Quraafaadka Faaliyaha Q6AAD W/Q: Cabdullaahi Macalin Maxamuud(Siyaasi)

pizap.com14732612463621

Quraafaadka Faaliyaha  Q6AAD

Waxaa isbitaalka yimid isla maalintaas saacadda marki ay ahayd shanti galabnimo Dhamme Cusmaan iyo xaaskiisa oo xanbaarsan wiil yar oo ay dhaleen, da’adiisuna tahay sanad jir iyaga oo wax walba oo ay islahaayeen Maryan baa u baahan ugu soo diyaariyay gurriga, go’aansadayna maalintaas wixi ka danbeeya in ay Maryan ula mid ahaato, una dhaqaaleeyaan  wiilkooda yar ee Mahad oo kale.

Dhamme Cusmaan iyo xaaskiisa (Khadiijo) waxay magaalada horay uga soo iibiyeen saako aad u qurux badan oo ay rabeen in ay Maryan isbitaalka kaga wadaan iyo macmacaan isugu jiro buskut iyo cabitaan ah caana-naas iyo yoogor oo ay u soo qaadeen haweeneydi Maryan qolka kula jirtay, waxay gaariga dhigteen albaabka isbitaalka ,in yar keddibna horay ayey u soo galeen gudaha isbitaalka waxayna abaareen qolki Maryan ku jirtay,waxayna u soo galeen Maryan oo isu diyaarisay in ay raacdo iyaga, kuna joogto saaka aad u qurux badan  oo ay horay ugu keentay haddiyad ahaan Caasha Warfaa oo iyada aad u jecleyd, mabsuudna ka ahayd Maryan in ay ku noolaato meel aan ka fogeyn iyada.

Dhamme Cusmaan ayaana Maryan ku yiri, “Waan arkaa in aad is-diyaarisay ,waxaana ii muuqato in aad raali ka tahay in aad innala noolaato aniga,xaaskeyga iyo wiilkeena, ee iska waran hadda siduu yahay caafimaadkaaga”.

Maryan oo wejigeeda ka muuqato in ay raali iyo nus ka tahay in ay la noolaato dhamme Cusmaan ayaa tiri, ” adeer Cusmaan aad baan u fiicanahay”.

Waxaana markiiba soo dhexgashay inti ay hadalka isweydaarsanayeen xaaska Dhamme Cusmaan oo horay uga  war qabtay sheekada Maryan iyo sida foosha xun oo ay abaarta u dabargoysay reerkeeda, waxayna tiri “Maryan i garanmeysid waxaasa laga yaabaa in aad i maqashay, Maryan waxaa la ii sheegay in aad tahay gabar asluubteeda iyo dad la jirkeeda aad u wanaagsan yihiin ,waxaana ilaaheey kaaga rajeynayaa in aad si dhaqsiya uga soo kabato dhibaatadi ay kuu geystay abaarta iyo in aadan tebin in aad keli ku tahay dunida inti aad nala nooshahay anniga iyo duqeyga, Maryan anniga horay ayaan u haystay Magacaaga ,annigana waxaa lay yiraa Khadiijo, wiilkeygana mahad”.

Dhamme Cusmaan iridka qolka ayuu ka baxay, Kadiijo marki ay sheekada u bilowday Maryan wuxuuna aaday oo raadshay kalkaaliya Faarax oo uu u jeeday marki uu ka soo galayay albaabka hore ee isbitaalka si uu ugu wargeliyo in ay Maryan isaga raaceyso.

Khadiijo iyada oo weli Maryan hadalki u wado, Maryanna aynan u jawaabin, lana dhacday sida naxariista ku jirto oo ay ula hadleyso xaaska Dhamme Cusmaan, niyadana ay iska leedahay ma adigaaba ah wax nasiib darran , kol haddii aynan Khadiijo ka raxmad yareyn Dhamme cusmaan in ay ka badan tahay mooyee,ayaa Khadiijo ku tiri, ” Maryan meeday haweeneydi la’ii sheegay ee qolka kuugula jirtay”.

Maryan si qurux badan oo ay ka muuqato in ay ixtiraameyso Khadiijo Ayey u tiri, ” Eeddo waa taa sariirta ku jiifto, wayna hurdeysaa haddeer”.

Khadiijo oo uu ku adkaaday magaca ay Maryan ugu yeertay ayaa tiri, “Maryan ha iigu wicin Eeddo ee waxaad iigu wacdaa Abbaay,waxaadna ogaataa maanta wixi ka danbeeyo in aan ahay walaashaa gu’ kaa weyn, wixi aad u baahatana ha igala xishoon in aad I weydiisato ee ii sheeg, sow ma aadan garan”.

