RUWAAYADII DEEQO DOOKH MA LEEDAHAY? Q-3AAD W/Q: Muxyaddiin Xuseen Ciid

RUWAAYADII DEEQO DOOKH MA LEEDAHAY? Q-3AAD

Xaaji Daaddihiye asagoo ordaya ayuu gurigiisii ku laabtay, asagoo ka xanaaqsan warka uu Faras ka soo maqlay, waxa uuna ku dhexdhacay reerkiisii.

Xaaji Daaddihiye: Meedey Deeqa, meeday Deeqa?

DEEQO:

  • Horta maxaad guriga
  • Goortaad timaadaba
  • Adigoo gurxamaaya
  • Ama buuraaya gafuur
  • Noogu gaylantaayoo
  • Gumaca noogu wadataa?

Xaaji Daaddihiye::

  • Gabadhyahay i dhegayso
  • Gablantii hooyadaa
  • Guubaabada ka soo yeedhay
  • Gabay aan ka iraahdo
  • Haddii uu garaadkeedu
  • Uu ka guuxi wanaag
  • Ama talo guul lagu gaariyo
  • Ayba hayso garowshiiyo
  • Iyadaa gurigeeda
  • Iyo golaheeda holcaaya
  • Gayeysiin lahayd samaanta
  • Halka ay gabaahiirta 
  • Iyo gubanta ka olaleyso.
  • Gurigeyga xalkiisana
  • Gabay aan ka iraahdo
  • Gurigeyga xalkiisa 
  • Anigaa u garaad ah
  • Guudka saartay xilkiis
  • Gambada iyo gasiinkaaga
  • Gogosha taala gurigaaga
  • Waa waxaan u guclayn
  • Gabal dhaciyo waaberi
  • Ee garawsho u yeelo
  • Garwaaqsoo isku laabo
  • Anna hayba guulguulin.

DEEQO:

Gacaloow i dhegayso, duqdaas soddohdaa ah af iyo ilaaq kuma lihid ee midda aad la digdig leedahay amase diiddan tahay in la isweydiiyo, waa danaha gurigeenna, wax danbe oo la da’daa ama dulqaad leh oo haray ma jiree.

  • Anigu dayac baan u jeedaa
  • Darxumaan u jeedaa
  • Dulmi baan u jeedaa
  • Duli baan u jeedaa
  • Dakharaan u jeedaa
  • Dufan baan u jeedaa
  • Dulin baan u jeedaa
  • Daacuun baan u jeedaa
  • Duufaan baan u jeedaa
  • Dabaylo baan u jeedaa
  • Dambas baan u jeedaa
  • Dabato baan u jeedaa
  • Dawlisyo baan u jeedaa
  • Daneyste baan u jeedaa
  • Intaas oo dirindiiriyo
  • Dooxataan u jeedaa
  • Haddaan rabbi daleelliyo
  • Dow kalena ii furin
  • Anoo dumay baan u jeedaa.

Xaaji Daadihiye:
Waxaa la yiri: “Libaax nin aan aqoonbaa xoolo ka rita” Digdigtaada iyo waxsheeggaaga doqontaa ku carari lahayd, anse intaan xaq leeyahay waan soo taagnaanayaa, gabadh yar baa tahay balo yaysan dabada kaa galin, gurigaaga haddaadd ka baxdo meel walba waraabe miciyo dheer baa kuu fadhiya. Marka bal inta aan baahiyaha jira aan daboolayo iga war sug oo yaan balo ku qaadan, safar baanan u baxayaaye, sidaas ayaa noo balan ah.

Dahabo:
Ee waxba aniga ha ii dardaar warine, xakabada wallaadan ka dageyn adoon saddexdaydii dalqadood I maqashiin. Dahabo waxa ay isku horgudubtay odeygeedii Xaaji Daadihiye, asna intuu dib u baxay ayuu heestaan hoose ku dhuftay:

Xaaji Daadihiye:

  • YARIISEEY
  • Tan iyo yoonkaad dhalatayaan
  • Kuu yururay meel
  • Yeeli maayo maantana
  • In layga kaa yureeyee
  • Ruux yaqaan jacaylbaa
  • lagala yeeshaa rafiiq
  • Cishqi aan yaraynbaa
  • Iiga yimid dhankaagee
  • Haygu yeerin yaxaaskiyo
  • bahalada yamleyda ah
  • Yur ku dheh waraabihiyo
  • Yaanyuurtaan orddeysa
  • Yur ku dheh waraabihiyo
  • Yaanyuurtaan orddeysa

Xaaji Daaddihiye asagoo leh: “Yur ku dheh waraabihiyo, Yaanyuurtaan orddeysa” ayuu gadaal gadaal aqalka ugu baxay.

La soco qaybaha xiga haddii Eebbe idmo.
W/Q: Muxyaddiin Xuseen Ciid
muciid@gmail.co
m

Naga la soo xariir:

laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN