Qurbahaa i qiima tirey Q5AAD W/Q Maxamed Xaaji Xasan

 

 

Sawirka qoraalka

 

 

 

 

 

 

Qurbahaa i  qiima tirey Q5AAD

Habeenimadii ayaan isku dayay inaan reerkaygii Waco oon ku ooyo kana raaligeliyo wixii qalad ah ee aan hanfadnimada ku falay, telefoonkii hooyaday baan wacay, way iga qabatay iguna tiri waad ogtahay waxaad samaysay daraadaa buu aabbahaa isbitaal ugu jiraa, walaalkaana xabsi ugu jiraa ee waad naga dhimataye mar dambe hana soo wacan ku dooni mayno mar dambe inaan kula xiriirno. Anigoo naxsan miyirkuna igu yar yahay baan sariirtii ku dul dhacay. Waxaan ka war helay un iyadoo gooreysadu saq dhexe tahay, ninkaygii baan geesaha ka eegay saa maba joogo, telkiisii baan wacay, hallo buu I yiri isagoo dhex taagan meel sawaxan badan uu ka yeerayo, waxaan waydiiyay waxa ku dhacay oo uu xilligan la maqan yahay iyo halka uu imminka ku sugan yaha?? Arooskii walaashay baan joogaa buu igu yiri ee abaayo iska seexo barri baan imanayaaye.

Waxyaabaha keenay inaan ragga Soomaaliyeed ka doorbido shisheeyaha iyo ragga qalaalood ayaa ahayd, inaan u arkay ineysan ragga Soomaaliyeed aqoon u lahayn gudashada xilka lammaanaha. sidoo kale aysan koolkoolin oo sabaarin xaasaskooda, ulana dhaqmaan si liidata, markaan maqlo heblaayo ninkeedu wuu qayilaa oo goor dambe ayuu guriga yimaad waan is cuncuni jirey, anigoo u arka, haweenay xaq laga galay, oo weydey wehelkeedi, xalay oo dhana cidla galgalaneysey, balse, caawa maxaan dhaamaa? Armeyga iga sharaf badneyd?

Subaxnimadii buu yimid isagoo aan ka dareemayo inuu xalayoo dhan wax soo cabayay markuu guriga soo galayna isagoo aan I nabdeysan buu igu yiri quraac ii diyaari, wallee laba kala bariday kala war la’, anigu waxaan sugayay nin sariirta korkeeda cuntada iigu keena iigana qaada iguna yiraahda usha ii qabo adigaa wax arkayee, inaan riyoonayaan u qaatay, indhahaan marmaray mase waaba run oo markaan si caro leh ayuu igu leeyahay hanoo jiifine kacoo quraacda noo diyaari intaan soo qubaysanayo. Waddo kale iima muuqan oo aan ka ahayn inaan aqbalo wax walba oo laygu falayo waayo waxaan ahay laxdii is dhigtay shilliskii lagu gawrici lahaa. Waxaan isku qanciyay xilli kale oo uu deggan yahay ayaad arrinkaan kala xaajoon doontaa ee bal imminka buuq ha abuurin inkastoo laabtu I gubanaysoo aan ciil iyo caloolyow joogi la’ahay, sabar shaydaan ku xoogsay ah baan sabrayaa oo inuu dacar dhalo maahane aanan malab laga sugeyn.

