Riyadii Ciyaar gudka W/Q: Qaasim Cabdulle (Nero)

Riyadii Ciyaar gudka

Dhacadiid ayaan ugu jiifaa Dhabbal/Gogol ii taalla Duggaalka Geed humbul ah oo dhanka bari kaga beegan Aqalka Hooyadeey.

Waa xilli aan wali habeen bar la gaarin, cimiladuna aad ayuu u degganyahay oo ma jirto dabeyl geedaha ka shanqarineysa,  Cirku caad ma leh oo waxaa sidii Rabbi ugu talo galay ku camiran Xiddigo aan Iftiin siineyn Dhulka ka hooseeya. waxaan mar mar indhaha la raacayaa wax yar oo ifaya aadna u dheereeynaya , ase aan Xiddig ahayn. Malahayga waa Dayuurad hawada sare mareysa.

Codadka kaliya ee aan meelo iga fog ka maqlayaa ,waa midka Orgi Waalay ah oo hadda uun argood barad ah,deegaanka waa yaalla reer guuraa xoola dhaqato ah.

Sida wiil doob ah, sideyda oo kale, la gudboon sow maaha inaan Dhadeysi tago? Haa ba e, toloow caawa xaggee ayaan foolka saaraa?.. ma Heblaayo….maya, waxaan xulasho ugu dhaqaaqey intii gabar tima tidcan  deegaanka ka dhaweyd.Aniga oo sidii u tallamaya, ayaan maqlayaa Dhawaaq ay si dirqi igu soo gaarsiineyso Dabeysha aadka u yar ee jirta, waa Durbaan /Gurbaan, ay sida caadiga ah, tuntaan Gabdhaha gayaankeyga ah.Koofur meel iigu aaddan ayuu diryamkiisa  oo aad u liitaa ka yeerayaa. ” Alley lehe..Fadhi iguma galin” intaan niyadda iska iri, ayaan soo fariistay,hareeraheyga ayaan Karbuuno labo Batari qaad ah iyo Usheydii mid ba mar ka soo haabtay, hore na usii dhaqaaqay.

 

Jidka ayaan Cagta saaray, si aan u gaaro halka ay Ciyaartu ka socoto, sida aan  qiyaasayana ii jirta Masaafo aan ii dhaweyn.Mugdiga daran ee jira dartiis, waxa ugu badan ee aan ka cabsanayaa waa Uunka hoose ee dhex jiifa Cawska doogga ah ee Jilbaheyga gaari kara.Waxaan mar Dhabbe maro, marna Hawd dhex jiiraba, Shanqartii yareyd ee Durbaanku, hadda way soo dhawaaneysaa.

Dhul Geed-gaab iyo Goofihii Awoowayaal isugu jira, ayaan markan u dhacay, Keymihii badnaa ee Go’ a aan huwanahay dacalka heystay, hadda waan ka reystay. Tooshka aan sito ayaa i hoggaaminaya, Horteyda ayaan inta badan ku iftinayaa, si aan isaga jiro Kurtun Suulasha lugaheyga qonfa, oo dhaawaca ii geysta, hareeraha na waxaan walalac ku siiyaa markii Bahal yari reeddeyda ka boodo.

Inta badan, Ileyska Tooshkeygu wuxuu qabtaa mid kale oo sida Laabaddiinkiisa oo kale u ifa, waa Iftiin yar oo ka dhasha Indhaha Ugaarta Sagaarada u badan ee laba labada isu garab taagan,  Lo’ si saf ah u daaqeysa oo iska miraneysa iyo Duur-joog noocyo kala duwan ka kooban.Doox yar, geeda shuur ah oo ku yaalla hortood, waxaa Haan dhexdooda taal jilbaha ku haya Shan Gabdhood oo aan dhammaantood garanayo.

Haanta, Qabada laga tolay ee dhawaqeedu meesha fog iigu yimid, ayaa ay mid Gabdhaha ka mid ahi ku garaaceysaa Faraha Gacanteeda midig, halka intooda kale ay Darfaha hoos uga jiidayaan cad Maro ah oo ku daboolan Haanta Afkeeda.Marada yar, si ay u sameyso Dhawaaq Dhallinta guryahooda ku gaara, waxaa dusha laga mariyaa Caano yar iyo Carro aan badnayn oo lagu bitiyo, waana markaas goorta ay daryaanto oo uu codkeedu gaaro Dhul aad u fog.

 

Gabar, aad u cod macaan, ayaa Suugaan ciyaareed aan habdhac iyo luuq wanaagsan ku socota ku ku qaadeysa.Dhallinyaro hadda xoog bilow ah ayaa Gabdhaha  ku hareereysan. Halka Wiilasha, intooda gaashaan-qaadka ah na ay geesta kale ku tumanayaan ciyaarta Gaddoonka la yiraahdo ee badi laga dheelo Bartamaha Soomaaliya. Wiilal aad u bootin dheer ayaa Samadaa kasoo go’aya oo marba dhan isku tuuraya…markaasey Ragga intiisa kale na ay Jiib iyo Jaan wada jira ku la barbar joogaan.

Riyadii quruxda badnayd ee aan ku jiray, ayaan mar qura kasoo booday oo intaan wajiga gacanta mariyey dhinacyada fiirshay. Arkay inay san run ahayn. laakiin halka ay iiga kala go’day ayaan qaadan waayey, markaasaan isa sii duubay bal haddii ay dib usoo noqoneyso, wali se waan dhowrayaa.!!

 

F.G: Erayada aan adeegsaday qaarkood, waa Af-guri badankiis laga isticmaalo Deg. Xarardheere iyo Ceeldheer ee gobolada dhexe ee Soomaaliya.

 W/Q: Qaasim Cabdulle(Nero)

 

SHEEKOOYIN