SAAXIIBKAAN EERSADY! Q6AAD W/Q: Cismaan Qanyare

1389731626749437765

Saaxiibkaan eersaday. Q6AAD.

Liibaan in mudda ah markii uu naftiisa la sheekeysanaayay ayuu wacay Looyaan. Looyaan oo xaalkiisa ka war hayey oo intaas aan haba yaraatee wax xiriir ah la yeelan ayaa isagoo raba fursadiisa inuu ka faa’iidaysto kuna raaxaysto Liibaan telefoonka ka qabtay. Liibaan ayaa su’aal ku bilaabey hadalkiisa isagoo toos u abBaaraya , wuxuuna weydiiyay Looyaan sababta uu noloshiisii ugu ciyaaray, dhibaatada baaxadda leh u gaarsiiyey? Looyaan oo hadalkiisu wax naxariis iyo jixin jix ah ka muuqan ayaa yiri: ”Liibaanoow inaad caqli badneyn iyo inaad xasuus xuntahay kala garan maayee, weydiintaadu ma kaa dhab baa mise anigaad igu dheelaysaa? Liibaan oo aan garan wuxuu hadalkiisa ula jeedo rabana inuu ogaado ayaa yiri: “Waa iga dhab weydiinteydu haddaanay iga dhab ahayn kuma weydiiyeen .” Looyaan ayaa haddana yiri: “ Waa kuu jeedaa inaad, inaad iloowshiyo dhawdahay oo uu xisaabtankaagu liito, horta liibaanoow anigu maxaanba kaa sheegtaa, dad tii kuugu dhaweyd waa xaaskaagee kuuguna abaalka badnayd ee heerkaa ku gaarsiisay ayaad abaal laawe ku noqotay.

Iyadoo ilaahey nasiibkaada ka dhigay gaari dumar tii ugu mudneyd,uguna qiimaha, aqoonta, quruxda iyto daacadnimada badneyd, ayaad caqli aad ku heysatid ,yeelan weyday oo aad maanta bannaanka ka joogtaa. Waadna xusuus yar tahayoo, adigoo ogaa sidaad ii gashay ayaadan xasuusanin,sababta aan falkan kuugu sameeyey! Liibaanoow waad ilooshiyo dhawdahayoo inaad saakay isoo wacatid maba aheyn adigoo ogsoon tan aan kugu dhigay, kuna darso xisaabtoo tan aan hadda damacsanahay ayaa kaba sii daran, tan aad hadda la yaaban tahay. Liibaan weli ma garowsan, mana garan ujeedka iyo dulucda hadalka Looyaan ee isagoo weli ka dhoohan ayuu ku celiyey warkaaga iima dhicine biyadhaca ii sheeg. Looyaan ayaa yiri: “ Liibaanoow shanti sanno ee aynu rafiiqa ahayn, inaba miyaad xasuusataa waxaad I tartay waxaan ku taro maahane?” Liibaan oo markaan arkay in arrinku intuu filayo ka xeerdheeryahay ayaa ugu jawaabay: “ Allaa I leh wax badan ayaad I tartay oo I garab qabatey kuumana qaban intaad ii qabatay” Looyaan oo wada u furantay ayaa yiri: “Sidaad ka marag furtay weligay waxaan ku taro maahee waxba ima tarin waxna kuuma dhibin. Habeenkii ugu dambeeyey 10 Boon ee aan kuu dhiibay ayaad ku heshay lacag toban kun ah, balanteenuna waxay ahayd wixii ka soo baxa inaan kala qaybsano, balse, maadan yeeline habeenkii si aad ii qiyaameyso ayaad tiri: “ Waa habeen oo kaash intaa le’eg ma qaadi karnee, beri ayaan qaadanaynaa, beridii saddax maalmood anigoon ku arag oo aadan telefoon iga qaban, markaan ku iri, shantaydii kun isii waxaad iigu jawaabtay Ladan ayaan siiyey oo allaab ku dhigatay waxna walaalkeed oo Giriiga jooga u dirtay , markaan kuu sheegay in baabuurkii iga fadhiyo daymana laygu leeyahay, saaxiib is debar awalba lacag qamaar lagu helay kumaad tashanayn ayaad iigu jawaabtay” Liibaan telefoonka ayuu dhegta ku hayaa wuxuuna dhagaysanayaa maxkamada ku socota iyo weliba, godobaha saaxiibkii ka tabanaayo.

