Saaxiibkaaan eersadey Q8AAD W/Q: Cismaan Qanyare

    Saaxiibkaaan eersadey Q8aad

Liibaan ayaa soo galay qolkii isagoo taagan ayuu afka ka salaamay Ladan kaddibna askarigi ayaa isaga baxay oo u faq daayey.Ladan iyo Libaan waxay ku kala fariisteen laba kursi oo alwaax ka sameysan oo iska soo horjeeda miis dhulka ku dhagana uu u dhaxeeyo. Inta badan Ladan iyo Liibaan hadalkoodu ma badnayn, markay laba kelmadood is weydaarsadaanba waa kala aamusayeen iyagoo aad moodo in hadalku kala lumayo. Mid walba waxaa goonidiisa uga muuqday yaxyax iyo xishood, waxayna isu eegayeen sidii dad isku cusub ama aan waligood kulmin, mararka qaar waxaaba qofka aan aqoon u maleynayaa in kulankoodu yahay markii koowaad ee ay kulmaan,haa waa dhab haddii loo eego xaalada lagu jiro waa markii koowaad kaddib intii furriiinku dhacay.

Ladan waxay Liibaan gudoonsiisay alaabo dhawr bacood ku jira, oo isugu jira, dhar iyo waxyaabo kale uu u baahnaa markaas, waxay kale oo u dhiibtay bushqad, markaasuu intuu is celin waayey weydiiyey waa maxay bushqadani? Ladan oo dhoola caddenaysa ayaa ku tiri: “ Waa warqadii furriinkaaga?” Markaasuu yaabay intey haddana qososhay ayay tiri: “ Ma anigaa sidaada u ah qof xun waa lacag aan ugu talo galay inaad ku muraadsato intaad xabsiga ku jirto. Liibaan ayaa waxaa ku soo dhacay aragtida uu ka qabay kulankeeda oo kuu ka cabsi qabay inay meherkeedii weydiiso oo ahaa toban kun oo Boon, meel uu ku sheegana aysan jirin, iyo in ay isaga lacag u keentay, labadan ayaa ah kaaf iyo kala dheeri. Ladan ayaa aragtey dareenka weji gabaxa ka muuqda ayey tiri: “ Liibaanoow anigu waxba kuuma qabo, waxba haysku mashquulin wixii dhacay, halkan waxaan u imid inaan ku gacan qabto, waan la socdaa xaalkaagu maanta sida uu yahay, waxaan halkan u imid sidii aan kaaga warqabi lahaa, waan ku soo raadiyey waan ku waayey, waxaan markii dambe ku weydiiyey Looyaan oo iiga warramey sidii wax u dhaceen, markaas ayaan ogaaday inaad xiran tahay. Looyaan ayaa ii sheegay xaalada walaacsan iyo dhibkii idin dhex maray adiga iyo Looyaan.

Liibaan oo ay ku adagtahay inuu dhegaysto maqalka magaca Looyaan ayaa mar allaale iyo markii uu Ladan afkeeda ka maqlay inay Looyaan wada xiriireen ayaa waxaa durbaba ku dhashay shaki, wuxuuna isgoo aad moodid inuu degdegayo uu lasoo booday ‘’Muxuu kugu yiri ninkaas waa beenaale…waa ninkii ka danbeeyay wax kasta oo igu dhacay,isagaa wax kasta u sabab ahaa noloshaydana ku ciyaaray.” Ladan ayaa si degenaasho ku jirta ugu warcelisay Libaan: “Liibaanoow waan ogahay in doorka uu Looyaan ku leeyahay dhibaatooyinka kugu yimid qaarkood, laakiin waxaanan marnaba anigu fahmi karin oo igu adkaadey inaan ogaado sababta aad ii furtay?”. Liibaan oo hoos eegaya kalmad kasta oo afkiisa ka soo baxaysana kalmada ku xigta ay qadar daqiiqado ah u dhaxeeyaan isla markaasna aad moodeysid in hadalkiisu u xisaaban yahay ama uu dhanxanagu ku dhegay dhawaqa erayada afsoomaaliguna gabaabsi ku noqdey ayaa ku yiri Ladan ‘’ Waxaan doonayay inaan Luul oo aad u kacsaneyd dajiyo, carruurteydana ka badbaadiyo inaysan ku korin marxaalad ay daryeelayaan ama korinayaan hal waalid keli ah sida hadda dhacdey. Waxaan is lahaa markii xaaladuhu kala degaan ayaad si tartiib ah u xalin doontaan adiga iy Ladan, waxaana ku rajo weynaa in markaan kuu sharaxo sida wax u dhaceen aad ila fahmi doontid.

