Qurbahaa I qiimo tirey Q7AAD W/Q: Maxamed Xaaji Xasan

 

Sawirka qoraalka

 

Qurbahaa I qiimo tirey Q7AAD.

Qolkii Fadhiga oo aannu markaas fadhinay ayaan ka kacay oo waxaan galay qolka aan deganaa ee Habaryaro I diyaarisay oo fadhiga dheega ku haya, laakiin, iridda maanan xirin si aan waxa dhacaya ula socdo darted ayaan u furtey dhegta waxaan u raaricinayey kulanka meesha ka dhacaya oo aan aad u xiisanayey, waxaa soo buuxsamay odayaal tiroba 8 gaaraya oo labada dhinac ka socdo, qolada loo soo geed fadhiistay iyo qolada geed fadhiga ahba ee gabarta soo doontey.

 

Odayaashii is nabdeysi, kaftan iyo xifaallo ka dib, waxay galeen hadalo aan la yaabay oo aad iiga qara culusaa, Oday aan da’diisa ku qiyaasay 65 sanno balse, xoogan oo jaah iyo Jamaal ka muuqdo, haybada garka guduudan iyo kaaha iftiinka foolkiisa ka baxayo aad u maleyso cadceed taaso ka turjumaysa inuu yahay qof saaxibu salaad ah ayaa billaabay hadalkii wuxuu yiri:

“,Kolay god iyo ninkii loo wado lama kala qariyo ujeedka aan halkaan u nimidna Nimanyahaw laydiin warran, waxaanu u soconaa xaajo curada, maaha mid uguba, horena ergo ayaannu usoo dirnay oo waaba tan loo ballansanaa ee aanu ku nimid, waxaanu idiinka soo geed fariisanay, gabartiina, waxaannu nahay laba reer oo guur iyo gayaan ka dhaxeeyo, haddee waqtiga maanta la joogo, gabar iyo wiil laysu jujuubaa ma jiraane wiilka iyo gabartu iyaga is calmaday, annaguna xoojin iyo wadadii dhaqankaanu, dhamaanteenna aan ka shaqeyno reerkaan cusub sidaan u yagleeli lahayn ilaahna ugu baryi lahayn inay reer hagaaga oo tartama noqdaan,haddee waa kaas, warkayagu waa dhan yahay, waa dhigay.”Intaas markuu yiri, ee waa dhigay yiri waa fahmi waayey wuxuu dhigay ileeyn waxba gacanta kuma haynin.

Aaabihii inanta ayaa hadalkii qaatay kuna yiri:“ Waa mahadsan tihiin sida sharafta leh ee aad noogu soo gogol fadhiisateen annaguna waan idinku wareejinnay gacantii gabadha laakiin mehrinteeda adeerkeed baa jooga asaga ayaana u wakiishay. Adeerkii ayaa markiisa hadalka qaatay dardaaran dheer ayuuna jeediyay oo ay ka mid ahayd, gabadhaas aad geenyada ah ayaanu siiney, gabadhani laba reer bay xiriirisa oo xidid ka dhigtaa, gabadha waxaanu idin siiney waa dhaqankeeda ee maaha dhiigeeda.

Waxaannu idinka doonaynaa in gabadhaas aad dhaqataan oo weliba wiilka aannu soddoga u noqoney waxaannu ka rabnaa inuusan gabadhaas la siiyay in la ciilin, colaadin,dilin, dagaalin ee uu u dhaqdo si sharaf iyo maamuus leh, lacalla haddaay if afgaran waayaan yaan lagu xadgudbin kolay ayadoo soo celin. Wuxuu sii raaciyey, reerkiinana waxaa lagu xantaa inaad gacan fududihiine bal geenyadaa yaan la waxyeelayn waa idinku ammaane.

