Riyadii rumowday Q 4AAD W/Q Maryan Ibraahim Cali.

pizap.com14702537995151

Riyadii rumowday Q 4AAD
———————————————-

“Abbaayo galabta makuu imaan karaa ayaan ku dhahay sahra”
“haa waad ii imaan kartaa abboowe”

Mahadsanid abbaayo waa inoo galabta macsalaamo igu soo warceliyey.

Waxaan dareemay farxad Saa’id ah, waan aqoon waayey meel Aan joogo lama filaan ayey igu noqotay inuu faarax isoo booqanaayo.Waan istaagaa misna fariistaa, wadnaha ayaan farta ku haayaa waxaanba mooday wadnahayga booskiisa inuu ka soo bixi rabo garaaca tirada badan ee Aan ka dareemaayo awgii waxaan fadhiistoo kacaba  waxooga adayg ayaan iska raadiyay waan is taagay.

Saaxiibtay faaduma ayaan ku iri marti baa inoo imaaneyso Faadumaay ee heegan gal soo dhaweyn baa lagaaga fadhiyaa saaxiibtay faaduma horey ayeyba faarax ugu kacsaneedee halmar bay inta qaylisay tiri:”Naa walaal ma kii warka badnaa ee wicitaankiisaba aanku dhibka ku qabay baad guriga noo keeneysaa, hoogayeey! way noo dhammaatey! Iyo war badan bay is raacisay dabadeedna tiri maxaan sameeyaa waanku qasbanahay inaan soo dhaweeyee maadaama aad adiga wadato”

Waxaan galnay hawl aad utira badan, anigoo shaqo gacanta kula jiro bay Faaduma igu tiri naa Sahraay shaqadaan kale faraha kala bax oo adiga is qurxi, oo sifiican isu diyaari waliba inta dhoola caddeysay bay kaftan yar ii raacisay oo ay tiri Sahraay ninka maskaxda ka qabso markuu ku arko indha daraandar haku dhaco.

Cakuye dumar haddeey kuu tashtaan wey kuu dhammaatay ileyn, waxaan guda galay inaan labisto halka hawlaha kalana ay waxaa isku dubariday Faaduma iyo gabar kale oo guriga na la degeneyd, gurigi ayaa waxaa loo qurxiyay si aadan maleysan karin. Qolka fadhiga ayaan albaabka ka istaagay mise waxaa lagu xardhay ubaxyo qurux badan waxaa kasoo baxaysa caraf  aad u udgoon oo jawigaaga dejineysa markaad  dareento, kolkaad soo gasho waxaa ku qabanaysa ma iska dhex seexataa qolkaan quruxda  badan ee  uduga badan,  haa waa dhab wax kastoo wanaasgan  naftu waa jeceshahay,  tanina  waa qayb ka  mid ah soo jiidashada  gabdhaha markay  si dhab ah kuu danaynayaan.

Inta waxaan sheego oo aan ugu mahad caliyo Faaduma aqoon waayey ayaan halmar ku booday laabtana galiyay markaasaan iri mahadsanid, Waxaan u raaciyey:  “Faaduma abbaayo waxaa tahay saaxiibta dunida ugu qaalisan, Faaduma inta halmar iga fuqday bay tiri:  “Aamus dabaalyahay saaxiibadu iskuma lahan mahadnaq, waa waajib isaaran inaa ku garab istaago ee wixii kaa dhiman iska boobsii” Ana  waxaan iri: “Haye abbaayo Faaduma waqtiga wuu is guraayaa mar walba waxaan fiiriyaa saacadda gacanteyda ku xiran si waqtiga aan u eego waxaan hamminaayaa waqtiga inuu halmar dhammaado oo mar uun Aan Faarax indhaha saaro.

Wuxuu waqtiga is guraba waxaa ka haray wax  bar saac ka yar, waxaa soo dhacay Aleenkii gacanta “mobelkeyga” Faarax ayaa isoo wacay farxad iyo naxdin is wata aawadood waan qaban waayey,  Aleenkiina  aad buu u dhawaaqayaa, waxaan eegaayey daqiiqado markuu is jaray buu kusoo celiyay haddana kaddib ayaan go’aan ku gaaray inaan qabto anigoo jaraynaya xishood Dumarnimana igu jiro ayaan qabtay.

“Hello Sahra galab wanaagsan abbaayo waqtiga wuu dhawyahay waan sugi la’ahay waqtiga aan wada qaadan doono iyo wajigaaga cadceeda la moodo quruxdiisa inaan arko”

“Haa Faarax abboowe galab wanaagsan inshaa allaah nabad ku imaaw  waan ku sugayaa  waana is arkaynaa”

Markii uu telefoonka  dhigay,  ayaa  neef weyn iga soo fuqday,  wejigii  aan maantoo dhan tirtirayeyna   dhidid yar ayaa ka soo fiixay,  oo yaa i eryaday  waanigan  neef tuurayee? cidna!   waxaa nafteydu is weydiinaysaa  cabsida iyo werwerka ku soo biirey haddana  qofka  ay ka cabsanaysaa uusan ahayn  mid nafteeda halis ku ah!  waa arrin ku cusub dareenkayga  qofeed,  weligay tanoo kale ma arag,  tollow  wiilku miyuu iga  burji adagyahay? maya  Sahraay cidina  kaama  burji  adkee  wax kalaa jiraa,  sidan ayaan iskula hadlayaa,  War jiraaba cakaaruu iman  dood  cuslu  ayay  naftaydii gashay,  waxaanan ku  qanciyey inaan is dejiyo oo aan  soo dhaweeyo Faarax  degdega iyo werwerka  iska  waabiyo,  waxaan sugaayaa Faarax daqiiqadaha uu isoo gaari doono sidii madaxda si kadaran ayaana heegan loogu yahay soo dhaweyntiisa, isaguna   hilow iyo hammuunba  waxaanu isla qaadaynaa  heestii  ay isu jiibin jireen, Fannaanadii  Boqorada Codka  Xaliimo Khaliif Magool iyo   Axmed Mooge liibaan  AUN.

Xaliimo:

  • Afar iyo tobnaad iyo
  • Dayaxii adduunkoow

Axmad:-

  • Iftiinkii arooryo iyo
  • Cadceedii adduunkaay

Xaliimo:-

  • Markaan ku eegaba
  • Indhahaad u roontee.

Axmad:-

  • Anna aragtidaadaa
  • Iimaanka deeqdee

Xaliimo:-¨

  • Ammaantaada inanyahaw
  • Inyarbaan ka sheegee
  • Maxaan kugu idhaahdaa
  • Allaa ku dhammeeyee.

Axmad:-

  • Amaantaada inayahey
  • Inyar baan ka sheegee
  • Maxaan kugu asteeyaa
  • Allaa ku dhammeeyee.

La soco qeybaha kale.
W/Q maryan ibraahim cali.

SHEEKOOYIN