Laakiin nasiib daro labadii arRinba midna kuma aanan guuleysanin’’. Ladan oo si habsami u dhageysaneysay hadalka Liibaan, dhegta u raaricinaysa ayaa ilaahey yaab u keenay, markay aragtey Libaan dabeecad aysan ku baran kuna aqoon Liibaan, waxay dareentey nuglaan iyo jileec badan oo aaney ku aqoonin horeyna ugu arag intii ay is qabeen taasoo aheyd in intii uu Liibaan hadalka waday ilmada ka dareereysay indhihiisa sida roobka uga hooreeysay dhabanadiisa.! Ladan waxay ku taqaanay Liibaan inuu ahaa nin adag oo karti leh, adkeysina u leh marxalad kasta uu ku sugan yahay waxaana uu caan uu ku ahaa dhoolacaddeyn joogta ah, inuu kaga gudbo waayaha kuwooda adag markii ay ku soo fool yeeshaan. Ladan waxay Liibaan la socodsiisay inay u qabaneyso Qareen u dood oo kuwa madax bannaan, waxayna u xaqiijisay inaysan dhibaato kasta oo Liibaan la soo gudboonaato aaneyn kaga hareyn lana qeybsan doonto. Sidoo kale Ladan waxay ku dhiiri galisay Liibaan inuu adkeysigii iyo ragganimadii ay ku taqaanay uu dib u hanto, waxayna ku waanisay uguna caqli celisay in wax kastoo khalad ahaa ee dhacay aanay saameyn ku yeelan kalsoonidiisa , qofnimadiisa iyo waayihiisa nololeed ee timaaddada, Liibaana si wanaagsan ayuu u garowsaday una fahmay muhiimada uu isagu u leeyahay hadalka Ladan.Ladan iyo Libaan oo labada indhood iska eegaya sida in indhaha midba midka kale ay yihiin muraayad uu kan kale isku eegayo ayaa waxaa soo galay askarigii booliska ahaa oo ku wargalinaya Ladan inuu dhammaaday wakhtigii loo ogolaa inay la joogto maxbuus Liibaan sidii ayayna isku macasalaameeyeen iyadoo Ladan u sheegtay Liibaan inay soo booqan doonto maalinta xigta.

Luul ayaa sidii balanta aheyd soo wacday isbitaalkii uu Looyaan ku jiray galabnimadii,waxay la hadashay hablihii ka shaqeynayay isbitaalka,ee kalkaaliyeyaasha caafimaadka ahaa si ay uga wareysato wixii kusoo kordhay xaaladda Looyaan. waxayna ku wargaliyeen in aroorta qaliinkii iyo kabniinkiiba lagu sameyn doono ninkeeda Looyaan.Luul oo la yaaban sababta kalkaaliyeyaasha isbitaalku ugu heystaan inay tahay Looyaan xaaskiisa ayaa ku tiri.’’ Xaaska Looyaan ma ahi ee waxaan ahay xigtadiisa (qaraabadiisa). Hablihii kalkaalisada ahaa mid ka mid ah oo taleefanka kula hadleysay Luul ayaa u sheegtay inuu bukaanku Looyaan sidaa Warqadaha (foomka) ku buuxiyay uguna sheegay iyaga inay xaaskiisa tahay laakiin ay badalayaan warbixintaas qaldan iyo macluumaadka uu siiyay.Luul aad ayay uga xanaaqdey in Looyaan uu waraaqaha isbitaalka isaga buuxsado iskuna diiwaan galiyo inuu odeygeedii yahay ayaa soo aadey dhanka cisbitaalka.   Markii ay Luul soo gaartay cisbitaalka oo ay soo gashay qolkii uu ku jiray, ayay miis dhinaciisa yaalay u saartay cunto ay usoo karisay iyo kuwa ay usoo iibisay, kaddibna Looyaan oo hore u sii degay qorshaha uu ku tijaabinayo Luul iney dareen ugu jiro iyo in kale, ayaa intuu isagoo dhoola caddeynayaa oo taahaya gacantii fayoobayd usoo taagay.

