Sheekadii SODDOHO Q. 9aad. W/Q. Ahmed Hayow

 

Maalinti xigtay Daahir markuu shaqada ka soo baxay, wuxuu aaday guriga Raxmo, gaariga soo istaagay marki la maqlayna, Raxmo iyo hooyadeed way garteen in uu Daahir yahay.

Codweyn waxay soo qaadatay kasha badarka lagu tumo, Daahir oo aan weli ka soo degin gaarigi, ayay muraayada dambe ka jebisay, ka dibna waxay kashi ku dhufatay muraayada albaabka oo dillaacday.

Daahir intuu soo degay ayuu ka war helay hooyo Codweyn oo kasha ka celisay in ay asaga ku dhufato, waxay ku tiri: “dhiigaagu waa iga dhiig muslin ee ina kala badbaadi, oo mar dambe yaan agagaarkeena kugu arkin” Daahir ayaa yiri: “haddii aad igu dhufato, waxaan kuu arkaa in aad tahay hooyadeey oo i canaananeysa, cid wax kuu haysatana ma jirto”.

Daahir wuxuu arkay Raxmo oo albaabka soo istaagtay, ayadana markay aragtay inuu soo fiirinaayo ayay gacanta kor ugu taagtay, intaa waxaa Daahir dhaafay hadallo ay Codweyn ku laheyd, wuxuuna ku soo baraarugay ayadoo leh: “may maqleeysaa?” Daahir ayaa yiri: “maxaad tiri?” Codweyn ayaa tiri: “digniinti u dambeeysay waa qabtaa ee meesha isaga dhaqaaq” intay gurigeedi gashay ayay albaabka xiratay.

Daahir wuxuu gaarigi geeyay garaash Dabka ku yaal, si loogu geliyo muraayado kale.

Hooyo Barni oo ka walaacsan soo daahista wiilkeeda, kana baqeysa in uu aaday Qoryooleey, ayuu Daahir soo istaagay ganjeelaha guriga, markuu gaarigi la soo galay, ayay hooyo Barni waydiisay halka uu ku soo daahay, markuu u jawaabi waayay, ayay gaariga ku aragtay dhoobo inuu leeyahay, intay ku wareegtay oo albaabada furtay, ayay ku aragtay jab yar oo ka haray burburki muraayadaha, waxay garatay in ay Codweyn soo jebisay.

Hooyo Barni ayaa wiilkeeda ku tiri: “Daahir waan maleeynaayay in aad islaantaa u tegeyso, waana kaaga digay in ay dhiigaaga daadiso ama xabsi ku dhigto, hadda adiga wax kuma gaarin ee ka joog islaantaas waalan” Daahir ayaa yiri: “hooyo Cambaro waxaan ka rabaa Raxmo, ilaa ay iga siiso ama nin kale ay siisana waan waydiisanayaa”.

Hooyo Barni ayaa tiri: “wiilkeeygiiyoow soow aniga agtaada qiimo kama lihi, oo ma i weydiineeysid in aan gabadhaa kuu ogolahay iyo in kale?” Daahir ayaa yiri: “Raxmo waxaa joogta hooyadeed, Aabaheedna Alle ha u naxariisto, hooyo Cambaro way ii diidan tahay gabadheeda, sida aad adigu iigu diidan tahay oo kale, Aabaheed haddii uu noolaanlahaa, waxaa laga yaabaa in uu ii ogolaan lahaa gabadhiisa, sida Aabaheey iigu ogol yahay in aan Raxmo guursado” wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “labadiina hooyo ayaa iska soo horjeedo oo is fiirsanaaya, laakiin Raxmo way ogoshay in ay gabadhaadi noqoto, anigana waan ogolahay in aan hooyo Cambaro wiilkeeda noqdo, arrintaa sida ay suurtagal ku noqon laheyd ayaan howsheeda ku jirnaa, adigana isku haleyn iyo in aad hooyadeey tahay ayaan rabitaankaaga u tix gelin waayay”.

Intaa markuu Daahir maraayo ayay hooyo Barni tiri: “bes, intaa iigu ekee hadalka” ayadoo xanaaqsan ayayna ka tagtay.

Wuxuu mar kale soo aaday guriga Raxmo, oo ay hooyo Codweyn diyaar ugu aheyd in uu imaanaayo, markuu gaariga ka soo degay, ayay kasheedi madaxa kaga dhufatay, dhiig markuu ka soo daatay ayay gurigeeda ku carartay, Daahir intuu shaarkiisa wejiga ku xirtay ayuu Cisbitaalka aaday, halkaas oo lagu daweeyay, faashadna madaxa loogu xiray.

Kashi oo dhiig leh markay Codweyn la soo gashay, ayay Raxmo intay ooysay hooyadeed ku tiri: “Alla hooyo kasha waxa ku yaal dhiigi Daahir miyaa? Alla hooyo maxaad dhiigisa u gashay?” Codweyn oo gabadheeda la yaabtay ayaa tiri: “war cusub, maxaad tiri!” ka dibna Raxmo ayay dhaadhaajisay: “kute, dhiigi Daahir miyaa, Alla maxaa dhiigiisa u gashay” waxay sii raacisay: “dhiigiisa maxaa kaa galay? mise ninka waad rabtaa? ii sheeg in aad rabto, aan Daahir ku siiyee, hadda ii waran”.