Markaas baa qosol la wada daatay, markay halkaa sheekadu marayso ayaa walaalkeed misna hadlay oo hadalkii ku siii daray, hortiin laba mar baa rag dhiig ahaan iga kiin xiga soo doonteen waanse ka diidnay anagoo u sababaynay inaysan dhaqi Karin ama wanaajin Karin, idinkana manta xoolo adduun iyo daaro fooq leh anagoon idin waydiin baan idin gudoonsiinnay ee wanaagaas inoogu dhaqa ama wanaagaas inoogu soo cesha.

Xusuus baan galay iyo dhiiqadii burushka lahayd ee aan reerkayga ku seyrshay iyo gabdhaha aynigeyga ah, siday ayagana u sharfan yihiin reerahoodana u sharfeen, waxaan soo xasuustay wanaagii iyo sharaftii uu waalidkay igu abaabshay iyo sidaan ugu abaalguday, ilmo kulul oo gocashiyo xanuun xambaarsan baa isoo dhaaftay, inakstoo aan dhawr mar masaxay haddana joogsan wayday. Anigoo wali illintii iyo gocashadii xanuunka lahayd la harjadaya ayaa habaryar dalaq ii soo tiri iguna tiri, fiid hore seexo berri galinka hore waa inaan kallahnaa oo bukuyeerka aadnaa waayo habeen dambaba gabadha waa la galbinayaa, Gabadhii waa la galbiyey waana la guuriyey toddoba maalmood ayaana farax iyo dabaaldeg lagu jirey, iyadoo duco iyo mashxarad iyo hambalyo laysugu daray.

Ma gafe waa ilaahay, waan ogahay bad weyn inaan dhex dabaashay oo aanan eeda khaladkayga waalidkey haba yaraatee aanay waxba kulahayn, waxaan khaladka gabi ahaanba dusha ka saaray qurbihii aan imid iyo dhalanteedkii aan runta mooday waayo hadaan maanta wadankaygii joogo sida gabadhaas oo kale ayaan sharfanaan lahaa reerkaygana sharfi lahaa, ah iyo waay” QURBAHAA I QIIMO TIREY” inta maangaabka ah ee aan aniga ugu horreeye qurbaha ceeb iyo aakhiro seeg baanu ka qaadnay.

Talo aan ku noqod lahayn baan qaatay oo ahayd inaanan qurbe dib ugu noqon ee aan nolol cusub abuurto wixii hore ee madoobaana aan xabaalo, baadidoon muddo qaatay kadib waxaan is barannay wiil maqaaxi yar meel ku shita, wiilkii ayaanu is afgaranay mudo sheekaysanayney, noloshaydii hore waxba kama qarin, is xog waraysi kadib, wax walba waan isla aqbalnay bilaa xujo, reerkaygii oo aan muddo is moogayna waan la xiriiray, waa la iigu duceeyay layna cafiyay.

Muqdisho iyo meeshii aan ku dhashay ayaan ku laabtay oo aan imminka ku noolnahay aniga iyo seygeygii laakiin noloshaydii xumeyd raadkii ay igu reebtay wali igama aysan harin oo mararka qaar waan ku salalaa kaaga sii darane haddaan la kulmo qof horey ii yaqaanay ama i yiraahda waddankaas ayaan iskula noolaan jirnay huq baan iraahdaa, xanuunka aan qalbiga ka dareemayo dadka qaar haday ogyihiin ima aysan salaameen sidaa darteed si aan dhibkaas u yareeyo inta badan aqalka bannaankiisa uma baxo haddaan baxayana indhashareer baan qaataa. Waxaan sheekadaan idiin la wadaagay waxay tahay in ay idiin noqoto cibro iyo tusaale aad wax ku qaadataan ogaataanna in gayaankaa Soomaali yahay oo aan gabdhoow shisheeye lagu kadsoomin, sharaftaada dhawr si dadkaagu u sharfanaado, dameeri dhaan raacday waa tii aniga haadaantaas iga tuurtay oo uurkutaaladii aan ka qaaday aan illaa imminkoo gu’yaal ka soo wareegeen aan ka bogsan la’ahay.

 

Dhammaad.

W/Q: Maxamed Xaaji Xasan

kacdoon@gmail.com

 

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN