Sheekadii SODDOHO Q.13aad. W/Q. Ahmed Hayow

 

Codweyn markay guriga soo gashay ayay Raxmo tiri: “hooyo saaka waad ka tagtay kiishkaadi, Raaxana way kaa soo weyday beerta, waxaana is dhahay xageey hooyadaa aaday oo waa kaa walwalsanaa” Codweyn ayaa tiri: “Soddohdaa Barni ayaan soo maslaxeeynaayay si ay arooska uga soo qeyb gasho” Raxmo hadal kale kuma darsan, waayoo way fahamtay muraadka ay hooyadeed u aaday gurigaas.

Daahir markuu xaafadooda yimid, waxaa loo sheegay in ay Soddohdiis timid, hooyadiis markay wada hadleena wuu ka dareemay saameeynta ay ku yeelatay Soddohdiis, waayoo mowqif cad ayay ka qaadatay tigista guriga Codweyn.

Baariis markay fariinti gaarsiisay, asagoo aan dharka iska beddelin ayuu Qoryooleey u shiraacday.

Codweyn ayaa albaabka ka furtay, asagoo soo geli rabo ayayna gadaal ugu riixday guriga bannaankiisa, waxayna ku tiri: “ballanti aan laheyn ma waxay noqotay in aan aniga ku soo raadiyo?” Daahir ayaa yiri: “hooyo waan kuu soo socday….” Codweyn ayaa hadalki uga dhex gashay: “waan ogahay sababta aad iigu imaan wayday, waana sababta aan gurigiina u aaday, si aan hooyadaa u soo raaligeliyo oo ay arooska uga soo qeyb gasho, laakiin raaligelinteedi waxaan ka faa’iiday in ay gurigeeda iga soo saarto, oo ay igu tiraahdo albaabka bannaankiisa ka soo hadal, in aan ahay maskiin soo tuugsanaayo camal”.

Daahir ayaa yiri: “hooyo ka raali ahoow wax walba, hooyo Barnina anigaa ku soo qancinaayo in ay kaa raali geliso wixi ay ku yeeshay” Codweyn ayaa tiri: “wax aad suubin karin, hadda ha ballan qaadin, haddii aad ballan qaadana ogoow in lagaa rabo in aad sidooda u fuliso”.

Daahir ayaa yiri: “hooyo waa ballan” Codweyn ayaa waydiisay: “ma waxaa ballan ah in ay ii imaaneeyso Barni oo raali ahaaw igu dheheyso?” Daahir ayaa yiri: “haa, waayoo waa khalad in ay guriga kaa soo saarto adiga oo raali gelin ugu tegay, sidaa daraadeed waa in ay ayadana raali gelin kuugu timaado”.

Codweyn intay qososhay ayay tiri: “runeey yaa hadda ku sheega, waxaan ka cabsanaa in aad keeni weydo oo ballanki arooska uu halkaa ku dhammaado” Daahir ayaa yiri: “ha ka cabsan in aan hooyadeey soo qancin waayo”.

Ka dib waxaa laga wada hadlay qabanqaabada arooska, Daahir ayaa hooyo Codweyn u sheegay inuu alaabta aqal galkooda soo raraayo, ka dibna ay maalin qabsan doonaan, Codweyna waxay ku adkeysay in hooyadiis ay ka soo qeyb gasho xafladda.

Daahir oo faraxsan ayaa gurigoodi ku soo laabtay, wuxuuna hooyadiis u sheegay go’aanki ay Codweyn isla soo gaareen, hooyo Barni oo careysan ayaa tiri: “ma anigaad igu leedahay raaligaree islaantaas, iska daa in aan gurigeeda ugu tagee uma socdo meel ay joogto” Daahir oo arrintaa ka naxsan, ayay hooyo Barni uga sheekeeysay inti ay is yiraahdeen labada Soddoh iyo ballanti ay ku kala tageen oo aheyd in ay guriga Codweyn aanay tegin hooyo Barni.

Hooyo Barni ayaa tiri: “ma dheceeyso aniga oo laafyoonaayo in aan tago guriga Codweyn, ma dheceyso in aan raali gareeyo, laakiin gabadheeda haddii aad rabto waad u fasaxan tahay, waxaadna ogaataa in wax naga dhexeeyaa aanu jiri doonin”.

Daahir intuu fadhiga ka soo kacay ayuu qolkiisa aaday, dharkiisa asagoo qaba ayuuna isku tuuray sariirta, waxaa u soo galay gabdhihi walaalihiis ahaayeen, markay cabbaar la hadleen ee uu u jawaabi waayay, ayay Baariis ku tiri walaasheed Baarliin: “walaalkeen ha nasto ee aan u firaaqeeyno” markaa ayay albaabka qolkiisa u soo laabeen.