Looyaan oo hadalkisii sii wata yaa yiri: “ Liibaanoow weligay dumaashiday Luul intaad is qabteen qalad igama gelin, naagta isku keen dirtey waa Ladan ee maskaxda kaa qabsatey, sidaas awgeed waxaan dareemay inaan gef weyn ka galay dumaashiday waana u sheegay inaad naag guursatay, kumana qaldani sabab aan kuu qariyaana ma jirin” Liibaan ayaa yiri: “Maxaad hore sidaa iigula hadli weyday oo intaadan I sheegin sida hadda wax iigu sheegi weyday?”.

Looyaan ayaa isagoo qosol jeesjees ah qoslaya ku dhahay: “ Wan weyn ilaa la gowracu indhihiisu cirka ma arkaan, niyahoww anigaa kula saaxiib ahaa waligey ee adigu saaxiib ilama aadan ahayn, midna ogoow, weli waxba kuguma dhicin ee waxaan kula maaganahay haddaad magacayga maqasho inaad ciil dartiis u dhimato, haddana hawada iiga bax, dadnimo iyo ragganimo lagaa dugsado midna ma lihide.” Liibaan oo hadalkaa dambe aad uga xanaaqay ayaa ugu jawaabay: “ Haddaanan rubada mindi kaa gelin ninba maahi waa inoo labadeena iyo aragti” Liibaan ogaa meesha laga galay, sababtana isagaa leh, umase cadda, gabadhii uu u godoboobay, hadda kala tage isagaana sababay waa Ladan, tiisii hore is daaye, saaxiibkiisna waa midka uu eersaday oo waa cadowgiisa koobaad maanta weliba dirir iyo colaad ayaa u madlan. Dhanka kale, Luul Waxaa dhowr jeer oo isku xiga u yimid booliiska oo ku wargalinayay inay Liibaan maxkamad soo taagayaan waa haddii ay ogolaato inay raali ka noqoto ama inay dacwo ku oogto mudacna ku noqoto. booliiska waxay u sheegeen Luul in nabaradii uu gaarsiiyay wajigeeda oo sawir ka qaadeen, ay caddeyn ku filan tahay inuu xabsi ugu yaraan 1 – 3 sanno ah uu u galo. Luul oo khibrad u laheyd arrimaha sharciga maadaama ay aheyd garyaqaanad soo baratay sharciga, si wanaagsan ayay u fahmeysay ujeedada booliiska, hase ahaatee way ku gacan seyrtay, waxayna u caddeysay inaysan dooneyn inuu Liibaan iyada darteed xabsi dheer ku muto, garaacistii uu u geystayna ay ka saamaxday, laakiin aysan dooneyn inuu gurigeeda kusoo laabto, sidaas ayuuna Liibaan kaga badbaadey dacwadii loo heystay.

Liibaana Booliiska ayaa la hadlay una sheegay in aanu carruurtaas iyo hooyadood agtooda mari karayn wax dacwo ah oo loo heystana jirin. Liibaan wuxu go’aansaday oo dhaar ku marey,inuu dilo Looyaan waxa uuna isagoo midi dheer oo caaraddeedu fiiqan tahay sita uu maalin kasta kasoo raadin jiray goobihii uu ku ogaa inuu Looyaan Ku fiidsado Iyo maqaayadaha uu ka qaxweeyo oo dhan. Goor galab ah ayuu Liibaan oo mididii afeysneed sita soo galay goob uu ciyaar Ka mid kulamada horyaalada yurub isaga hor yimaadaan lagu dawanayo, Looyaana uu Ka mid yahay daawadayaaaha goobta ku sugan. Nin kale oo Mire la yiraahdo ayaa arkay Liibaan oo duruufeysan oo Jaakad weyn sita meelaha eeg eegaya, markaasuu u yeeray war Liibaan xageed ka dhacday waa lagu waayee, Looyaan oo dareen ku jirey ayaa arkay markaasuu isla booday, Liibaana markuu indhaha ka qaaday isagoon u jawaabin Mire yuu mindidii la baxay wuxuuna kula orday Looyaan. Dadkii meesha joogay ayaa wada istaagay oo caddaan iyo madoowba lahaa, Looyaana dhinaca miiska baarka ayuu ku orday, waxaa qayliyey gabdhihii shaqaalaha ahaa ee goobta joogay, Looyaan kursi ayuu ku kor dhacay wuuna jabay iyada uusan soo gaarin Liibaan, Nasiib wanaag Mire iyo dhawr nin oo kale oo Soomaali ah ayaa isku duubay Liibaan iyagoo ka badbaadiyey inuu Looyaan wax gaarsiiyo, waxaana yimid ciidankii Booliiska oo ay u waceen shaqaalihii maqaayadda sidaas ayuu mar labaad xabsi ku galay Liibaan.

LASOCO QEYBTA XIGTA. WQ /Cismaan M. Qanyare

SHEEKOOYIN