Dhawrkii maalin oo hore kuma aanan soo qaadin arrimaha aan doonayo inaan kala xaajoodo waayo fursad waa ii muuqan wayday aan daaha uga qaado, dhaqan qaldan baase ii muuqda aaway nimankii aan ku hamin jiray ee xabiibti, macaanto, iyo erayada macaan xaasaskooda oran jiray, mase waxaasi aflaamta iyo wargeysyada uun bay ahaayeen? Dhaan dabagaalaan ayaan ku sirnaa, dhabtii lama gaarin wali. Sidii wuxuu iila hadlaa addoon uu soo gatay oo kale laakiin sabar baan muujiyaa anoo isleh malaha waa inta hore ee ha dag dagin. Laba bilood qayaastii mar aan is qabno ayuu sidii waagii hore camal soo dibaday, isagoo sarqaansana subaxnimadii iridda iga soo galay, kama aanan waalin waan sugay oon quraacna u diyaarshay. Quraacdii markuu ka dhargay isagoo aanan xataa ii mahadcelin ayuu sariirtii isku dul tuuray saa xalay oo dhan balaayaa ku shaqaysanaysaye. Fadhigii baan ku laabtay anigoo fakar iyo xusuus dheer galay, hadba filim baan iska shitaa meel dhexuuse ku damaa anigoo wali sidii iskugu dhex yaacsan buu hurdadii ka soo toosay, si degenaan ah baan ugu yeeray waxaan ku iri walaalow soo ma ogid inaad Muslim tahay oo waxani xaaraam yihiin?? Isagoon aanba la raagin ayuu si cad ii yiri wax walba adiga inaan kugu qanciyaan u sameeyay ee aniga wax iga dhaba ma jiraan cideydana haddaan u sheego inaan muslinimada daacad ka ahay dhaxalka ayaa layga tirayaaa.

Waxaan bilaabay wax badan inaan si degenaana ugu sharraxo balse wuu iga soo dhex galay iguna yiri adigu ma Muslim daacada ayaad tahay?? Inta aanan u jawaab celina iigu sii daray wax badan baan akhriyay buugaagta Islaamka ee haddaad muslim runa tahay ima aadan soo raacdeen waayo gabadhu wali la’aan ma mehersanto, waalidkiisna qof islaanimadu daacad ka tahay darajo sare ayuu ka joogi lahaa, al muhim aniga ayaad i rabtay waadna i haysataa diin iyo faataadhugtaas gees naga dhig, wax meher la yiraahdana ma jirin ee sheeko aan aniga abaabulay bay ahayd.

Dhidid waaweyn baa iga soo booday, talo farahayga waa ka baxday kaaga darane meelaan ka haaban karo xataa ma taal, reerkaygii baan wacay oon muddada intaa la eg aanan la xiriirin, qolo kalaase aqalkii la wareegtay iina sheegtay inay wadan hebel u guureen. Waxaan ogaaday inaan noloshaydii qar iyo buur ka riday waxaanse maqli jiray caano qubtay waa la daba qabtaa!! Maryahagii xumaa baan boorso ku boobay, isagoo ila sii hadlayana bannaanka ku soo dhacay waayo iima muuqan sabab aan dulli iyo xaaraan ugu sii dhex jiro. Waxaa dhegahayga ka yeedhaysa  heestii  hobolka caanka ah  qaadi jirey Maxamed Saleebaan tubeec.

  • Cabashiyo caloolyoow
  • Ciil kaa ma bi’yaan
  • Talo cayn wareegtana
  • Layskuma canaante
  •  
  • Caqli iyo dagsiinaa
  • Cidhib looga aayaa
  • Cidna eersan maaye
  • Cidna eersan maaye
  •  
  • Sida ciyowga aydaan
  • Casarkii dhawaaqaa
  • Ama cawsha duurkaan
  • Ama cawsha duurkaan
  • Cidladuun wareegaa
  •  
  • Ciirsi la’aan anays dhigay
  • Iyo culuqaan geeystee
  • Cidna eersan maaye
  • Cidna eersan maaye. 

Intaan sii socday boqolaal taloo qabyaa ayaan sii go’aansaday, cirkaa dheer dhulkaa dheer meelaan u ciirsado ma aqaan, waxay maskaxdaydu igu soo celcelinaysaa wadaad xumihii hambaabulnaa iyo raqdii lafahayga lagu feentay. Markaan wareero hal aqal baan leeyahay waana hotelada asagii ayaana abaaray, habeenimo habaryartay oo Hargaysa joogtay baan wacay una sheegay inaan isku buuqsanahay wax walboo dhacayna u tifaftiray min bilow ilaa dhamaad, lacag yar oo bankiga iigu jirtay ayaan subaxnimadii la kallahay kuna jartay tikid anoo Hargaysa ku sii jeeda si aan ceebtayda ula dhuunto.

 

 

La soco qaybaha dambe

W/Q Maxamed Xaaji Xasan

Kacdoon@gmail.com

 

SHEEKOOYIN