Maryan: “Haa abbaay Khadiijo waan gartay”.

Khadiijo waxay u dhaqaaqday xagga sariirta ay ku jiiftay haweeyneydi qolka kula jirtay Maryan, weyna ka toosisay hurdada ,si qurux badan ayeyna u salaantay ,waxayna siisay macmacaanki ay ugu soo tala galaan ka hor inti aynan imaan isbitaalka iyada iyo Dhamme Cusmaan, haweeyneydiina way ka guddoontay iyada oo weliba ugu dartay haddala mahadnaq ah.

Marki ay intaa isla marayeen, waxaa albaabka ka soo galay Dhame cusmaan iyo Faarax oo wada socda, Dhame Cusmaan ayaana inta salaamay haweeneydi Maryan qolka kula jirtay,  kuwa kalana ku yiri, ” Inna keena aynu baxnee qorraxda inti aynan dhicin, addigana Khadiijo, Maryan ka soo beddal dharka ay xiran tahay ,gaariga ayaan idinku sii sugayaa, soona dhaqsada walaal shaqo ayaan leeyahay toddobada caawa”.

Khadiijo : “Walaal Maryan umma baahna in dharka laga beddalo oo saakada ay xiran tahay haddeer ayaaba ka qurux badan tan aan u sidno”.Waxaa markaa keddib macsalaameeyay haweeneydi qolka kula jirtay iyo faarax, intaa keddibna bannaanka ayey uga soo baxeen isbitaalka dhame Cusmaan iyo xaaskiisa oo xanbaarsan wiilkoodi Mahad gacanatana ka heyso Maryan, waxayna koreen gaarigi uu’aasta ahaa oo ay ku yimaadeen marki horaba ,keddibna Dhame Cusmaan waa dhaqaajiyay gaarigi isaga oo ku socdo gurigiisa oo aan saa uga sii fogeyn isbitaalka.

Dhamme Cusmaan wuxuu in yar debadeed soo gaaray gurigiisa,wuxuuna gaariga dhigtay meel ku aadan bannaanka albaabka laga soo galo gurigiisa. Dhamme Cusmaan cid kale guriga lama deganayn, gurrigana wuxuu ka koobnaa shan qol ee mid yahay qolka kariska iyo laba musqul, gurigana waxaa iska lahaa oday ah dadka magaalada Gaalkacyo u dhashay, isagana wuxuu ugu jiray kiro ah labo boqol oo shilin Soomaaliya. Dhamme cusmaan dhulka ayuu uga soo degay gaariga wuxuuna inta la wareegay afka hore ee gaariga, iridka kale ka furay Khadiijo oo uu korka u saarnaa wiilkoodi yaraa iyo Maryan oo gadaal ka fadhiday gaariga, iyagana way soo degeen. Dhamme Cusmaan gacanta ayuu Maryan ka soo qabtay wuxuuna ku yiri. “gurigeenaa waa kaa” ,waxayna keddib u wada dhaqaaqeen xagga iridka laga galo gurriga, inti aynan guriga gaarinna waxaa iridka furtay Adeegtadi oo maqashay codka gaarigi uu watay Dhamme Cusmaan, reerkana la joogtay muddo sanad ah tan iyo inti reerka uu ku soo kordhay Mahad Yare, hore ayey guriga u galeen keddibna waxaa Khadiijo wiilka ka qabtay Adeegtadii horana ula gashay gudaha guriga si ay u siiso caano.

Dhamme Cusmaan iyo Khadiijo waxay Maryan la aadeen qolki iyada in ay degtay loogu talagalay, loona diyaariyay, waxaana qolka loo dhigay sariir aad u qurux badan oo ka samaysan Foormiig,Miis,Armaajo iyo Takabaan ay surato dharka iyaga oo Maryan ka dhigay sidi hooyo ilmaheeda wiilki ugu hor madax qaaday ka dhex-saareyso ciyaalkeeda intooda kale ,kana dhigeyso nin weyn ee looga baahan yahay in uu ilmaha intooda kale tuso waddada toosan ,Aabe iyo Hooyana ka kaalmeeyo mas’uuliyada reerka. Way soo galeen qolki iyaga oo garbaha uga jiro Maryan, una muujinayo in aynan iska dhigin ruux ajnabiya ee reerka u soo martiyay oo kale waxaana dhame Cusmaan ku yiri, “Maryan ma doonayo in aan arko addiga oo u dhaqmayo sidi ruux qariib ku ah gurriga, wixi maanta ka danbeeyana waxaan kaa rabaa in aad noola dhaqanto sidi addiga oo guriga la joogo walaalkaa iyo walaashaa oo kale”

W/Q:Cabdulaahi Macalim Maxamuud

SHEEKOOYIN