Shaqo la’aan mise shaqo diidnimo? W/Q: Cabdikariim Xuseen

Shaqo la’aan mise shaqo diidnimo?

Hannaanka dhaqan dhaqaale ee Soomaalidu waa yagleel, noloshii asalka ahayd waa laga soo hinqaday oo magaalooyinka ayaa si habqan ah loo soo gelayey lixdankii sano ee u danbeeyey. Magaalowguna si sax ah uma hirgelin oo turunturrooyin badan buu la kulmay,saldhigasho la’aantaas waxa ka dhashay dhibaatooyin wejiyo badan leh. Reer magaalnimada dhibaatooyinkeeda dhaqaale waxa ka mid ah, shaqo la’aanta faraha ka baxday ee ka jirta dalkeenna, shaqo la’aantaas inteeda badani waxay haysataa dhallinyarada oo lagu qiyaasay inay 70% ka yihiin bulshada, waxay aad u sii haysaa da’yarta waxbaratay ee Jaamacadaha ka baxay.

Shaqo la’aanta oo lagu tilmaamo cadaw arxan daran, marka aynu eegno dalkeenna waxa ay ku leedahay saamayn xad ka bax ah. Dhallinyarada Somaliland ee shaqo la’aantu ku dhacday tallaabooyin badan oo gurracan ayey miciin bideen, qaar badan ayaa suudalay oo badaha ku idlaaday, kuwa kale ayaa balwad ku walfay, qaarna falal budhcadnimo ah ayey ka bilaabeen magaalooyinka dalka oo dadka dhib badan ayey ku hayaan, iyadoo ay sidaa tahay arrintani inay masiibo weyn tahay na la ogyahay xil weyn la iskama saarin, baadhitaanno la sheegi karo laguma samayn, dawladda oo doorkeedu ahaa inay gurmad ka gasho dhibaatadani marar badan waabay dafirtaa in dalka shaqo la’aani ka jirto.

Qoraalkan kooban bal waxa aynu is dul taagi doonnaa waxyaabaha loo aanaynayo inay keeneen shaqo la’aanta iyo siyaabaha loo dhimi karo xaddiga shaqo la’aanta .

   Maxaa keenay shaqo la’aanta?

Waxa jira sababo fara badan oo loo aanaynayo shaqo la’aanta kuwa ugu muhiimsan waxa ka mid ah:

  • Nidaamka Waxbarasho: Dal waliba waxa uu is waafajiyaa manhajkiisa waxbarasho iyo baahiyaha shaqo ee dalkiisa yaalla. Iyadoo ay liidato tayada aqooneed ee xurumaheenna waxbarashadu ayaa haddana waxa u dheer in aanay kaba turjumayn shaqada suuqa taal iyo khayraadka aynu haysanno, waxa aynu wax u barannaa sidii dalalka wershadaha leh, taasina waxay keentay in ardaygii marka uu suuqa shaqada soo galo cidlo ku dhaco.
  • Xirfad la’aan: Ma lihin dugsiyo xirfadaha iyo farsamooyinka lagu barto, shaqooyin badan oo xirfado fudud ah, maanta shisheeye dalalka deriska ka yimi ayaa qabta.
  • Yasidda shaqooyin: Waa marka la yidhaahdo dalka shaqo la’aani kama jirto, ee shaqo diid ayaa ka jira. Keenna waxbartay iyo ka aan dugsiba tegini waxa ay wada doonayaan shaqo xafiis oo isku qoofaalan qofna ma ogola in uu dhidido.
  • Maalgelintii oo aan jirin: Dad badan ayaa fikrado waxtar leh oo shaqo abuur samaynaya maanka ku haya, waxa se lugta ka xidhay dhaqaale, ma jiraan hay’adihii maaliyadeed ee maalgashi samayn lahaa. Bangiyada ganacsiga oo muhiim u ah maalgashiga gudeed iyo ka dibadeedba weli lama hirgelin, xeerarkii ay ku shaqayn lahaayeen lama hawl gelin.
  • Eex iyo qof jeclaysi : Shaqooyinka qaranka iyo kuwa gaarka loo leeyahayba waxa ku milmay musuqmaasuq iyo eex, looma eego yaa aqoon leh,waxase la yidhaahdaa reer hebel ma yahay. Taasina qofkii aqoonta lahaa ee aan masuul ama oday dhaqameed wadan waxa ay ka dhigtay baagamuunde.
  • Halabuur la’aan : Hal abuurka ganacsi waa waxa isdhaafiya ee kobciya dhaqaalaha dalalka, ganacsigeenna waxa ku yar halabuurka waxaanu ku socdaa tallaabada diinka, oo gayeysiisay in aanu shaqo abuur la taaban karo samayn.Sidoo kale dhallinyaradu isku ma dayaan inay halabuuraan fikrado shaqo, kuwa keenana waxa halabuurkooda dhadhiya maalgashi la’aan iyo cidii ay miciin soo bidaan oo fikradda ka daba qaadata.
  • Dayaca ilaheenna dhaqaale: Khayraadka aynu haysanna waa xoolo, dhul beerashada ku habboon iyo bad nimco dhex ceegaagto, ha se ahaatee hanti iyo fikir toona cidi ma geliso sidii loo horumarin lahaa, loogana tabcan lahaa. Xoolihii weli waxaynu u dhaqannaa sidii awawyaasheen oo qofka iyo neefkuba waa ay isku dul bakhtiyeen, beeraha umaba haysanno il dhaqaale oo waxyar oo roobku soo saaro mooyee cidina hanti iyo waqti ma geliso, baddana waxaynu kula heshiinnay kuma daaro ee ha I daarin.

           Sidee looga Samatabixi karaa shaqo la’aanta?

 Dhibaatooyinka is biirsaday ee keenay in dhallinyaradu shaqo beesho xalkoodu wuxu u baahan yahay hawl adag iyo waqti loogu dhabar adaygo, xalalka ugu muhiimsanina waa:

  • Dib u habayn waxbarasho: Waxbarashadeenna iyo shaqada suuqeenna taallaa iskuma sargo’na, aad bay u yartay in jaamacadenna lagu barto culuumta la xidhiidha xoolaha, beeraha iyo joolajiyadda, waxaanay ahayd in kuwaa awoodda la saaro. Dawlad iyo dadweynaba waxa ina la gudboon in waxbarashada sidii loo tayeyn lahaa loo guntado.
  • Hufnaan shaqo : Iyadoo ay marka horeba suququl yihiin fursadaha shaqo ayaa haddana inta soo baxdaa musuq iyo wax isdaba marin lagu bixiyaa, waxa loo baahan yahay in fursado shaqo oo xaqsoor ku dhisan la helo, sidoo kale la sameeyo shuruuc qabata loo shaqeeyaha oo marar badan ka faa’iidaysta baahida shaqo la’aaneed ee dalka ka jirta.Waa wax iska caadi ah inaad sharikaadka waaweyn ku dhex aragto shaqo afar qof qaban lahaayeen oo qof keli ahi hayo.
  • Hirgelinta Bangiyada ganacsiga: Bangiyadu waxa ay isku xidhaan dadka hantida haysta iyo kuwa fikradda haya, sidoo kale waxa laga helaa daymo lagu ballaadhiyo mashaariicda jirta,hirgelintoodu waxa ay qayb ka noqonaysaa samatabixinta dhibaatada shaqo la’aanta ee ina haysata.
  • Samaynta nidaamka hawlgabka: Waa muhiin in la sameeyo xeerarkii hawlgabka si qofka muddada badan soo shaqeeyey xuquuqdiisa loo ilaaliyo, xoogga cusubna looga faa’iidaysto. Shaqooyinka qaranka iyo kuwa gaarka loo leeyahayba waxa dhex fadhiya dad ku jira xilligii nasashada oo aan loo samayn nidaamkii lagu daryeeli lahaa.
  • Shaqo waa shaqo : Waxa dhacda in dhallinyaro badani is kala qabweyn yihiin shaqooyin dakhli fiican leh, oo ay u arkaan in aanay u qalmin,taasina waa arrin halis ku ah mustaqbalka shaqo ee dalka. Shaqo kasta oo dalka taalla muwaadiniinta ayey tahay inay qabtaan, ma aha tixgelin badan in dhallintu siyaan maxaad ka shaqaysaa ee waa in ay eegaan shaqadan wax ka soo gelaya. Shaqaa sharaf leh.

 

Gabagabo

Shaqo la’aan badan baa jirta sababaha keenay waxbaynu ka taataabannay, xalkana waynu yar qooraansannay, waxaana muhiim ah, in arrinta aad loogu gorfeeyo golayaasha aqoonta, baadhis badan lagu sameeyo, dhallinyaradana loo sameeyo wacyigelin iyo tababarro ku saabsan sidii aanay shaqo diid u noqon lahayn, fursadda shaqana dakhliga ka soo gelaya ugu qiimayn lahaayeen, xaafiiska la wada doonaya looga tanaasuli lahaa.

WQ/ Cabdikariin Xuseen

Email : cabdikarim89@hotmail.com

SHEEKOOYIN