Sabraa sed hela! W/Q: Cabdulle Cabdi Kariim (Ugaas Jallaato)

 

Beri baa waxaa jiray nin xoog-maal ahaa, dhowr maalin oo isku xigta asiga oo aan afkiisa wax saarin biyo cad mooyee oo xaalad naf dhowr ah ku jira. Baahi daran ayaa heysa, tallaabada ayuu jiidayaa, waxa ka idlaaday tamartii uu ku socon lahaa, balse, wuxuu ahaa nin Eebbeihiisa ku xiran ee waxa uu go’aansaday inuunan qofna gacan u taagan oo uunan qofna u gacan hoorsan. Si gobannimo leh ayuuna noloshii qallafsaneyd usii watay! Ninku wuxuu aaminsanaa xaddiiskii Suubbanaha S.C.W. ee ahaa:

Gacanta sare ayaa waxay ka kheyr badan tahay gacanta hooseysa”.

Haddaba, ninkaasi waxa uu ahaa nin Alle ku xiran oo cibaado badan, salaadna aan salaad kale ku darin oo amminkeeda ayuu ku dukan jiray, inuu Eebbe wax wayddiisto mooyee, weligiis kuma uunan fikirin inuu dadka heysmadooda wax mudo ama uu ku hammiyo inuu u hanqal-taago!.

Maalin maalmaha ka mid ah asiga oo seddax qad ah ayaa salaaddii maqrib ku soo gashay, waxa uu marayaa meel cidlo ah, hore ayuu isaga sii socday, isla markaana, ciddii ugu horreysay ee uu arkay ayuu iridda ku garaacay, waxaana ka furay nin maalqabeen ah, intaas dabadeedna waa uu salaamay ninkii. Salaan iyo is bariidin ka dib ayaa uu ninkii guriga lahaa waydiistay; biyo uu ku weesa qaato iyo meel uu salaadda maqrib ku dukado. Baahida ka hor muuqatay waxay aheyd oo kaliya: dukashada salaadda, balse, dan kama laheyn inuu helo wax uu cuno iyo hunguri toona. Dhanka kalese baahi daran ayaa heysa oo baqtiga ayaa u xalaal ah, wuxuuse ku hamminayaa inuunan qofna tuugsan ee uu sugo Eebbihii abuuray. Waa nin yaqiinsan in irsaaqadda uu Ilaaheey bixiyo ee aysan gacan aadane ku jirin, sidaa darteed, wuxuu nabdiga iska leeyahay; wixii Eebbe kuugu talagalay marnaba kuma seegi doonaan. Ninkii badar noolaha ahaa oo kibir hadlaaya ayaa ku yiri: “Soco oo horay noo dhaaf, howl aan ku mashquulsanaa ayaad i seejisaye mar dambe ha iga soo garaacin iridkeyga.

Ninkii miskiinka ahaa oo aad ula yaabban sida loo la dhaqmay ee bini’aadannimada ka baxsan ayaa ku yiri: Alle ha ku soo hanuuniyo waana uu isaga tagay. Waa nin Ilaaheey hanuuniyey ee ma uunan habaarin, balse, wuxuu Eebbe uga baryey inuu soo hanuuniyo. Waa nin alabkiisu suubban yahay ee Ilaaheey uu waddada toosan ku dhigan, isla markaana wuxuu aqbalayaa dhib walba oo soo gaara asiga oo Ilaaheey talo saaranaya.

Salaaddii maqribka ayuu gebbagebbeystay, isla markaana fadhi ayuu ku dukaday waayo ma laheyn tabar uu ku taagnaado, inta uu salaadda dukanayo, markii uu salaamo naqsaday ayuu u sii luuday dhankii hoygiisa oo majiirihiisu ahaa markiisii hore, hooygiisu, wuxuu u jiray in door ah, wuxuuna ku yaallay magaalada bannaankeeda. Waxaa halkaas uga dhisnaa daash yar oo uu dhaxanta ka galo, hal bakeeri, jalemed, go’ uu geferka iyo dabeysha ka hugsado iyo harag lo’aad oo uu ku seexdo oo kaliya ayuu hanti iyo hu’ba ka heystay, sidaas oo ay tahay, iimaankiisu wuxuu ahaa mid adag, mar walbana waxa uu maanka ku haayay in Alle uunan dayici doonin, wixii uu u qorayna uu degdeg u siin doono. Markii uu in yar luudaba waa uu fadhiistaa haddana waa kacaa asaga oo xaaladdaa ba’an ku sugan ayuu ka kor dhacay niman safar ah oo magaalada duleedkeeda awrtii ku furtay oo uu raashin u karsan yahay doonayana waabariga inay galaan magaalada si ay waxna uga soo iibsadaan alaabada ay wataanna  uga iibiyaan.

