Qurbojoogta xalaaleysatay xalaal iyo xaaraan! W/Q: Ramieza Mahdi

11830817_944793032230567_1062030404_n

Qurbojoogta xalaaleysatay xalaal iyo xaaraan!

 

Waxaan rabaa aqristayaal, inaan idin la wadaago, arrimo dhowr ah, ee aan caado ka dhigannay, haddaan nahay Sommalida qurbaha ku nool, gaar ahaan, kuwa Yurubta ku nool.

Waxaan wada ogsoonnahay, inaan u soo doonnano Yurub nolol ka fiican midda aan dalka ku heysanno ama waddammada dunida saddaxaad oo dhan, sida; waxabarsho, dhaqaale abuurid, caafimad, baasaboor meel kasta lagu mari karo, si xurriyad ah.

Marka uu ruuxu yimaado dalalka deeqaha ceyrta bixiyaa, waxaa isla markiiba la dajiyaa qofkii meel uu ku sii sugto sharciga, inta uu sharciga suganaayana, waxaa loo qoraa, lacag uu ku noolado, haba yaraatee, lacagtaas waxay ka kaafineysaa, inuu helo qofkii wax uu cuno kana labisto. Ka dibna, sharciga dalka markuu qaato, waxaa la dajiyaa guri, waxaa loo qoraa biil, lacagtaas, oo luugu talo galay iney ku sameeyaan isdhexalgalintegration” ama laqabsiga dalka cusub.

Waxaa la baraa luqadda, si uu u gaaro ISKUFILLNAANSHO. Wa fursad aad u qaali ah, oo ay ka faa’iideystaan dadkeennu. Waxaa lacagtaas shuruud looga dhigay, in qofka uu diyaar u yahay waxbarasho. Waa ku waajib, inuu ka qeybqaataa barnaamijka laqabsiga dalka, ee loogu talogalay soo galootiga, waana qorshe soconaayo hadba inta dalkaau u qorsheeyey, oo noqon karta, saddax sano iyo ka badan, laguna baranyo, luqaadda, qaabka ama hannaanka dalkaas u shaqeeyo, xirfad shaqo, oo uu ku shaqesan karo. Waa la kordhiyaa marar badan waqtiga integrationka, oo waxaa lagu daraa sanado dheeraad ah, haddii loo arko, in qofka uu ubaahan yahay.

Waxaa dhacdo in dad badan ee naga mid ah, si qaldan, oo xad ka bax ah u isticmaalaan dhaqaalaha ceyrta, ee loogu talogalay dadka danyarta ah. Danyartu waa: qofka aan shaqeysan, hooyo ilmo badan leh, ee haddana kali ah, oo waliba shaqo la’aan ah ama aan ku filneyn lacagta ay soo shaqeysay, waayeellada, curyaammada, dadka nolosha la qabsan waayay, oo aay maandooriyuhu joogtada u tahay, sidaasna noloshana kaga dhacay , iyo QAXOOTIGA.

Lacagtaa looguma talogalin qof shaqeysta ama shaqeysan kara. Waxaa jira dad banneystay lacagahaas ceyrta ah, ayagoo shaqeeya, waxaa laga yaabaa inuu suuq madoow ka shaqeeyo qofkii oo uu taksiile yahay ama howla kale qabto. Waxaa laga yaabaa, iney soo gasho mushaar u dhigma mushaarka sooshalka ceyrta u saxiixaya, isla markaasna uu bil walbo warqad ka buuxsado xafiiska, asagoo leh lacag ima soo gasho ceyrta mooye!

Dullinnimo ka weyn ma jirtaa, inaad u gacan hoorsato, qof kaa dakhli yar, waliba, adoo isu muujinaya, inaad fara maran tahay? Allaw iimaanka na deeqsii.

Waxaa kaloo dhacda, in qoys is qaba, marka uu mid ka mid ah shaqo bilaabo, iney ku heshiiyaan qoyskii, sida ay u dhici lahaayeen lacagta ceyrta ah, oo aysan uga joogsan helitaanka lacagta bilaashka ku soo gashay. Waxaa la qorsheynaa furriin been ah iyo kala guur aan jirin. Maxay sidaas u sameynaan? Ayaad isweydiin doontaa! Waxa ay u sameynayaan waa in, lacagta ninka uu soo shaqeeyay, gabi ahaanteedba jeebkooda ay gasho, oo ay u dhigtaan ganacasi iyo guryo laga dhisto dalkii!

Waxaan is weydiiyay, dadkaas dadnima xumidooda! Dalkii u naxariistey ayeey dhacaayaan, oo banneysanyaan boob, oo waliba, waxay xalaashadeen xoolaha masaakiinta loogu talo galay. Hagaag! Waxay sharaf moodeen, ku dul noolaanshaha dadkii martiqaaday. Waxaay ku noolyihiin cerytii loogu talogalay masaakiinta, danyarta, marrasta iyo wax ma haysatada, waxayna bil walbo leedahay gabadhii lacag ima soo gasho.

