Sheekadii SODDOHO Q.5aad. W/Q. Ahmed Hayow

quotescover-JPG-32

Ablaabka oo furan ayay soo wada galeen, xilligaana hooyo Codweyn waxay ku jirtay qolka ay wada degan yihiin ayada iyo gabdhaheeda, Raxmo waxay ku maqneyd halki ay Daahir ku ballansanaayeen, Raaxo oo deyrka taagneyd ayaa reerka marki ay soo galeen, waxay hooyadeed uga yeertay qolka.

Codweyn markay soo baxday, waxay aragtay islaan sidata dirac will ah oo dharka uga hooseeya ay muuqdaan iyo gabdho ay Baarliin wadato surwaal iyo shaar, Baariisna ay wadato goono iyo funaanad.

Labada gabdhood waxay fiirinaayeen Raaxo oo taagneyd ilinka qolka ay deganaayeen, waayoo waxay rabeen inay arkaan gabadha uu walaalkood gabdhaha kale ka doorbiday.

Hooyo Barni ayaa salaanta billoowday, waxayna tiri: “sidee la yahay?”.

Codweyn ayaa tiri: “yaan idiin tilmaanaa oo aad dooneeyseen?”.

Hooyo Barni ayaa tiri: “Daahir waalidiintiis ayaan nahay, waxaana u soconay Raxmo waalidkeed”.

Daahir ayaa hooyadiis ku yiri: “hooyo islaantu waa Raxmo hooyadeed”.

Codweyn ayaa tiri: “wiiloow i dhegeyso, warki aad shalay ii sheegtay waxba kama jiraan, gabadheeydana kuma rabto ee reerka meeshi ay ka yimaadeen ku celi”.

Reerku waxay ku jeesteen Daahir oo ay ku eedeeyeen inuu u soo kexeeyay arrin qabya ah, Daahirna wuu og yahay inay Raxmo howshaan bannaanka ka tahay, wax gacan ahna ka geysan karin.

Codweyn oo garabka ka riixeeyso Daahir oo ag taagnaa ayaa tiri: “meesha ka socda, warkaan waa dhammaadaye, socda, socda, guriga ii firaaqeeya”.

Reerki oo yaaban ayay albaabka ka saartay, adeer Maxamud wuxuu iska dhex galay gaariga, hooyo Barni iyo labadeeda gabdhoodna waxay ku xanaaqsanaayeen Daahir.

Codweyn oo albaabka oo laaban madaxa ka soo taageeysa, ayay Raxmo soo laabatay ayadoo niyad jabsan, waxay aragtay gawaari taagan gurigooda, markuu arkay Daahir in ay Raxmo soo socoto, wuxuu hooyadiis ku yiri: “hooyo waa taas Raxmo oo guriga u soo socota”.

Codweyn oo ayadana aragtay gabadheeda ayaa intay soo baxday Raxmo oo aan hadlin gudaha gelisay, ka dib waxay u yeertay Daahir oo ka qalbi jabay inay furasad siin waydo Raxmo, intay gaar ula baxday ayay ku tiri: “gabadheeyda haddii aad rabto, waa in aan aniga kula rabaa, oo aad isku mashquulin wax kale”.

Daahir oo dabacsani ka muuqato ayaa yiri: “Raxmo waan jecelahay, sina ugama maarmi karo, waxa aad rabtana diyaar ayaan u ahay”.

Codweyn ayaa ku tiri: “reerka u yeer oo gudaha soo gala”

Gawaaridi waa laga soo wada degay, waxaana lagu fadhiistay salli ay Codweyn ugu gogoshay deyrka guriga, Raxmana waxaa loo diray inay martida shaah u kariso, waxaa hadalka billoowday Codweyn oo tiri: “gabadheeydu ma aha gabdhaha ciyaala suuqa ah, ninka aan siinaayana waa inuu bixiyaa dahab fara badan iyo wixi aan ka dalbado oo dheeri ah”.

Hooyo Barni ayaa tiri: “laba dakham iyo suun dahab ah, ayaan Dubai uga dalbeeynaa, wixi kalana waan isla joognaa”.

Codweyn ayaa tiri: “arooska waxaa lagu dhigaa gurigaan, marka aad u soo diyaargaroowdaan fariin noo soo dira”.

Sidaa ayaa laysku raacay iyo inay reerka Daahir ay ayagana gurigooda ku dhigtaan arooska, oo habeenkaa labada guriba laga wada caweeyo.