Xilligi uu Daahir soo toosi jiray sooma toosin, Baariis markay qolkiisa ugu timidna waxay aragtay asagoo sariirta saaran sidi uu xalay u saaraa, waxay garatay inuu seexan oo dharka iska beddelin, markay la hadashay ayuu ku yiri: “lafaha ayaa i jajaban oo ma toosi karo ee albaabka ii xir”.

Baariis ayaa ku tiri: “soow shaqo ma aadeeysid?” Daahir markuu yiri: “maya” ayay tiri: “yaa xafiiska furaaya?” Daahir ayaa ugu jawaabay: “adiga fur” markaana intuu sariirta ka soo toosay ayuu dharki iska bixiyay, ka dibna sariirtiisa ku laabatay.

Baariis ayaa weydiisay sida loo haayo, wuxuu ku yiri: “ma xanuunsani, laakiin weli go’aan ayaan gaari la’ahay, nafteeduna waxay ka walaacsan tahay in ay guran la’dahay miro ku yaal geed ay saaran tahay” Baariis ayaa tiri: “hooyo waxaan la hadlay xalay marki aan kaa tegnay, waxayna igu tiri: (Daahir hadduu rabo in aan goobjoog ka noqdo arooskiisa, waa in lagu dhigaa gurigeena, haddii kale meel aan aadaayo ma jiraan)”.

Daahir hadalkaa marki uu maqlay, barkinta ayuu madaxa iska saaray, laakiin Baariis oo aan weli ka quusan ayaa ku tiri: “labadeena aan hooyo u wada tagno, waxaana laga yaabaa in ay wax naga maqasho, haddii aan lawada hadalno” Daahir ayaa yiri: “sida aad u maleyneyso arrinta uma sahlana, waayoo hooyo Cambaro waxaan ka soo ballanqaaday in ay hooyo Barni ka raaligeleyso guriga ay ka eriday, iska daa middaase waxay hooyo diidan tahay ka qeyb galka arooska, xataa middaa haddii ay ogolaato oo ay diido raaligelinta hooyo Cambaro, aniga iyo Raxmo isma heleeyno”.

Baariis ayaa tiri: “hadda maxaa xal ah!?” Daahir ayaa yiri: “xalku wuxuu ku jiraa in aan arrintan go’aan ka gaaro, maanta ilaa berrina go’aan ayaan ka gaaraa” Baariis ayaa ku tiri: “waxaan u tegaa Aamina si ay hooyadeed ula soo hadasho”.

Daahir ma oga in miinada hadda qaraxsan ay Aamina masuul ka tahay, laakiin wuxuu ogyahay in ay Codweyn waxba ka maqleynin Aamina, sidaa daraadeed wuxuu hadalkiisi ku soo koobay: “Aamina ma awoodo in ay hooyadeed wax ogoleysiiso”.

Waxaa maalintaa xafiiska aaday Baariis, ayadoo walaalkeed u sheegtay wixi fahmi weyso in ay telefoonka ku soo weydiineeyso.

Aamina oo raadineysa Daahir, ayaa xafiiska ugu tagtay Baariis oo fadhida, markay isi salaameen oo Aamina loo sheegay inuu Daahir xanuunsan yahay, ka dib ayay ka wada hadleen arrinta arooska.

Baariis ayaa u sheegtay meesha ay wax maraayaan, markaa ayay Aamina tiri: “hooyadeey miyaa gurigiina timid oo hooyadaa ku tiri gurigeeyga ma imaan kartid?” Baariis ayaa tiri: “hooyadeen waxay noo sheegtay in ay hooyadaa ku tiri: yaan ku arkin adiga oo gurigeeyga u soo laafyoonaayo, hooyadaana waxay Daahir ku tiri: xafladda haddii ay hooyo Barni imaanweyso, gabadheeyda kuma siinaayo”

Aamina oo qiratay in ay arrintaa ayada masuul ka tahay ayaa tiri: “hooyo Cambaro waxay walaasheey ka ballan qaaday in ay ogolaaneeyso in eedo Barni arooska timaado, laakiin si ay u imaanin ayay ka shaqeeysay, taana anigaa masuul ka ah oo hooyadeey u sheegay in ay eedo Barni diidan tahay imaatinka gurigeena” Baariis ayaa tiri: “oo ma sidaa ayay arrintu u dhacday, oo hooyadaa way u ogolaatay codsigi Raxmo” Aamina ayaa tiri: “haa, middaa aniga markhaati ka ah, Raxmana ma oga in ay hooyo ballanti uga baxday oo hooyadaa u diiday in ay guriga timaado”.

Aamina marki ay ka tagtay ayay Baariis soo wacday telefoonka guriga, si ay walaalkeed ugu sheegto sheekada ka qarsoon, ayada oo ka baqeysa in uu go’aan gaaro inta aanu ogaan halka sartu ka quruntay.

 

La soco. ……….14aad.

 

 

SHEEKOOYIN