Markii uu u soo dhawaaday ayuu istaagga ka  dhacay, nimankii ayaa kusoo kala orday oo biyo iyo cunto siiyay  markii uu miirsaday ayey wareysteen waxa uuna u sheegay inuu yahay; xoog-maal magaalada u shaqa taga habeenkiina u soo hoyda bannaanka magaalada. Nimamkii safarka ahaa ayaa ku yiri: “Nimoow waxaa nooga kaa muuqda inaad tahay xalaal quute ee ka warran haddii aad indho noo noqoto alaabadana aad noo iibiso kuwa aan rabnana noogu soo baddasho adiguna aad halkaas noloshaada ka raadsato?. Ninkii miskiinka ahaa aad ayuu ugu farxay dhawaaqa dhagahiisa ku soo dhacaya waana ka aqbalay  mas’uuliyddaa inuu dhabarka u rito loo tilmaamay. Ninkii ay baahido dilootay halkaas ayuu shaqo joogto ah ka helay, maalintaas ayaana ugu dambeysay baahi iyo mujaaco qabata. Ayaamo dabadoodna waxa uu noqday nin taajir ah oo Ilaaheey u nimceeyay. Alle barigi iyo cibaadadii kama uu tegin ee waa uu sii laba jibbaaray si Ilaaheey ugu furo irdihiisa kheyrka badan ee uu addoomadiisa midkii uu doono ku galladeysto.

Waayaha is daba mara, waqtiguna aadanaha ayuu ciilaa, caniid walba oo naxariis laabe ahna mar ayaa Ilaaheey qabtaaye, ninkii badar noolaha ahaa ee ninkaas miskiinka ah weesada iyo salliga dukaasha u diiday, waxaa ku dhacay abaalgudka wixii uu geystay taas oo ah in Ilaaheey oo fara marnaan soo dhigay. Maqribkaas markii uu ninka miskiinka ah boobiyey weesada iyo salaaddana u diiday ayaa xaaskiisu ku tiri: ”Ninyohow! Ma waadan Ilaaheey ka baqeyn” maxaad ninka miskiinka ah weesada iyo salliga ugu diidday? Ma ogid miyaa in Eebbe uu kugula xisaabtami doono hantida uu ku siiyay? Mase ogid miyaa in sida aad ula dhaqmeyso masaakiinta uu Eebbe arkayo? Mase ogtahay; in aad adiguna sidaas maalin noqon karto? Walaalow sidaas ha u galin masaakiinta Eebbihii hantida ku siiyey iyagana waa uu siin karyaa, balse, Eebbe waxa uu fiirinayaa sabarka kan la siiyey iyo kan loo diiday labadaba. Hadalkaas waanada iyo wanaagga ah ee xaaskiisu ku tiri: dheg uma dhigin taas beddelkeedana xaaskii ayuuba garaacay, wuxuuna si jeesjees ah ugu yiri: ”Adiga miyaa ila soo shaqeystay xoolaheyga?” maxaa kaa galay haddii aan diido iyo haddii aan dhiibo!. Xaaskii inta dharkeeda ka aruurstay ayey kana tagtay oo ay gasarkiisa u dhaaftay!.

Ayaamo dabadood ayuu reerkeedii ka doontay, balse, gabadhii waa ay ka dhaaratay inay gurigiisa dib ugu laabato, waxa ayna cod dheer ku tiri: ”Geeri ayaan xigaa inaan ninkaas caniidka ah gurigiisa ku laanto!” habeen ma doonayo, maalinna ma doonayo ee madaxeyga ha leyga qaado, waa nin naxariis laawe ah. Dood iyo dagaal dheer ka dib, gabadhii waa laga furay ninkaas. Halkaasna waxa uu kala laabtay asiga oo oori la’aan ah, weliba magac xumana ay tub iyo ceel u martay oo aysan guurkiisa gebdhuhu ku degdegi doonin.

Waayuhu wixii ay is hor iyo dib maraanba, ninkii miskiinka ahaa oo guri weyn magaalada ka dhistay, odayaasha xaafaddana ka mid noqday ayaa asiga oo dukaankiisa iska dhex jooga waxaa u soo gashay isla naagtii berigii madaxiisa gurigeeda u dumisay. Labadooduba isma ay yaqaannaan, balse, wax bay ka iibsatay, isla jeerkaasna halkaas ayey isku barteen oo ay sheeko salaan u badani ku dhex martay. Islaantii muddooyin badan ayey dukaanka macaamiil ka aheyd, isla markaana waxaa odaygii dukaanka lahaa iyo islaantii ninkaan madaxiisa loo furay dhex maray xariir doonitaan oo qotodheer, wuxuuna ugu dambeyntii gaaray; inay isku afgartaan inay is aroosan, isla markaana uu reerkeeda ka doonto. Waa nin bulshada uu la joogo milgo iyo sharaf ku dhex leh ee gabadhii waa loo guuriyey su’aal la’aan. Halkaas ayey ka dhisteen mustaqbal aayo wacan leh. Waa arrin uu Ilaaheey hoggaanka u haayo ee islaantii waxay muddo gaaban dabadeed ku curatay wiil iyo gabar mantaano ah. Reerkiina waxay noqdeen: kuwa lagu soo hirto oo garab iyo gergerba tolkoodii u noqday.

Maalin maalmaha ka mid ah, ninkii miskiinka ahaan jiray oo beer gurigiisa ku hortiillay gember kula santeeca oo iska werdinaya, ayaa waxaa soo hor istaagay nin tuugsanaayo oo diifta ka muuqata aan la qiyaasi karin, inta uu ka naxay ayuu ku yiri: bal halkaan soo fadhiiso. guriga ayuu galay xaaskiisana wuxuu ka codsaday wax cunto diyaar ah haddii ay jiraan in ay u soo gurto, cabitaanna ay u keento. Intaas dabadeedna ay raashin debka u saarto, weliba ka codsaday inay si degdeg ah ugu soo kariso. Waa nin naxariis badan, isla markaana baahi iyo rafaad soo maray oo bili’aaddannimada wax ka soo bartay. Ninkii tuugsanaayay markii uu cunay intii yareyd ee loo keenay ayuu u holladay inuu baxo, balse, ninkii guriga lahaa ayaa u sheegay; inuu joogo oo intaani ay ku meel gaar ay aheyd ee loo soo wado raashin hadda debka laga soo qaaday. Ninkii waa uu aqbalay wuxuuna iska sugay raashinkaas debka ka soo degaya.

Wax yar ka dib xaaskiisii hore, balse, hadda uu qabo ninka uu martida u yahay ayaa u keentay raashin loo soo boobsiiyey si loo baahi tiro. Gabadhu ninkaan maskiinka ah ma aysan aqoonsan, maxaa yeelay, uma aysan maleynneyn inay waayuhu sidaan u ciili doonaan. Ninkii raashinka loo keenay markii uu indhaha ka qaaday xaaskiisii hore oo uu maanta ninka qaba tuugsi ahaan ugu soo martiyey ayaa oohin la dhacay, hal mar ayuuna miidaan gaddoomay markii uu xasuus dheer galay, hadalkiina waa uu ku dhegay oo juuqba waa ay ka soo bixi waysay.

Ninkii uu martida u ahaa xaaskiisa ayuu u yeeray, wuxuuna ku yiri: ”Ninkaan ma taqaannaa oo hore ma u aragtay? Si fiican ayey u fiirisay, markii ay in muddo ah raadineysay ayeyse ogaatay inuu odaygeedii hore ee taajirka ahaan jiray uu yahay. Intaas dabadeed waxay uga sheekeysay qisadii ay ku kala tageen, waxayna tiri: ”Aniga iyo ninkaan dagaalkeennu waxa uu ka billowday; nin miskiin ah oo uu weeso qaad iyo salli uu maqrib ku dukado u diiday”. Xilligaas wixii ka dambeeyana waxaan go’aan ku gaaray inaan reer u dhaqin maalin kale sidaas ayaanna isku furnay aniga iyo asigu dood dheer ka dib.

Ninkii martida loo ahaa markii uu hubsaday qisada isla markaana uu dhuuxay biyo dhaceeda ayuu yiri: ”Ninka weesada loo diidayna aniga ayuu ahaa”. Halkaas ayaa la isku bartay, ninkii miskiinka ahaana inta lagu arrad tiray hanti iyo xoolo uu dib ugu noolaadona la siiyey. Isla weynanki iyo kibirkiisii horena waxay u noqdeen cashir lama illaawaan ah.

Haddaba aqristoow ogoow adduunku waa silsillad Alle S.W.T.  waa caaddil naxariis badan, haddii aadan qofna wax tari karin ugu yaraan hadal wanaagsan kula hadal. Eebbe ayaa yiri:

Qowla wanaagsani wuxuu ka kheyrbadan yahay; saddaqqada”.

Guga dhammaanaya nama haraatiyo, kan imaanaya nama hertiyo!.

W/Q: Cabdulle Cabdi Kariim (Ugaas Jallaato).

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.