Maxaa loo yiraahdaa, waxaan u imaannay badbaado, marka ay xaqiiqadu tahay inaan u imaannay wax dhicid iyo xoolo adduun kororsi? Maxaa loo dhahaa, waxaan ka soo cararnay, musuqmaasuq iyo qabqable. Sowtan adigii halkan la timid musuqmaasuq, wax is dabamarin, dhac iyo boob xirfadeysan? Aaway dhaqankeennii fiicnaa, ee ceebta ku ahaa tuugsiga iyo gacanhoorsigu?.

Taas waxaaba iiga sii darran, aawaay diinteennii iyo iimaankii? Waxaan wada ogsoonnahay, ineysan cunin Soomalida hilibka dukaammada caadiga ahlagu gado, laakin, ay ka soo gataan hilibka dukaammada dadka muslimiinta ah maamulaan, ayagoo ka fogaaanaya iney cunaan hilib aan xalaal aheyn! Bal waa iga su’aalee, sidee hilib xalaal ah ku raadisaa, adoo lacag xaaran ah rabo inaad hilibkii xalaasha ku soo gadato?! “Hal booli ah, Nirig xalaal ah, ma dhasho!” hadddaan ku maahmaaho; “Lacag xaaraan ah, hilib xalaal ah, ma gaddo!” ka warrama?.

U fiirso, dadka qaar baa dhihi doonaa, isma laha labada arrin. Lacagta aad beenta ku keensatay, diinta xaggeeda waa ka xaaraan, culimadana waa isku raacday. QIYAAMEYNTA iyo wax is dabamarisku, waa calaamadaha lagu yaqaano MUNAAFIQIINTA! Dhagar, khiyaano iyo marki, diintu si walba, waa u reebtay, xitaa inaad naftaada u samayso, iska daa inaad qof kale kula kacdee.

Aan u soo laabto ilmihii la xaqiray, oo laga dowr biday shilimaad adduun, lana yiri aabbe ma leh, asagoo aabbe iyo aabbabow leh. Waliba waxaa dhacda, in afadu ay sanad walbo dhasho, wax ka dhalayna lama yaqaan! Bahdillaad noocaas ah iyo isdulleynta heerkaas gaarsiisan, ma sameyn karaa qof qiimo, sharaf iyo qaddarin naftiisa u heya? Falkan, DAYUUSNIMO, ma lagu tilmaami karaa? Weyga weydiin kaliya, ma rabo inaan qofna xukun duldhigo, balse, tilmaamta caynkaa ah ma lagu sunti karaa, dadkaa sidaa u dhaqma?.

Dadka qaar baa waxaay iga dhaadhicinaayaan, waa beenoo ma annagaa is furnay! War Ilaah ka baqa! Warqad furriin ah ayaad saxiixeysaa, markaasaad leedahay waa been. Ka ba soo qaad iney been tahay, maxuu ka yiri nabigeennu scw nikaaxa? “Dhabtiisuna waa dhab dheeshusan waa dhab!” Afkaada kama dhihi kartid waan is furnay, haddii aad tiraahdana waad kala furranteen!

Dadka noocaas sameynaya, ee raba iney aadduun guul ka gaaraan, sow ma oga Ilaahii dadkaan kuu beerjilciyay, inuu kugu soo sallidi karo dhibaatooyin kale? Sow kama cabsaneysid, in qoyskaaga musiibo kaaga dhacdo, carruurtaada duurka kaa galaan?.

Warka iyo gunnaanadkiisa, waxaan idin leeyahay Soomaaliyeey; aan iska deynno laba wajiileeynta, aan meel walbo la taagannahay. Adinkoon cidna dhicin, been sheegin, ilmahiina shubha ka dhigin, naagihiina iska xaaraantimeeynin, ayaad guul gaari kartaan!

Waan ogahay in qoraalkeyga dad badan uu saameyn ku yeelan doono. Sababta aan u soo qorayna ay tahay, inaan wanaagga isku baraarujinno, kana digtoonaano waxyaabaha ducfiga iyo damiir xumada keeni kara, ee dadnimadeenna, sharafkeenna iyo karaamadeenna dhaawacaya.

Qofk banii Aadamka ah waa, in uu leeyahay Etik iyo Moral, akhlaakh iyo anshax celiyaa, haddii kale, duurgal iyo dugaag waxba ma dhaamayo, anaga akhlaakhdeennu waa dhaqankeenna iyo diinteenna, marka walaalayaal waxyaabaha bulshadeenna dilaya, xagga damiirka, aan ka fogaanno, oo aan mar walbo runta isugu nasteexeynno.

Guushaadu waa intaad gunnimo diid tahay, gunnimaduna, waa intaad guul diid tahay. Cayr aadan xaq u lahayn, ee aadan mutaysan inaad iska gurataa GUNNIMO ka weyn ma jirto, ee GOBONNIMADA iyo GUUSHU, waa shaqo iyo hufnaane, aan ku dedaalno.

 

W/Q: Ramieza Mahdi

ramkazaaji@gmail.com

SHEEKOOYIN