Semen waliba xeeshii! W/Q: Ciise Cali Ganeey

Semen waliba xeeshii! 

Seynsaabka nololeed marba surin hore ayuu ku istaajiyaa. Meertaduna waa is dabataal. Muuqaalka guud ee walxaha iyo midka aadanuhu sida uu isu dhalanrogo ayaa dhaqanka iyo wax walba oo duug ahaana isu beddelaan. Sidaas si la mid ah ayaa haasaawaha lab iyo dheddig xarigga adag iskula xirana uu marba heer joogaa. Miscil oraaheed iyo hadal muuneyn yaanan kugu maandhayin ee faalladaan kooban waxaan is barbardhig ku sameynayaa habka xodxodashada dhallinta Soomaaliyeed kuwii hore iyo kuwa hadda jooga, waana sababta aan halkudhegga sheekada ugu wanqalay: ”Semen waliba xeeshii”.

Habkii hore ee haasaawaha ragga iyo dumarku wuxuu ku saleysnaa dhaqan soo jireen ah oo ab ka ab la kala hidda raaco. Barbaartii hore is doonitaankoodu wuxuu ahaa mid asluubeysan, wayna ka xishoo jireen inay si toos ah isugu sheegaan inay is doonayaan, balse, way isu sarbeebi jireen. Waxa la is dhaafsan jiray halmuceedyo miid ah oo labada dhanba ka soo burqanayey. Aalaabaa qofba midka kale ayuu sahmin jiray gundheerida garaadkiisa iyo halka uu gaarsiisan yahay. Wiilku wuxuu gabadha ku xulan jiray; siyaabo kala duwan, gabadhuna sidaas oo kale ayey iyana u xulan jirtay wiilka ay jamato la jirkiisa, haddana lagama dareemi jirin oo iyada oo mid u dan leh ayey haddana kumannaan kale ku garab wadi jirtay, taas oo ah sabarsiin iyo saangadasho labadaba. Wiilku inuu la soo haasaabo gabadha uu jantay ayuu jiidaal dheer u goyn jiray. Gabadhuna way sugi jirtay iyada oo og halista iyo hiidaalka dheer ee usoo jibaaxay ama usoo jiiray. Waa sababta loogu mahmaahay: ”Gabari kunbeey kooodisaa, kow ayeyse kala baxdaa, iyada oo bartilmaameed gooni ah leh ayey haddana barbaarka deegaanka haasaawaha wada gaarsiin jirtay.

Gabadhu ninka ay u jeel qabto, balse, aan asigu ogeyn inay daneynayso, hadal kaftan dhable ah oo la moodo daandaansi iyo duritaan ay wiilka ku maagayso ayey dhihi jirtay, balse, nika barbaar waynaha ahi waa fahmi jiray in loo danleeyahay. Rag caweysleey ah ayaa ku maansooday:

  • Naag adoon tawaan ka laheyn
  • Ha ku taabsatee ka dib tuug”.

Dhanka sammaanta iyo dhaqan dhowrka wiilku gabadha kama liidan jirin, wuxuuna isa saari jiray xil semenku saaray oo joogtada la socday. Inkasta oo wiilku gabadha ka hal adkaa haddana sida ay wax u jiraan uma wada sheegi jirin, waana tii la yiri: ”Dhedaysi waa dhuumaaleysi, inta kalena waa dhar ka tag!” laashin Maxamed Gacal Xaayow (AUN) oo dhaqankaas wanaagsan ee dheddigga faalleynaya wuxuu guurow ku yiri:

  • Dumarkeynu shaash-beey xirtaan, medeb dukaalaahe
  • Daaddaheynta ubadkow yaqaan, dadab xambaarkiiye
  • Daban-daabka gurigaa la baray, deginka reereede
  • Dayrka shan iyo tobanaad gugeey, Dahabo qaangaarto
  • Duullaan ragbeey filan jireen, waayo dabadoode
  • Hadba calafku kow daba dhigeey, daalligii noqone
  • Duqa ma oggolee diir-qabkeey, ugu jeclaayeene
  • Doonis iyo yardow keeni jiray, daalibkii rabaye
  • Isku duubna ma ahayn haddaan, meherku deynayne
  • Maantana dabeecadi si’ kale, daaha loo rogayo
  • Inta derisku haasaawayaa, lays dardarayaahee.

Waa sida laashinku tilmaamaye, inta derisku haasaawayo ayaa howshiiba lagu kala baxayaa, waana midda aan aniguba ka gilgishay, yeelkeede hadda xaalku wuxuu marayaa meel aan laba saadaalin karin, qof walba oo garaad u saaxiib ahna si uun ula qalloocan. Waa qaab silloon oo haddana sirgixan. Waa dhaqan rogan oo haddana raaran. Waa mooraduug bulsheed iyo meherad la’aan ummadeed. Labka haasaawa doonka ahi waxay lahaayeen sowrac iyo alab mid walba uu goonidiisa u ilaaliyo. Dheddiguna sidaas oo kale sifo iyo tilmaamo u gooni ah ayey lahaayeen. Laashin Maxamed Gacal Xaayoow (AUN) oo ragga iyo dumarka kala tilmaamaya ayaa wuxuu guurow ku yiri mar kale:

