RUWAAYADII DEEQO DOOKH MA LEEDAHAY? W/Q: Muxyaddiin Xuseen Ciid

RUWAAYADII DEEQO DOOKH MA LEEDAHAY? Maskaxdii: Muxyadiin Xuseen Ciid-2008.


Ruwaayaddan ayaan allifay 2008-dii, walaw aan la jilin. Si taxane ah ayaa qaybo ka mid ah halkan idin kula wadaagi doonaa, anoo idinka rajeynaya in aad ka falcelin doontaan wajigay noqotaba. Hal hayska ruwaayadda ayaa ah: DEEQOON LA DALAAQIN, RAG MA DOONI KARAA? HADDIISE LA DALAAQO, DEEQO DOOKH MA LEEDAHAY?

JILAYAASHA:

  • DAACAD Xiddigga ruwaayadda
  • DEEQO: xiddifta ruwaayadda
  • MAANDEEQ Deeqo hooyadeed
  • XAAJIDAADIHIYE Deeqo odeygeeda
  • DAHABO Deeqo walaasheed.
  • MASHIIDIYO Maandeeq odaygeeda.

WALAALAHA DEEQO

  • DANMOOGE
  • DARBIYO LACAG
  • DULBADANE

RAGGA DEEQO DOONAYA:

  • DAACAD
  • DAMMAC
  • IBNU JANBEYN

RAGGA WAALAN:

  • FARAS
  • FEYFLE

(1) MAANDEEQ:

Alla magacey ba’yeey, maatana ma mayd horlaa meel walba ii yaal, miyaan rajada maslaxadeydu marna ii muuqanayn. Intaas mowlaan tuugaa, haddana ma milicsado khayr, mugdi iyo rafaad mooyee, magacay ba’yeey mataanahaygii ayaa is cunaya, muslim iyo Islaamnimo ma magansadaan dadkaygii, iyagaa musiibada iyo mushkiladan is baday, meeye duqaydii? Meeye barbaartii? Meeye marwooyinkii? Meeye culimadii? Megli iyo Madfacbaa kala reebey, wayeey wayeey, hooyo maalinba minan hor leh u hoyanaysa ayaan ahay!.


MASHIIDIYO:
Naa magacaa ha ba’o hadduu rabee, mowmowda naga daa. Annagaa meesha kala askaaxannay, intaan macno lahayn iyo mufsad oo dhanna, anigaa marshay rasaasta, adiguna moogan, minankaygaad ka heesi, Mashiidiyaana odaygaa ah, mowdkoo i haleeliyo, muruqbaa iga kaa marsha bannaanka ee mirahaygaa ku seexo, kuna mashxarad Mashiidiyo.


MAANDEEQ:
ULULU ULULU ULULU,
MASHIIDIYAA MINANKII U HARAY
MASHIIDIYAA MINANKII U HARAY.
“Mashiidiyaa gurigii hore u galay”


MAANDEEQ:
Habaar kugu dhac, markuu dadkii marshuu ii mashxarad leeyahay. Muxuu faa’iday oo aan ka ahayn in uu ehelkiis, garabkiis iyo gacalkiis uu xasuuqo maahane. Midba waa ka xanuun badan yahay kan kale.


DEEQO:
Haloow Maandeeq
Haloow Maandeeq


DEEQO:
Hooyo Deeqo weeyee, ma i maqlaysaa?
MAANDEEQ:
Wax waan maqlaa, mase AQAAN.
Waxna waan arkaa, mase DAYO.
Marna waan hadlaa, mase OGI.

  • Badda mowjadaheedaa
  • Marba mid ila haadaa
  • Mugdigii adduunyiyo
  • Kii aakhiraadbaa
  • minankoodii yururaa.


Ee macaan, naftu wali ma ku mowleedahay?

DEEQO:

  • Maamo waan maqlaayoo,
  • Miyirkaagu ma fiicna,
  • Meeye walaalahay?
  • Meeyay Xaaji Dulmi?
  • Meeyay dadkii kale?
  • Mase madfacii dad mareebiyo,
  • Duulaanbaa la idinku mashaqeeyay?

