Qurbahaa i qiima tiray Q2AAD

Qurbahaa i qiima tiray!!!

 

Sawirka qoraalka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa igu batay wal-walkii iyo walaahowgii aan qabay, ibliis baa macallin ii noqday, waxaan dhibsaday dardaaran kastoo lay siinayo, waxaan isu arkay inaan ahay qof heysta fursad qaali ah, laakiin, ka mira-dhalinteeda loo diidan yahay. Dhalinyaradii caddaanka ah ee aan waxbarashada iskula jirnay ayaan ka dhigtay kuwa lagu daydo, Soomaalida iyo dhaqankooda gurracan waa sidaaan qabaye waa kahsaday, waxaan gaaray heer aan ka xishoodo inaan sheegto inaan Soomaali ahay, waxaan maqli jiray baqashii farda la daaqda faras bay is moodaa malaha aniguna caddaan baan is mooday.

Saluuga iyo hammijabka i hayaa waa mid i gaarsiiyey ina gayeysiiyey, inaan markaan la joogo qoyskayga iyo sokeeyahayga aan noqdo, mid murugeysan, markaan la joogo jaallayaashaydana aan noqdo mid dareenta farxad iyo nayaayir, wuxuu yidhi Abwaan hadraawi:

 

Qof saluugey muuqiisa

Ka salkacay xaqiiqdiisa

Qabku saami ladha maaha.

Waxaan gebi dhacleeyaba waxaan xiriir hoose la yeeshay mid ka mida ardeydii aan jaamacadda wada dhiganaynay, waa nin cad oo indha buluugga leh oo aan sinnaba Soomaali ugu ekaan karin kuwa nuuciisa ahna hooyadey waxayba u taqaan inay barras qabaan, waa kaaf iyo kala dheeri. Sababta ugu weyn oo aan xiriirkaan u billaabayna wuxuu ahaa waxaan u arkay ragga gayaankay ah ee Soomaalida ah inay iga hooseeyaan ama shuruudaha nololeed ee aan doonayo inaysan soo buuxin karin, talo sheydaan iga dheh!!!

Wey jireen, wiilal Soomaaliyeed oo garasho iyo garaadba alle u dhammeeyey magac iyo maamuusna ku dhex lahaa bulshada, oo ii soo hanqaltaagayey, qaarkoodna iila yimaadeen, arrimo xariir iyo haasaawe ku saabsan, balse, anigoo hoos u eegaya, ayaan ka dhaqaaqi jirey, si yasmo iyo quursi ku jirana waan ula dhaqmi jirey.

Waxaan soo xasuustaa maalin hooyaday saaxiibadeed Suuban uga sheekaynaysey, Ruwaayad ay ku daawatey 1943tii dalka Yemen gaar ahaan magaalada caddan.Waxay ka sheekaysay Suuban, wiil Soomaaliyeed oo jeclaaday gabadh caddaan ah oo gumeysigii ingiriiska ee caddan joogay ah, ayna wax ka wada barran jireen goob kaniisad ahayd, ayaa aad ula dhacay, gabadhuna iyadoo la yaaban, addoon aan xor ahayn oo dalkiisa dalkeedu gumeysto, haddana madoow sida uu ku haweystay, ayay iskaga dheeldheeli jirtey, wuxuu ugu heesi jirey afkeeda, wuxuunna jeclaa la joogeeda, iyaduna waxay ka dhigatey, madadaalo iyo maadeysi, sidoo kale wuxuu u ahaa, rarey oo boorsadeeda iyo shandada allaabta iskuulka isagaa u sii qaadi jirey una soo qaadi jirey.

 

Wiilkii waxaa jeclaatey Gabar Soomaaliyeed, markay dhinac walba ka martey una dan sheegatey, ayuu isaguna u sheegay inuusan u hayn wax dareen ah, dan iyo xaajona ka lahayn, gabartii ayaa heelladan u qaaday oo tiri:

 

Waa Irish innantaad u ooyeyso

Afkaad ku hadlayso garan mayso

Ammaantaad tirineyso kuuma oga

Aqoonna uma laha Abkaad tahay

Jirkeena isu urey islaannimadiyo

Anigaa ehelee isoo eeg

Ilma abti gayaan oo is hantaa

Aroos iyo aqal wadaag hela.

 

Wiilkii oo hadalkeeda dhibsanaya doonaya inuu u quus gooyo ayaa intuu isna heello tiriyey yiri:

 

Iftiinka arooryo subaxeediyo

Dayaxo ifayaad u moodaa

Aayadku kuwey inoo wariyeen

Asalka xuureynta eegmada

Ilwaadka u eg sidii ololka

Ayaad ubaxeey u moodaa

Malaa waadan arag siday u egtee

Ka aamus imaad tiraahdeen.

 

Wiilkaasi inaabtidiina waa ka tegay, inantii ayrishka ahaydna, intey ballamisay oo tiri, guriga marka la seexdo, dariishada(Daaqada) ka soo gal guriga waa kuu furayaa, ayay aabbaheed oo askari madaxana u sheegtay, iney nin madoow   khaati ka joogto, oo uu habeen walba daaqada usoo garaaco.Aabbaheedna, qolkey ku ballamisay intuu u seexday ayuu markuu madaxa la soo galay, xabbad ku dhuftey, wuxuuna noqday, “ Tuug reer u dhacaya oo la diley” Halka gabadha aabbaheedna ku helay, darajiyo iyo sumcad nin reerkiisa badbaadiyey Halyeey( Hero of the year).

Dhacdadaas iyo xaalkaygu isu ekaa, ma mooda farriintan iney si toosa Habaryar Suubaan iigu soo gudbisay, maya? Meelbaa ii hillaacaysa, hugun iyo heesbaana ii baxaysa, waxaa laga jooga waqtiga Suuban ay ka sheekaynayso ruwaayada laga mateleyey habdhaqanka shisheeyaha ku dhawaad Nus qarni iyo dheeraad, balse, ma noqon mid ku aan baraarugo, kana dhigto sahay maskaxeed iyo talo waayeel, ee waxaanba u arkayey, Sheeko baraleeydii laygu sabaalin jirin iyo bahalagelintii laygaga hortaagnaa ilbaxnimada iyo nolosha wanaagsan.

 

Wiilkaas ay habaryar Suubaan ka sheekayn jirtey iyo ruwaayadihii waagaas iyo arrinkaygu isu ekaa!

War jiraaba cakaaruu iman ama aan si kale u iraahdee “Luuq luuq marow laasim laamigaas yimaadaahe” waxaa dhacday in maalin maalmaha ka mida aniga iyo yarkii caddaanka ahaa oo isla soconna aan maqaayad shaah ka doonanay nasiib darrase maqaayadaas waxaa ku jiray oo aysan anigu ishayda markaa qaban walaalkay. Habeenimadii guriga markaan ku soo wada laabannay ayuu walaalkay si caro leh ii weydiiyay ninkii aan maanta la qoslayay, aniguna si aan boor isugu qariyo sheekadii waji kale ayaan u yeelay iyo maxaa kaa galay?? Hadda miyaad billowday inaad aniga i ilaaliso iyo intaanoo wara, sheekadu markay naga kululaatay ayaa aabbahay na soo dhex galay halkaas ayayna sheekadu ku qabawday.

 

La soco qaybaha kale

Maxamed Xaaji Xasan

kacdoon@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.