Taasoo ka dhigan isoo fadhiisi.Luul oo cadhadii ka muuqato ayaa  salaantey, haddana markay aragtay inuu rabo inuu soo sare fadhiisto ayay intey u toosisay barkinta, gacanta ka soo qabatay, balse markuu tiirsimada dhabarka la helay ayuu gacanteedii intuu jiitay dhunkasho la haabtey.Luulna waxay u booday sidii in Mas halisa doonayo inuu qaniino, waana iska dhufatay iyadoo ilowdey inuu bukaanyahay, waxaana alle isugu keenay naxdin iyo argagax!!Luulna iyadoo weli firka naxsan ayay gacantii la booday, oo weliba si kulul  oo qaylo dheer u tiri:   “War waa ku sidee?” Looyaan oo iska dhigaya nin aan qaladba gelin ayaa yiri: “Saw boqoradaydii ma tihid ma sidaa si ka hooseysa ayaan kuu salaami lahaa waxay iga ahayd mahadcelin iyo boggaadin?” Luul oo alaabti iyo cuntadii ay keentay aan furin ayaa intey dhexda qabsatay si kululna usoo eegtay ku tiri: “ Ma aanan garan ujeedkaaga, maantana waxay ii sheegeen Kalkaaliyayaashu inaan ahay xaaskaaga, adna waxaad i leedahay boqoradayda, goormaan xaaskaaga noqday? goormaanse boqoradaada noqday?” Looyaan oo arkay in xaalku xun yahay ceebna uu u dhaadhacay arrinkiisiina fashilmay, xaalkuna siduu isu geeystay ka duwanyahay oo qosolkii iyo taageeradii maalintii hore u fahmay rabitaan ayaa intuu is madoobeeyey hadalkiisii ku billaabay: “ Waxaad tahay qofka keliya ee aan maanta adduunyada ka shansanayo, waxaan kuu haystay in qiimaha aad agteyda ka leedahay aan ka leeyahay agtaada, xitaa shalay waxaa isoo wacdey Ladan, waxayna ii sheegtay iney isoo booqaneyso, waase ka diiday oo waxaan dhahay walaashay ayaa ii joogta Luul kaagamana baahni ee walaaleey meeshaada iyo meel ka dheer”.

Luul ayaa iyadoo carro jiq ahayd markay maqashay magaca Ladan iyo iney Liibaan raadineysay, haddana rabtay iney soo booqato Looyaan ayaa inta is beddeshay mar keliya la soo booday: “ Ladanaa! LADANAA?  war maxaa tiri: yaa u sheegay halkaad joogto iyo xaalkaaga maxayse ka rabtay Liibaan sawkii furay maaha, Alla naagaha waxaasoo kale ayaa ku jirta oo magaca naga dileysa hah iyo caku”. Looyaan oo helay fursad wanaagsan ayaa yiri: Waxay i weydiisay inaad weli is qabtaan iyo in kale, aniguna waxaan ku iri hawshaas ka bax” Luul oo aad moodo carada ka muuqata in wedkeedii loo sheegay, ayaa la soo booday maxaa ka galay inaan is qabno iyo in kale maxaase aniga ay iga rabtaa oo arrimahayga daba dhigay?” Looyaan ayaa yiri: “Markay billowdey inay ku caydo oo ku aflagaadeyso ayaa telefoonka ku damiyey, telefoonkeediina waaba tirtirey” Isagoo difaac ka sii gelaya in la weydiiyo arrimahaas oo la yiraahdo keen telefoonkeeda.Luul ayaa iyadoo xanaaqsan albaabka ka boodey oo isla hadleysa, Looyaana isagoo wadnaha farta ku haya, inay ku soo noqon doonto iyo in kale ayuu niyada iska weydiinaya ayay albaabka ka baxday iyadoon xitaa macasalaama dhihin.

La soco qaybaha kale.

W/Q: Cismaan Qanyare

SHEEKOOYIN