oday hadalki uu ku weydiistay gabartan keddib marki uu dhegeystay haddaladi Maryan iyo sidi ehelkeeda abaarta u goysay uguna soo reebtay keli ahaanteed adduunyada,wuxuuna ku yiri, ” Dhamme Cusmaan aad baan ugu faraxsanahay sida aad u jeceshahay in aad u garab qabato dadka liito, waana wadan gartaa Maryan, mana jirto wax dhibaataa oo ka imaanayo in aad qaado mas’uuliyadeeda, waxaana ilaaheey kaaga baryayaa in uu kuugu garab galo dadaalka aad ugu jirto kaalmeynta dadka itaaldarrida heshay iyo kuwa cawinaada u baahan, waxaan annigana ku weydiisanayaa in aad iga saamaxdo arrin yar oo aan niyadi iska iri , aragti khaldana ahayd keddib markaan maqlay in howl laguugu diray goldogob oo aan u qaatay in aad hilmaantay in aad weydiisatay wadashada gabartan iyo mas’uul ka noqoshada aayaheeda danbe”.

Dhamme Cusmaan : “Walaal waxaan kaa ahay raali ,waana ku saamixay , haddana waan kaa tegayaa gurigayga ayaana aadayaa oo waxaan  Maryan u sii diyaarinayaa halki ay seexan lahayd, xaaskana waan u sii sheegayaa in kastoo oo aan horayba ugu sheegay arrintan, haddii ilaaheey yiraahdana galabta ayaan u soo noqonanyaa Maryan kana kaxeeynaynaa isbitaalka ee addigana u sii sheeg in aan galabta soo raadinayo iyo in aan waxba ka duwanayn walaalkeed”.

Dr Cali : “waayahay addigana u sii diyaari halki ay seexan lahayd, annigana waxaan u sii diyaarinayaa warqadi ay isbitaalka kaga bixi lahayd ee nabadgelyo walaal”.

Kolki ay intaa isdhaafsadeen dhamMe Cusmaan iridka ayuu ka baxay,Dr Calina wuu soo istaagay wuxuuna u soo baxay baNnaanka xafiiska kuna arkay gabarti bedelka ahayd oo ka soo laabatay daawasho ay ugu maqneyd sida ay u socdaan howlaha isbitaalka wuxuuna ku yiri “abbaay iigu soo yeer kalkaaliyada la yiraa Caasha, iyadana horay ha u soo kaxeyso gabar yar ee la yiraa Maryan iyada ayaa taqaanee”

Gabarti beddelka ahayd: “waayahay Dr Cali”.

      Digtoorki wuxuu ku laabtay qolkiisa, in yar dabadeedna waxaa digtoorka xafiiska u soo galay Caasha iyo Maryan oo wada socda, Maryan iyada waxay la yaabanayd u yeeristaan aan caadiga ahayn, waxayna u qaadatay in loogu yeeray hadalo ay maalmahanba maqlaysay oo ay isdhaafsanayeen bukaanka jiifo isbitaalka oo ahaa iyada in loo diraayo xeryaha gargaarka ,markaana waxay niyadda iska lahayd oo meey isaga kaa daayaan halkan iyo qoladan aad baratay ee isbitaalka kula joogo.

Dr Cali waa istaagay marki ay soo wada galeen Caasha iyo Maryan oo wada socdo, wuxuuna la soo wareegay miiski hortiisa yiilay ,soona maray xagga Caasha iyo Maryan ka taagnaayeen miiska, isaga oo leh, “anniga ayaa idiin yeeray Adiga iyo Maryan oo wada socda waayo waxaan rabay in aan Maryan la socodsiiyo arrin muhim ah oo iyada khuseyso ,addigana waa in aad la joogtaa maadaama ay ku jeceshahay saaxibadna kaa dhigatay muddadi yareyd oo ay nala joogtay isbitaalka”.

Dr Cali, isaga oo weli hadalki haayo ayuu Maryan gacanta midig ka soo qabtay soona dhoweystay isaga oo ay wejigiisa ka muuqato naxariis fara badan lana moodo oday ka safar tegayo gurigiisa ee la dardaarmayo wiil yar oo uu dhalay da’diisuna tahay afar iyo toban jir ee ilmihiisa u kulul haddana uu yaqaano garashadiisa in aynan xumeyn aadna u dhegeysto waanadiisa ,welina ku camal falo, ayuu yiri, “Maryan waan garanayaa in ay da’daada yar tahay, in kastoo haddana wax saas ah kaaga dhinayn da’ada ay Soomaalida tiraahdo inantan waa gees karis amma wiilkaa waa qaan gaar. Maryan waa garanayaa in aynan xumeyn garashadaada saas darteed maanta waxaan rabay in aan kuu sheego in uu ii yimid ninki maalinti lagu keenay, maalinti xigtay aan kuu wada nimid oo aadna uga warrantay xaaladaada ,haddana marki uu imaanayay isbitaalka addiga kuugu soo hormaray,ninkaa waa taqaanaa waxaa la yiraa Cusmaan, waana sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Maalin dhoweeto iyo haddeerba wuxuu na weydiistay in uu kaa kaxeeyo isbitaalka gurigiisana ku geeyo, isagana mas’uul ka noqdo nolasha aayahaada danbe, waana ogolaanay arrintan annaga oo u aragnay in ay addiga kuu daneyneyso ,haddii aad addiga isleedahaysa kuu dan maaha , wax dhibaataa ma laho oo waxaan isla berriba kuu gudbinaynaa xeryaha gargaarka, laakin anniga waxaan filayaa in aad raali ka tahay in aad ku noolaato guriga Dhame Cusmaan oo aad halkaa ku jilnaato,aniga oo weliba aad ugu kalsoon in uu kuu haynayo si wanaagsan ,kaagana warhaynayo wiilkiisa yar oo kale”.

Marki uu halkaa marayo hadalki uu u haayay Maryan ayaa Caasha ku tiri .”anigaba aad baan ugu kalsoonahay haddii uu Cusmaan yahay ninka xilkeeda qaaday in uu mas’uul ka noqonayo nolasha Maryan ee aayaheeda danbe”.

Dr Cali : “Maryan, galabta ayuu Dhamme Cusmaan kuu imaanayaa, wuxuuna ii sheegay in uu kuu sii diyaarinayo halki aad seexan lahayd ee sow ma raacaysid kolki uu yimaado”.

Maryan oo inti Dr Cali hadlaayaba aad u dhuuxaysay hadalkiisa aadna ula dhacday sida issaga iyo Caasha u amaanayaan, uguna kalsoon yihiin Dhamme Cusmaan, haddana mabsuud ka noqotay dhamme Cusmaan ayaa yiri, aniga ayey Maryan ila noolaaneysaa , ogeedna labada jeer oo uu u yimid wejigiisa raxmadi ka muuqatay iyo sida uu ugu muujiyay in uu aad uga xunyahay musiibada heshay, ayaa si fudud u tiri ” waan raacayaa galabta haddii uu yimaado” .
Kolki ay Maryan ogalaatay in ay raaceyso Dhamme Cusmaan, Dr Cali fadhigiisa ayuu ku noqday ,Caasha iyo Maryanna weey ka soo baxeen xafiiska Digtoorka,Caashana waxay aaday qolka shaqadeeda ,Maryanna waxay aaday qolka ay jiifato iyada oo aad ugu faraxsan arrinta loo sheegay, inkastoo haddana qalbigeeda jabnaa soona xasuusatay sidi foosha xumeyd ee ehelkeeda abaarta u dabargoysay.

W.Q: Cabdullaaahi Macalim Maxamuud(Siyaasi)

SHEEKOOYIN