Shacabkii la dulleystay ! W/Q Bashiir Dhoore

 

10620534_10154430646970316_4994491879402255063_n

Shacabkii la dulleystay !

Hadda ka hor ayaa laba madaxweyne oo midna Reer Galbeed yahay kan kalana Afrikaan yahay ayaa iyaga oo meel maqaaxi ah ku caweynaaya waxaa meel aan sidaas uga fogeyn ka dhacay qarax aad u xooggan . Labadii madaxweyne ayaa u orday halkii uu qaraxu ka dhacay.Madaxweynihii Reer Galbeedka markii uu goobtii gaaray ayuu wuxuu maqlay muwaadiniin waddankiisa u dhashay oo caawinaad dalbanaayay , isla markiiba intii uu caawin karo ayuu caawiyay , wuxuu sidoo kale u yeeray gaariga gargaarka degdegga ah (UMBLANCE).Madaxweynihii Afrikaanka ahaa ayaa asna isha ku dhuftay laba ruux oo waddankiisa ka soo jeeda kuwaas oo uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa kaalmana u baahnaay, afka ayuu labadiisa gacan ka kala saaray si aan loo maqlin qeyla dhaantooda, labadii ruux halkaas ayeey ku naf waayeen.

Sheekadaan waxaan ku soo xasuustay, ka dib, markii aan aqriyay dacwad ka dhan ah Ra’iisalwasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka ah ee soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdirahmaan Odawaa, oo loo gudbiyay Gudoomiyaha maxkamadda sare Ceydiid Cabdulaahi Ilka-xanaf.Dacwadda ayaa waxaa la sheegay in ay gudbiyeen xisbiyada ka jira waddanka oo tiradooda lagu sheegay laba iyo labaatan(22) xisbi siyaasadeed , sababtuna waxaa aheyd ayaa la yiri ka dib markii CCC iyo Odawaa ay ku xadgudbeen xuquuqda xisbiyada.

Bal raggaas maskaxdooda eega. Maalmo ka hor ayey aheyd markii shacab masaakiin ah lagu xasuuqay Xeebta liido, ma jiro hal xisbi oo arrintaas ka xumaaday , hadda aan qoraalka qoraayo Gobolka Gedo waxaa ka socda duqeyn cirka ah oo loo geysanaayo dadka shacabka ah ee Gobolkaas dega , Sidoo kale dowladda kiiniya waxay si aan gambad laheyn u sheegtay in Beel ka mid ah Beelaha soomaaliyeed ee dega Gedo in ay taageero siiyaan Al-shabaab , taas oo ka dhigan in ay Beeshaas bartilmaameedsan doonaan,weli amaad maqasheen siyaasi hebel ayaa ka hadlay dhammaan arrimahan xasaasiga ah ee aan kor ku xusay ? jawaabtu waa maya, maxaa yeelay, waxa uu dhibku gaaraayo shacaboow waa adiga, waxa dhimanayaa waa adiga, kan gaajada iyo harraadku dilaayaan waa adiga,kan caafimaad la’aantu iyo guri la’aantu heyso waa adiga,kan jaranjarta u ah siyaasiga ee uu ku Owr kacsado waa adiga , kan ay Al-shabaab dilaayaan waa adiga Kiiniya waxa ay dileyso ma ahan siyaasi ee waa adiga.

 

Ruux kasta ee Soomaaliya ku dhibtoon siyaasi ma ahan ee waa adiga shacaboow !!!.

Siyaasigu, ama Xalane ayuu ku jiraa oo dhagaxyaan waa weyn ayuu jidka ku gooystay gaari aysan xabbadu karina wuu dhex galay, ama Hotel iyo hooy qurxoon ayuu dhex dangiiga,sidoo kale waxaa u qaybsan naftiisa ilaalinteeda iyo dhimasho ka jirkeeda, waardiye adag oo habeen iyo maalin dul taagan, halkaas ayuu Tv-yada Wariyaasha maasaakiinta ah ka shaqeeyaan midba mar u yeertaa asaga oo dhereg dhacsanaya, dhididkiisuna subag yahay, barruurta korkiisa awgeed iyo caloosha ka horreysa dhawrka sintimitir.

Bulshooy, haddaad dib u eegto ninkaa siyaasiga ah, maalmo ka hor intaan xilka loo dhiibin, caato iyo weyd awgeed, dabayshaa rideysay, jamiista iyo jidhifta oogadiisana waxaad moodeysay, Qulka iyo malowga xeryaha ariga gala, maanta waa kaa cifanaya sidii, xooluhu ban geedo buuxaan lagu sii daayey.Siyaasiga carruurtiisu waxay waxay ku noolyihiin waddan nabad ah , taas waxaa la jira in in la bixiyo biilalkooda , waxbarashadooda , caafimaadkooda iyo cuntadoodaba.

Reer xamarka ayaa ku maahmaaha “Ishiis laga arkaa Ushiis lagu tumaa”, shacabka soomaaliyeed ma aaminsana in ay xaquuq leeyiihin, ma aaminsana in ay siyaasiga la xisaabtami karaan, ma aaminsana in ay yihiin awoodda dalka xukunta, ma aaminsana in ay siyaasiga xeer xiro iyo xad uu leeyahay, sidoo kale iyaguna xuquuq iyo xeer leeyihiin, wixii danahooda ahna kala xaajoon karaan, marka ay halkaas sheekadu mareyso siyaasigu sow xaq uma laha inuu iska indho tiro dadka la duqeeyay iyo kuwa la xasuuqay isla markaana raadsado xaq asaga shaqsi ahaan ka maqan.

Haddaad aragto qof lixdiisa laxaad qaba oo albaab hor taagan uu furihiisa gacanta ku haysto, markaad weydiisona uu kuugu jawaabo, waxaan sugayaa qof iga fura, la yaab, haddaad dhahdo, furahana muxuu ahaa wuxuu? Uu kuugu warceliyo, waa kii albaabka, maxaad u furi weyday haddaad dhahdona, ku yiraahdo, ma awoodo, oo albaabka intaas le’eg ma furi karo, waxaad markiiba qofkaas ku sunteysaa, DOQON maya DABAAL iyo qof garaadka naafo ka ah, sax waa yahay.

Shacabka iyo bulshada Soomaaliyeed waa inay dareemaan, inay albaabka furi karaan(Siyaasiga) Lana hadli karaan, la doodi karaan, dhaliili karaan, ku bannaanbixi karaan, la xisaabtami karaan, iyagoon hub qaadan dagaal iyo duulaana gelin.Maskaxdu ha shaqeyso, dadkuna xaqooda ha ogaado, Siyaasuguna inuu adeege bulsho yahay waa inaynu baranaa, hadduu noo adeegi waayona aynu kalsoonida kala laabano, shaqadana aynu ka cayrino.

 

  • Waa duni la kala iibsaday, oon nala ogeysiine
  • Waa duni akhyaartii go’day, oo aaran soo hadhaye
  • Waa duni ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye
  • Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye.

 

W/Q Bashiir Dhoore

Bashiir Dhoore bartiisa Faysbuugga

SHEEKOOYIN