Shaqooy Maxaan Ku Raadshay?! W.T. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Shaqooy Maxaan Ku Raadshay?! W.T. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

unnamed

Sheeko qiima leh

Shiine mudo badan ayuu shaqo doon ahaa oo kolba meeshii shaqo lagasoo dhajiyo u jarmaadayay, waraaq qalin ku qoryaa ama Kumbuyuutar uu mid ka baryay ku diyaarsayaaba Araajida uu shaqada ku codsanayo buu hadba meesha lagasoo dhajiyo isla sii taagaa, isaga markaas uu dhiibay baa ugu dambaysa maqalkoodba qof warqadda codsigaa ka qabta mooyee cid dib ulasoo xiriirtana wali ma arag, waxuu hadda umuuqdaa rajo gab walise isma dhiibin wuu dareemayaa in meel un wax ka qaldanyihiin mase sixi karo halkay tahay, waa kan lugeenayaa mid kamida wadooyinka magaalada waa la dareemayaa in buuq ku furanayahay, Maxaa wax ubaranayay hadaanan shaqoba ku helayn? Maxaa waalidkay udhibayay hadaanan marnaba nasinayn/ goormay xoogayga cuni doonaan? Maxayse tahay Faa’idada waxbarashada ee tan iyo yaraantanadii nalagu dul akhrinayay/ Goormaanse miraha aqoontayda dhadhamin doonaa? Waydiimahaas iyo kuwa kaloo badan baa maankiisa kasoo burqanayay inta uwadadaas hayay, Jawaab ku filanna uma wada helin wuxuuse naftiisa ugu laab qaboojiyaa in waqtigu mar un siin doono jawaab waafiya.

Isagoo xaaladdaas ku jira walina wadadii aan ka dagan waa kan wargays dabayli la rooraysay ku istaagay, deedna iskama dhaafinee kor intuu usoo qaaday ayuu eegay taariikhda uu soo baxay warsidahaani mise waaba shalay, isha ayuu la raacay illaa uu kasoo gaaray bogga shaqooyinka banana, waxuu marba mid isdul taagaba waxuu markaan isha ku dhuftay mid ay ku xasishay aragtideedu, dhamaan aqoonta shaqadaan laga rabay shahaadooyinkoodii wuu haystaa kaliya kuma soo shaqayn, Inuu shaqo xareeyo kama daalee markiiba waxuu raadsaday agabkii uu araajida ku qoran lahaa, mase haysto kumbuyuutar uu araajida ku qorto kuna qurxisto mana haysto lacag loogu qoro, saaxiibadiisii uu kumbuyuutarka ka baryi jiray laftoodu shaqadaan bay rabaan inay soo codsadaan oo qof la tartamaya si fudud uga heli maayo maanta maalin kale yeelkeede. Sidoo kale mahaysto suut uu usoo xirto hadii loogu yeero waraysi shaqo (Interview), Malahan baabuur uu goobta shaqada ku tago mana haysto shilimaad uu baska ku raaco maadaama goobta shaqadu ka dhaganayd oo ah meesha arjiyada la geenayo xoogaa yara durugsanayd. Laakiin baahiyahaasi maahan kuwo Shiine udiidaya inuu shaqadaan codsado, mana jirto caqabad aan shaqo la,aan ahayn oo uu aaminsanyahayn.

Waxuu markaan ku dhaqaaqay suu uheli lahaa waraaq iyo qalin uu aqoontiisa iyo codsiga shaqada ku qorto, waxuu hadba meel u ordaba waxaa maankiisa kusoo dhacay buug xilligii dugsiga sare uu taariikhda ku dhigan jiray oo dhowr bog ay ka banaanaayeen, markaan waxay howli ka taagantahay qalinkii uu wax ku qori lahaa balse waxaa isna fudeeyay Axmed oo ahaa saaxiibkiis kadib markuu ka codsaday, Markuu intaas meel ku hubsaday lama huraan waa cawska jiilaalee waa kan intuu kacay labadii shay ee uu qabay xoogaa toos toosistay oo kuleetiga utaagay, deedna intuu biyo yar ku rusheeyay madaxa waa kan shanlo ku rogrogay timahiisa, Intaas kadib waxuu cagta lahelay wadadii ku toosnayd shirkadda isagoo wata warqaddii shaqada uu ku codsanayay oo uu siwacan qalinka ugu soo xardhay. Muddo Soddon daqiiqo ah oo uu soo socday kadib waxa uu hadda hor taaganyahay shirkaddii shaqadu ka dhaganayd, qabashada ariijida (Aplication Request) iyo waraysiga shaqadu (Interview) waa isku mar daqiiqado lagu qiimeenayo codsiyada shaqada un baa udhaxaysa.