  • Soomaalida hawiran iyo hablaha, haatan soo kacaya
  • Wiilashaan sirwaalladi hugtaye, hebel ba waa biid leh
  • Ee sida haweenkii Hindiya, guudka halabeestay
  • Haloodkaya waddada toosan baa, laga hor joogaa’e
  • Hiddaha iyo dhaqankoodi bay, hoos u dhigayaanee
  • Wiilkii hannaanka u dhashaye, helen-gay dhuubnaay ah
  • Ee haybaddiisiyo qawida, Dumar ku haasaabay
  • Hongod wayla qaadliyo haddow, tuur ku hilan yeeshay
  • Sirwaal halafa goortow gondaha, hoos wax uga daahay
  • Ee sida baciid howd ku qaday, horogta dheereystay
  • Hagafyada tallaabada markow, hore u laafyooday
  • Haween quruxsan moogiye nin raga, haansihii ma lehe
  • Halaw iyo ma joogtaa heblaa, hadalku joogyaa e
  • Hiddaa lagu bar-baarshaye haddaan, Hooyo kale nuujin
  • Howraarta qumman ummadda waa, lagu hanuunshaaye
  • Inaan hilin kallaallada ka duwo, wow hanwaynahay!”

Guurowgaas wuxuu laashinku ku kala dhigdhigay huga iyo hannaanka raggii hore iyo habacsanaanta kuwa dambe. Laashinka oo dhanka haweenka faalleynayana wuxuu mar kale yiri:

  • Yartaad sida hareeriga ku yaal, hogobka buureedka
  • Dhirta uga hanwayn tahay hablaha, uga ammaantaaba
  • Hubkeediyo malaykaan markey, Hodon ku laaf-yootay
  • Tima hudur madoobehe garabaha, harafku soo gaaray
  • Hilif lagu maleegiyo marnaan, heega lagu taagin
  • Oon hagoog i taageera iyo, buruko lagu huurin
  • Inkastooy hannaankaa qabtiyo, heybad lagu faansho
  • Ambay laba horaad oo si-siman, hore usoo taagtay
  • Hagaag ugu dhamayn waa indhaha, howl karkii rabaye
  • Waxaa hima-jab wiilka ugu filan, howsha berigaa e
  • Haadkaa gawaaridu marta na, boorso la hanfiicdo
  • Ee hebel i qaad iyo halkeey, hadal is waydaartay
  • Ninkaan ku hurgufeyn lacag haddii, la la heshiin waayay
  • Hablow mays barqabataan haddii, horeba loo sheegay
  • Horta baro tacliinteey ku tiri, huban jawaabtiiye
  • Hebla meeday iyo moogi baa, hadalku joogyaa e
  • Maxaan hoogga ugu saadiyaa, heerku waa nabadee.

Aqriste waxa aan filayaa inta aad guurowga sare ku xusan kusoo aragtay inaad maalin walba si toos ah u aragto. Casrigaa ka duwan caadadii jeer la soo maray oo is beddelka nololeed, xilliyeed, dadeed ama deegaameed lama inkiri karo, balse, semenkii hore xishood, xeer iyo xaal gobeed wada socd ayaa jirijiray, taas oo ku salgo’neyd diinteenna suubban ee xaniifka ah. Xilliyadii hore, kuwii dhexe iyo weliba xilligaan aynu joogno deegaannada heer miyiga dhaqankaasu waa uu ku dambeeyaa. Gabadhu marka ay wiilka la haasaaweyso xitaa kama aysan mari jirin dhanka ay dabeyshu u socoto, taas caksigeedana waxay ka mari jirtay dhanka dabeysho ay ka socoto, si uusan udoggeeda u dareemin, ka dibna uusan hawada sare u mushaaxin. Waa dhimrin iyo dhaqaaleyn dhaqanku soo baray ee ma aheyn wax qalin iyo buug loogu soo dhigay ama ay sabbuurad (LOOX) ka soo dheegatay. Kolka ay wadda cidlo ah isaga horyimaadiin wiil iyo gabar gayaan isu ah, waxa dhici jirtay; gabadhu inay wiilka la haasaawi jirtay, iyada oo geed dhanka kale ka taagan, si aysan gacmaha isula gelin, ka dibna aan dareenkoodu u faalalin. Waa dhaqan wanaagsan oo diinta laga soo minguuriyay. Alle ayaa qur’aanka kariimka ah ku yiri:

فاسألوهن من وراء حجاب

”Haddii aad wax waydiinaysaan haweenka, ka su’aala xijaab gadaashiisa”. Suuradda Al-axsaab, ayaadda: 53-AAD.

Inkasta oo ay aayaddani kusoo degtay haweenkii Suubbanaha (SCW) haddana waxay horqaad u tahay haweenka muslimiinta oo idil. Ujeedkuse waa tilmaamidda dhaqankii hore ee suubbanaa, isla markaana ku sidkanaa diinteenna suubban ee xaniifka ah iyo ka digidda midkaan dhawaan galaha ah ee ku cusub beesheenna Soomaaliyeed. Haddaba qeybtaan hordhaca ah haddii aan waydiin kusoo gunaanado:

”Doonitaan afka lagala xishooday, balse, maanka xulay oo deggan iyo mid afka laga qirtay oo aan bogga iyo wadnaha jirin oo laac-raac ah keebaa aayo wanaagsan?

La soco Q-2AAD oo haasaawaha dambe, haddii Alle idmo.

W/Q: Ciise Cali Ganeey

Naga la soo xariir:

laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN