Sabarka ama Dulqaadka waa shidaalka rajada W/D:Sayidcumar C/llaahi Cumar

unnamed

Sabarka ama Dulqaadka waa shidaalka rajada

Waxaan soo gudbinayaa oon jeclahay inaan idinla wadaago qormo kooban oo aan uga hadlaayo faa’iidada sabarka ama dulqaadka uu leeyahay, Nuxurka macnaha Sabir ama dulqaadasho waxa loola jeedaa in aan nafteena ka joojino dhaqanka ah in ay quusato ama murugooto si fool xun oo qaawan, in aan carabkeena ka joojino cabashada aynu dadka u cabanayno iyo in aynaan jeexjeexin maryaheena xiliga dhibka ama ay masiibo inaad la kulanto oo nafteena halaagin.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ اصْبِرُواْ وَصَابِرُواْ وَرَابِطُواْ وَاتَّقُواْ اللّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ)

Kuwa xaqa rumeeyoow sabra, oo sabarka ku tartama, oo heegan ahaada iyo kuwo adkeysi badan, xilka Alle idin saarayna dhowra aad liibaantaane”. Suurada aali Cimraan:Aayada 200.

Wuxuu kaloo yiri Alle kor ahaaye:

(إِنَّمَا يُوَفَّى الصَّابِرُونَ أَجْرَهُم بِغَيْرِ حِسَابٍ)

“Sabrayaasha waxaa la siin ujuuradooda xisaab la’aan.”Suuradda az-Zumar:Aayadda 10.

Nafta qofka bini’aadamka waa mid had iyo jeerba imtixaan ku jirta. Sida aan dhamaanteenba wada ogsoonnahay imtixaanaadka qofka bini’aadamka uu maro ayaa waxeey isugu jiraan kuwo kala duwan. Qaar imtixaanadaas kamida ayaa ah qaar qofka loogu nimceeynayo oo uu waxkastuu qofka qorsheeysto u helayao siduu urabay amaba si kasii fiican. Lakin imtixaanadaasoo kale markuu qofka marayo ayaa ficil celinta ka dhalata waxeey noqotaa kuwo kala duwan, qaar ku shukriso ilaaheey oo garata nimcada uu ilaaheey ugu deeqay iyo qaar aanan garan ineey nimcadaas tahay deeq uu ilaaheey ugu deeqay. Imtixaanka nuucaan oo kala ah maaha mid nolosha qofka ciriiri galiya, laakiin waa mid uu qofka caaqilka ah ku garto deeqsinimada Abuuraha koownka.

Sida ay sheegaan Culimada Cilmi nafsiga, qof kastaa waxa uu leeyahay laba awoodood oo u shaqeeya naf ahaantiisa. Midi waa awooda qofka dabada ka riixda taas oo u horseeda samaynta ficilo, ta kalena waa awooda qofka ka celisa ama ka hor joogsata ficilo kale. Markaa sabirku si tayo leh, waxa uu isku xidhaa awooda qofka u horseeda samaynta ficilo keena wanaag iyo awooda qofka ka hor joogsata ama u diida samaynta ficilo laga yaabo in ay khatar ku yihiin naftiisa iyo nafaha dadyowga kale. Dadka qaar ayaa leh sabir ama dulqaad adag marka ay qabanayaan wax u wanaagsan naftooda, laakiin sabir ama dulqaad u lahayn sidii ay uga dheeraan lahaayeen ficilo khatar ku ah naftooda. Sidaas darteed, waxaa la arkaa qof sabir ama dulqaad u leh gudashada salaada, soonka iyo xajka balse aan sabir iyo dulqaad u lahayn inuu naftiisa ka xakameeyo kana joojiyo falalka aan wanaagsanayn iyo doonista xumaanta ay horseedo hawada naftu, taasina waxa ay ku ridaa danbiyo iyo wax xaaraan ka ah naftiisa

Maxaa looga Baahan Yahay Sabirka?

Sabirka waxa looga baahan yahay qaybaha soo socda ee nolosha;

  1. Cibaadada iyo u hogaansamida amarada ilaahay
  2. Ka fogaanta xumaanta iyo ficilada ku xun ee ka dhanka ah dhaqanka suuban iyo diinta
  3. Aqbalaada Xukunada ilaahay ee kala duwan

Wax ma qaban karo inta sabirku maqan yahay

Waqti kasta oo la siiyay, qofku waxa uu ku dhex jiraa xaalad, taas oo looga baahan yahay inuu adeeco amarada ilaahay, ama ka dheeraado wax kasta oo ilaahay inoo diiday, ama ay tahay inuu aqbalo xukunka ilaahay , ama ka mahad celiyaa (shukri-naq) nimcooyinka uu ilaahay ku galadaystay. Dhamaan xaaladahaasi waxa ay u baahan yihiin Sabir ama dulqaad, sidaas ayaanay isu daba socdaan ilaa maalinta dhimashada, qofna wax ma qaban karo dulqaad la,aan. Wax kasta oo inagu dhaca inta aynu noolahay aan jeclaano ama yaynaan jeclaanine dulqaadku waa wax loo baahan yahay.

Hadii qofku xiiseeyo caafimaad fiican, nabadgalyo, madaxtinimo, maal iyo helista doonistiisa qofeed ee quruxda jidh ahaan, yaanu u qaadan in marxaladaasi ladnaantu ay waligeed jirayso ama sidaas ahaanayso, yaanu nasiibkiisaa fiicani ka dhigin qof kibir badan oo ka madaxtaaga ama masuuliyaddaro muujiya aanu ilaahay jeclayn. Waa in aanu u qorshayn waqtigiisa oo dhan inuu ku isticmaalo lacag iyo tamar uu ku raadiyo raaxo iyo madadaalo. Waayo farxada iyo madadaalada badani waxa ay keentaa xanuun.

 

Email: Sayidcumar100@gmail.com

SHEEKOOYIN