Raxmo oo keentay shaahi, ayay indhaha ka buuxsadeen Daahir walaalihiis, waxayna niyada ka qireen in ay Raxmo laheyn cillad dhaafsiisan arad, waayoo waxay wadatay dirac baati ah iyo garbasaartiisa.

Raxmo waa 17 jir qurux u dhalatay oo aan jirkeeda wax aan saliid aheyn la marin, hooyadeed waxay qaadataa guntiino, gabdhaheedana waxay u soo toshaa duruuc aan jirkooda ka muuqan.

Guushi ay la soo hoydeen reer Xaaji Cabdi, waxay gaarsiiyeen Aabahood, ka dibna waxaa go’aan lagu gaaray in aan la sugin dahab laga keenaayo Dubai ee laga soo iibiyo maymanka Xamar weyne.

Maalinti ku xigtay waxaa la soo iibiyay laba dakham oo dahab ah, suun iyo burjuleeto ay lugta ku xirato Raxmo, waxaa kale oo la soo iibiyay duruuc iyo guntiinooyin loogu tala galay gabadha iyo hooyadeed, waxaana reerka la soo ogeeysiiyay berrito in arooska la digo, berri dambana laga dhigo xafladda nikaaxa iyo gurigeynta.

Daahir ayaa u soo sheegay Aamina oo ku faraxday natiijada walaasheed ay gaartay, waxayna isu diyaarisay inay maalinta arooska aado Qoryooleey, si ay walaasheed u geyso meelaha laysku qurxiyo, laakiin Baariis iyo Baarliin ayaa Raxmo ku soo qaatay gaari, si ay u soo qurxiyaan iyo in ay u soo xiraan taajka arooska.

Waxaa xoolo lagu qalay labada guri, mid walbana waxaa la geeyay xalwo, buskud iyo cabitaano, maalinti oo dhan wixi lays daba ordo, waxaa la gaaray xilligi uu sheekha nikaaxin lahaa, waxaa la damcay in loo yeero hooyo Codweyn oo qolkooda kula jirtay gabdhaheeda, markaana la rabay in Raxmo loo xiro dakham ka mid ahaa dahabki loo keenay, marki la furay ayay Aamina tiri: “dahabkaan xagee laga soo iibiyay?”.

Hooyo Codweyn ayaa ku tiri: “Dubaay ayaa laga soo dhiibay”.

Aamina oo akhrineysa warqada lagu soo iibiyay ayaa tiri: “waxaa laga soo iibiyay dukaanka Munye oo ku yaal meymanka Xamar weyne”.

Codweyn intay xanaaqday oo dakhamki la furay soo xiratay, midki kale iyo suunkina gacanta ku soo qaadatay, ayay timid qolki loo firaashay nikaaxa, Sheekh Cusmaan uu ag fadhiyo Daahir, markaana sugaaya fasax ay gacanta isku geliyaan, ayay Codweyn tiri: “Sheekhoow jooji, wax nikaax la yiraahdo oo meesha ka dhacaaya ma jiraan ee ku kala taga”.

Hal mar ayaa la wada yiri: (maxaa dhacay!) Codweyn intay hal far kor ugu taagtay suunki dahabka ahaa ayay tiri: “dukaanka Munye dahab laga soo gaday, ayaad nooga dhigteen in Dubaay laga keenay”.

Ayadoo qeylineysa ayay mar kale tiri: “marki hore ayaad been been nagu soo gasheen, laakiin hadda beentiina waa laga dabategay ee meesha ka socda”.

Dadki shib ayaa ka soo hartay, Sheekh Cusmaan oo isku dayay in uu islaanta maslaxeeyo ayay Codweyn ku tiri: “gurigaan hal dhis maad ku darsatay?” “maya” markuu yiri, ayay ku tiri: “deg deg albaabka uga bax”.

Dahabki ay wadayna waxay ku hoos daadisay Daahir hooyadiis oo aamusan.

Codweyn waxay maqashay dad ka hadlaayo dahabka u xiran, markaa ayadoo qeylineysa ayay tiri: “kan ii xiran, waxaan u qaatay beeci la iiga baxay, ciddi dacwad ka qabtana waa noo saldhiga, intaad wakhtiga been been nooga dhumiseen, miyaad daalac noo sii raacaneysaan?”.

Dadki way bexeen, inti aan ka aheyn Daahir oo isku dayay in uu Codweyn dejiyo, una ballan qaado wax walba inuu ka dhigaayo sidi ay ahaayeen, waxaa howshaas ka kaalmeeysay Aamina, ugu dambeyn wuxuu ku maslaxeeyay in dahabka Raxmo looga keenaayo Dubai.

Markay bexeen waxaa madaxa isla galay Daahir iyo hooyadiis oo ku tiri: “islaanta inti ay hadleysay afka ayaad i qabatay, haddana waxay qaadatay dahabki ay diideeysay, khasaaro intaa ha noogu fillaato ee islaantaas gabadheeda naga daa”.

Daahir wuxuu hooyadiis u sheegay in uu guursaneyn gabar aan Raxmo aheyn, ayadoo warkaa ka diidan, ayay Aabaha reerka weceen, marki ay hooyo u sheegtay sida wax u dheceen iyo mowqifka Daahir taagan yahay, ayuu si degan u yiri: “walaasheey Barni waxaan ku weydiiyay, imasa sano ayaan sugeynay in uu Daahir guursado?” waxay tiri: “wax badan”.

Aabe Xaaji Cabdi ayaa yiri: “wiil soo labeeya Daahir in uu noo dhasho, maxaad jecleyd in aad ku bixiso?” waxay tiri: “wax walba”.

Aabe Xaaji Cabdi ayaa yiri: “waxaad dhihi jirtay gabadha uu wiilkeeygu guursanaayo, wax walba ayaan ku bixinaa, sidaa daraadeed, filada aad ku jirto haddii ay islaantu ku waydiisato bixi, walaaleey waa ku baryaa ku dadaal Daahir siduu ku heli lahaa gabadha uu arkooday” waxay ku tiri: “waa yahay Xaaji”.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “Daahir dulqaad ayuu u leeyahay islaantaas qeyladeeda, qeyladaasna waxay ku eg tahay inta ay gabadheeda wax ka dhaleyso, in uu kheyr noogu jirana u badi, midda kale nin berri soo duulaayo ayaan dahabka u soo dhiibaa” hooyo Barni markay telefoonka demisay ayay Daahir ku tiri: “igu celi gurigi soddohdaa”.

Aamina oo hooyadeed ku maslaxaynaysa inay fursada ka lumin walaasheed iyo Raxmo oo la ooyneeysa burburki ku dhacay arooskeeda, ayuu gaarigi soo istaagay albaabkooda, waxaa ka furtay Aamina oo leh: “waxaan u maleynaa inuu Daahir soo laabtay”.

Markay soo galeen ayay hooyo Barni tiri: “Xaajiyo ka raali ahoow wax walba oo dhacay”.

Codweyn ayaa tiri: “Xajka ma adigaa i geeyay!, midda kale wax dambe oo na dhex maraaya ama na dhex mari kara ma jiraan, aniga ima khayaani kartiine, cid aad khayaantaan raadsada”.

Hooyo Barni ayaa tiri: “khaladka dhacay ma aheyn mid aan ku talagal u sameeynay, dib dambana uma dhacaayo, berrina waxaa garoonka diyaaradaha ka soo degaaya dahabki gabadhaada, midki horana adiga ayaa iska leh ee xaal iyo xumeyn u qaado”.

Codweyn intay qososhay ayay tiri: “xaal ma waxaad ii siiseen dahabka Munye! waad ii gefteen, laakiin idinku daysan maayo”.

Daahir wuxuu gaariga ka doonay dakhamki iyo suunki, hooyo Barni ayaa tiri: “aad ayaan kaaga mahad celinaa sida aad nooga ogolaatay, berri hadduu na soo gaaro dahabka uu Xaajigu soo dhiibay ayaan idiin imaaneeynaa”.

Codweyn ayaa tiri: “markaad noo timaadaan maxaad rabtaan in la sameeyo?”.

Hooyo Barni ayaa tiri: “Sheekhi ayaa loo yeeraa si nikaaxu u dhoco”.

Codweyn ayaa tiri: “warkaas war socanaaya maaha, howsha waa in koow laga soo billaabo oo mar kale arooska la dhigo”.

Waxaa lagu heshiiyay seddex maalmood ka dib in aroosku noqdo, si xoolo kale loo soo gado, dadkana loo casuumo.

Markay reerki bexeen ayay Aamina ku dhegtay dakhamki la soo celiyay iyo suunki, muran badan ka dib waxay Codweyn u ogolaatay dakhamki iyo burjuleetadi.

 

La soco…..6aad.

 

 

SHEEKOOYIN