Raxmo ayaa tiri: “Daahir waan rabaa” Codweyn intay qososhay ayay tiri: “waa yahaye aniga maxaad beenta iigu sheegeeysay, oo aad ii tiri hooyo ninka aad ila rabto ayaan anigana rabaa?” Raxmo oo aamusan ayay kor ugu qeeylisay: “ii sheeg ha ii aamusnaanine”.

Raxmo ayaa tiri: “hooyo beenteey ma aheyn” intaa markay tiri ayay hooyadeed hadlka ku celisay: “aamus, afka laba farood saar, waayoo waan ku dareensanaa in aad ninka rabto, dhowr goor ayaana afkaaga ka raadiyay in aad rabto, ka dib markii aan arkay sida aad indhaha u la raaceyso markuu yimaado, waa ii caddeyd in aad maalin hadlayso oo aad runta sheegeeyso”.

Codweyn intay xoogaa aamustay ayay tiri: “waa ku siinaa Daahir, laakiin rabitaankaaga ayaan kugu siinaa” Raxmo ayaa tiri: “hooyo adigana?” Codweyn ayaa tiri: “aniga wax aad iiga baahan tahay ma jiraan, oo aan ka aheyn in aan Daahir u sheego, mana raadinaayi oo asagaa ii imaanaayo, sababta oo ah biyaha ayaan u fadhiyaa, baadi lo’aadna biyaa loo fadhiistaa” Raxmo oo diidan in ay Daahir ku guursato ogolaanshaheeda oo kali ah, ayay hooyo Codweyn amar ku siisay in ay ka daba hadli karin.

Daahir oo madaxa ka duuban marki uu gurigiisi tegay, ayay reerkiisu weydiiyeen cidda sidaan u soo dakhartay, asagana wuu diiday in uu sheego, laakiin dhowr daqiiqo ka dib waxaa guriga ka baxay hooyo Barni iyo Baarliin oo qaatay gaarigi buu ukunka ahaa.

Daahir oo qolkiisa ku jira oo madaxa haysta, asagoo ka fekeraaya Raxmo iyo hooyadeed, ayay Baariis u soo gashay waxayna ku tiri: “waxaan u maleynaa in hooyo iyo Baarliin ay Qoryooleey aadeen” markaa ayuu fadhiga ka soo booday, waxayna soo qaateen gaarigi land cruiserka ahaa.

Hooyo Barni waxay sii martay saldhiga Qoryooleey oo ay ciidan ka sii wadatay, si ay u soo qabtaan Codweyn oo ay ku dacweysay, in ay wiilkeeda dakhartay iyo in ay gaariga ka jejebisay.

Marka ay yimaadeen labada gaari, oo mid yahay kii hooyo Barni wadatay, midka kalana uu yahay kan booliiska, ayay deriska Codweyn oo ogaa arrimaha murugsan ee ka dhexeeya labada qeys, guriga hortiisa soo buux dhaafiyeen.

Codweyn iyo gabdhaheeda ayaa bannaanka u soo baxay, Sarkaalki ciidanka watay ayaa Codweyn ku yiri: “saldhiga noo raac” Codweyn ayaa tiri: “maxaan halleeyay oo aan idinku raacaa?” Sarkaalki ayaa yiri: “islaantaan oo aad wiilkeeda dakhartay, gaarigana ka jejebisay ayaa dacwo kuu qabta”.

Codweyn oo ay gabdhaheedu ooyaayaan, ayadana markaa la saari rabo gaarigi booliska, ayay yimaadeen Daahir iyo Baariis, intuu gaariga orod uga soo degay ayuu ciidanki ku yiri: “maxaad ku haysataan hooyo Cambaro?” Sarkaalki ayaa ku yiri: “maxaad aheyd adiga?” Daahir ayaa isu sheegay.

Sarkaalki ayaa ku yiri: “islaantaan soow kuma dakhrin oo gaariga kaama jebin?” Daahir ayaa yiri: “maya”.

Hooyadiis oo gaarigeeda ka soo degatay ayaa tiri: “waa beentiis ee islaanta ii geeya saldhiga” Daahir ayaa hooyadiis ku yiri: “hooyo ma anigaa kugu dhahay hooyo Cambaro ayaa i soo dakhartay? ma gaariga ayay iga soo jebisay ayaan kugu dhahay?”.

Dadki deriska la ahaa Codweyn way la yaabeen hadalka Daahir, wayna ogaayeen in uu been sheegaayo, laakiin af ay ku hadlaan uma furna.

Hooyo Barni ayaa tiri: “Cambaro maaha hooyadaa ee hooyo ha dhihin, midda kale gaaragaaga dhoobada ku taal ayaa ii cadeysay in ay Codweyn ku soo dakhartay” Codweyn oo ay soo daayeen ciidanki ayaa tiri: “Daahir waxaad isu diyaarisaa in aan Raxmo ku siiyo” ka dib intay farta ku fiiqday hooyo Barni ayay tiri: “laakiin waxaa shardi ah in ay gurigeeyga soo gelin islaantaa diraca khafiifka ah xiran”.

Farxad kala dhiman ayay Daahir ku noqotay, hooyadiisna ayadoo careysan ayay meesha ka tagtay.

 

La soco. …..10aad.

 

 

SHEEKOOYIN