MAANDEEQ:

  • Xalka Maandeeqba weeyee,
  • Mana aan fasiraayo,
  • Minankana Mashiidiyaa,
  • Moogadiisii ay tahay,
  • Ee maxaa kugu soo siyaaday?
  • Meeqaa Daadihiye
  • Mowle idin kala siiyay?


DEEQO:
Ee hooyo,
Midda Eebe gaar weeye,
Meeshase Daadihiye,
Magac uun buu ku haayaa,
Mar horaana kuu sheegay,
Maantase xaalku,
Mugdigaas aad sheegtiyo,
Mindiyo yayba mareysaa,
Madfacii dad mareebana,
Minankayga waa ka muuqdaa,
Ana miiskaan saarnahay,
In lay maqashiiyo saddexday
Yaan muraadkay ku moosay,
Duul meeraysanayiyo,
Magacyona waaban maqlaayay,
Ku mashxaradaya madaxeyga.

MAANDEEQ:

  • Miyaadan adigu
  • Mahadhada i dilootiyo
  • Mushkiladda i rifaysaa
  • Kuu noqon muraayad aad
  • Ka dheehatid masiibada
  • Macalinkeedii aan ahay
  • Adiguna macaaneey
  • Marinkaagu yuu noqon
  • Midkaas aan ku hoogmay.
  • Xaajigaad masruufkiyo
  • Marashada ka weydee
  • Macno kalena kuu hayn
  • Amuu ka mudan yahay
  • Kuman madaxa qoysan?
  • Amuuse macaaneey
  • Micne kalena meel yaal.
  • Ma og tahay macaaneey
  • Sabankaa mushkilada leh
  • Kuwan kuu mashxaradana
  • Macnahoodu wuxuu yahay
  • Mid mid aan u sheegee
  • Dhagahaaga maqashii
  • Qaar baa macaaneey
  • Xilkaagooy maroorshaan
  • Maankoodu uu fari
  • Muraad kalena kuu hayn
  • Qaar kalena mudaneey
  • Maskaxdood ayaa oran
  • Marwadood in aad tahay
  • Moogeysi ku heleen
  • Kuwo kalena mudaneey
  • Maba sii jiraanoo
  • Magac bay ku raadshaan
  • Madaxaagooy sheegtaan.
  • Qaar kalena macaaneey
  • Xinbaa madax wareershoo
  • Minankaagoo iftiimiyo
  • Ma oggola adoo ladan
  • Kuwo kalena mudaneey
  • Macaash baa u muuqdoo
  • Macaan jecelna weeyoo
  • Muudmuudsi bay ku ba’ayaan
  • Qaar kalena macaaneey
  • Dheehooda muuqdiyo
  • Mabda’ooda hoose
  • Kala maanba weeyaan
  • Intaas oo majnuuniyo
  • Inkaloo ka maagtoo
  • Micnahood aqaanbaa
  • Muska kuugu soo jira
  • Maankaagu yuu lumin
  • Badda moolka weynliyo
  • Mawjaduhuna kula harin
  • Malahana run haw dhigan
  • Malab dacar ah baa jiree
  • Macaankaba ka dheeroow!.


DEEQO:
Maamooy fahmay meeshaad u jeedid ee mar haddii sida oraah waa hore aan maqlay odeygii ku sifoobay oo ahayd: “War aabbe maxaad ku ogeyd? Indho la’aan, dad cunnimuu ku darsaday” Miyeysan ahayn in aan waraabayaashaas marba mid fiirsho, billoow Ilaah mid fiican iga sii.


MAANDEEQ:
Hoogay ee hooyo anoo ku ba’ay albaab maalin hor lehba uu taagan yahay mid leh anaa kaa mayraya wixii ku soo maray, haddana maryaheyga cuna. Ee waxaaban ku oran lahaa ha degdegin, wax kalena haddaadan ku haysan magac u yaal oday ahna waa dan, inta Rabbi makhraj kale innoo furayo, ee bal tan halkaas ha innoo joogtee, waxaan ku weydiiyay: tii walaashaa ahayd ee Dahabo, iyadana war iga sii.


LASOCO QAYBTA LABAAD

Muxyadiin Xuseen Ciid
muciid@gmail.com

SHEEKOOYIN