Sadex ruux baa uga soo horeeyay goobta shaqada waxayna sugayaan hadda inya looga yeerayo waraysiga shaqada, waxay xiranyihiin suudad iyo kabo aad qaali u ah oo ay ugu talo galeen inay ku indho sarcaadiyaan maareeyaha Shirkada, Si kale kuma garatidee waa rag soo diyaar garoobay mana aaminsana inay jirto sabab ay ku waayi karaan shaqada, markay shiine arkeenba waa aamini waayeen aragooda, waxayna isku mar ku dhaheen, Maxaad meeshaan kasoo doontay miyaadan arkayn waxaad xirantahay ee uraya? Shiine si dagan ayuu ugu jawaabay waxuuna yiri halkaan waxaan u imid codsi shaqo. Iskumar ayay si jeesjees ah ugu qosleen. Waxaase qosolkii ka dhex galay maareeyihii oo bilaabay inuu mid mid ugu yeero waraysigii shaqada (Interview), waa kan sida loosoo kala horeeyay ugu yeeraya. Maareeyihii Shirkadda Hadii aad shaqadaan ku guulaysato mushaarkaaga ugu horeeya maxaad ku samayn lahayd? Kii kooba marka hore waan ku dalxiisi lahaa marka xigana wadama horumaray baan kasoo adeegan lahaa. Maareeyihii waa tahay. Waxuu isla su’aashii waydiiyay kii labaad waxuuna ku jawaabay. Waxaan dalxiis gayn lahaa xaaskayga. Kii saddexaad gaari cusub baan kusoo gadan lahaa. Markaan Maareeyuhu waxuu uyeeray ninkii faqiirka ahaa, ma waydiin isaga su’aalihii dadka ka horeeyay uu waydiiyay balse taa badalkeed waxuu waydiiyay su’aalo dadka goobta ku sugnaa intooda badan is waydiinayeen markay arkeen ninkaan warqadaha rafkaa wata.

Maareeyuhu waxuu isku raaciyay dhowr su’aalood oo wada socda Maxaad codsiga Kumbuyuutar ugu soo qori wayday? Suutse maxaad usoo xiran wayday? Shiine si dagan ayuu uga jawaabay waydiimihii maareeyaha waxuuna yiri Maxaa yeelay lacag mahaysto mana jirto hoy (Guri) aan daganahay, shirkadana hadda lug baan ku imid. Maareeyihii markuu arkay aqoonta uu u leeyahay shaqadaan, markuu qiimeeyay baahida uu qabo shaqo, sidoo kalena is barbar dhigay isaga iyo asxaabtaan kale jawaabahoodii baashaalka iyo dalxiis doonka ahaa, waxuu yiri Shiine tani waa shaqadaadii, kaasna waa baabuur kaagii shaqada furihii siina waa kanee hoo, sidoo kale kanna waa furihii hoyga aad dagi lahayd.

Hadaba su’aashu waxay tahay marka laga tago baahida ninkaan haysatay maxay tahay waxa maareeyuhu ku doortay? Jawaabtu waa Shaqo ninkii baahideed qabaa qabta.

Maanta waxaa dalkeena ku arkaysa intiina ku sugana aragteena umaddeenii oo burburku dhan walba ka saameeyay, aqoon laguma helo shaqo haddaan kuu sii bayaansho dalkeena maanta shaqo laguma helo “Maxaa taqaanaa” Balse taa badalkeed waxaa lagu helaa shaqada “Yaa taqaan ama yaa ku yaqaan” Tusaale hadaad shaqo xareeso kan kuugu horeeya ee aad usheegto waxuu ku oronayaa , Ma codsigii qalalan baad dirtay mise cid baad ka daba dirtay! Waxaan ugu baaqayaa bulshawaynta Soomaaliyeed xalku waxuu inoo jiraa inta cadaaladu inoo jirto, markaynu isu cadaalad samayno baynu xal helin Inshaa Allah ee qof walbow gurigaaga iyo xafiiskaaga ka bilow.

W.T. Cabdifataax Xasan Cirguje (Qarandoon)

Cirguje1986@gmail.com

SHEEKOOYIN