Qolo maad tahay?! Q1AAD

Qolo maad tahay?! Q1AAD

11041783_1557311204518348_3443372813761974198_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xaliimo waa gabadh reer Hargeysa ah, waxay dhameysay dhawaan Jaamacadda iyo hawshii waxbarasho ee ay muddoda soo waday, hadda waa guri joog, oo ma jirto, shaqo dhaafsiisan, hawsha qoyskeeda oo ay qabato .

Xaliimo waa gabadh dhallinyaro ah oo firfircoon, waxaaney fileysaa albaabada nasiibka iyo rajada ee adduunku iney soo dhaweeyaan, waxay ku naalooneysaa, inay hesho, nolol dhammeystiran, shaqo, lammaane, iyo farxadba.

Sidaasoo kale waxay reerkooduna jecel yihiin iney guursato, sidii dhaqanku ahaa, haddana iyagoo weliba ka werwer qaba inay meel aysan jeclayn ku dhacdo, waxay isku af garteen labadeeda waalid inay guursato ina abtigeed oo dibadda ku maqan muddan qurbaha joog ahaa.

Waalidkeed waxay wada hadleen wiilka uu aabbaheed abtiga u yahay, isaguna maadaama uusan markaas xaas lahayn, soo jeedintaas waa ka oggolaadey, waayo waa gabadh uu ka weyn yahay ugu yaraan 15 sannnadood,

Lama weydiin wax talo ahna, lagama siin, Xaliimo arrinkaasi, balse, waa talo qoys, waxaa isku raacey labada waalid ineysan taladooda diiday kana madax taageyn.Waalidku uma arkaan qalad iyo arrin qalooca ah, inay u xulaan, gabadhooda wiil gayaan ah oo ay yaqaanaan, maxaa yeelay waa qaabka ay iyaguba ku wada joogaan.

Xaliimo arrintii waa loo sheegay, kumase farxin, maxaa yeelay, lama weydiin dareenkeeda iyo cida ay jeceshahay inay nolol la wadaagto, meesha ay jeceshay inay ku guursato midna.Xaliimo waa ka xumaatey, dookheeda iyo rabitaankeda la af duubey, waxayna u aragtey in loo awood sheeganayo qalbigeed,a waa gabadh baari ah, oo waalidkeed jecel, ogna duruufta ay ku koriyeen, ma dooneyso inay ka cadheysiiso, iyaguna ma dareensana holaca iyo ololka ka baxaa qalbigeeda,.Xaliimo waxay jeceshahay inay waddanka ku guursato, waddankana aqoonteeda uga shaqeysato, dadkeedana wax ugu qabato, sidoo kale ay hesho lammaane, la jooga goor iyo gelin walba.

Maadaama ay xog ogaal u tahay, gabdho saaxiibadaheeda oo badan, oo rag qurbajoog ahi guursadeen, muddo markii la wada joogeyna is af garan waa dhex marey, ka dib markii nolosha kala dheeri keentay is af garan waa iyo kalsooni darro badan.

Xaliimo waxay sheeko wadaag yihiin oo xidhiidh kala dhaxeeya,   wiil oo ay deriskooda ah, in badana ay taqaan dabeecadiisa iyo dad la dhaqankiisa, sheekadoodu waxay u mareysaa meel wanaagsan.Wiilkani waa wiil isaguna waxbarashada sanad iyada ka hor dhammeeyey wuuna shaqeeyaa, Xamse waa nin dhallinyaro ah, oo xaafada oo dhan laga yaqaan,   waa nin bulsho ah, isku filan, xaafada oo dhana laga majeerto, edebtiisa iyo kartidiisa, wuxuu qaata guno iyo mushahar ku filan, wuuna awooda inuu kaafiyo, noloshiisa inuu dabero haddey Xaliimo la midowdo.

Xaliimo waxay dhakafaar iyo dhiiko ka qaaday, sheekada Xaydar oo ah inaabtigeed, mar walbana laga sheekeeyo xaafadooda, iyadoo la hadal hayo   ayay seexataa iyadoo la hadal hayona waa soo toostaa, wiilasha walaalaheedna waa kula kaftamayaan, Odaygaagii baa yimid, iyo wuu soo degayaa.Balse, waxba kama qaban karto, awood ay wax ku diidona malaha, iyadoo xeerineysa, dhaqankeeda iyo diinteeda, uurkeeda walaaca iyo walaahowga buuxiyey cidina ma oga.

Haddii Xaliimo dareenkeeda ka hadasho, xaalkeedu wuxuu u dhaxeeyaa laba midkood oo kala ah:

A) inay guursato kay rabaan waalidkeed

B) inay habaar kuridaan waalidkeed

Labaddan midna ma dooran kartooo midna uma roono xaal ayaa ku baahay, talona waa ku ciirtey, dhinac u qaadana way garan la‘adahay nafteeda ayaa ku hugmeysa kuna hawaawiyeysa weydiimo badan oo aysan warcelin u hayn, waa tano waa yaabe! haddaba maxay samayn?tTolow mays iska raaci ina abtigeey mise inanka ay calmatay ayaan nolosha la qaybsadaa, go’aan may qaaddan, maankeeduna gadgadoon iyo gebidhacbuu ku jiraa, hurdo way kala guureen, habeenkii oodhan galgalad bay ku jirtaa, guuxa iyo dareenka ka gaw leh maankeeda, gayeysiiyey.

Aroornimadii markay soo kacday, waxay talo ku gaadhay inay aabbaheed la hadasho oo ay ku ogeyd naxariis iyo laxaw badan inuu u qabo.Dabadeed waxay ku billowday, hadalkii inantii aabo waan ogahay, inaad ila jeceshahay wax wanaagsan laakiin aniga miyaan arrinkayga waxba layga weydiineyn.Aabbaheed wuxuu u qaatey inay codsiyo iyo dalabaad ku aadan, arooskeeda, gurigeeda iyo dhoofkeeda ka hadli doonto, “Laba kala baridey kala war la’ “Wuxuuna ugu jawaabay, Aabbe wax kasta oo aad sheegan lahayd, anigaa kuu sheegay wax kaa dhimana ma jiraan, sida gabadh la jecel yahay loo guuriyo loona guri geeyo ayaan kuugu taliyey.

Xaliimo waxay tidhi aabbo xaalku saad moodayso maaha ee waxaa jira wiil aanu is jecelahay, isku kalsoonahay arrina meel dhiganay.Aabbaheed arrinkani ma cajabin, durtaba wejiguu duudubey, wuxuuna ku yidhi, “ Inanyahay I dhegayso, anigu jacayl jacayl iyo ruwaayad ma aqaano, ee inankaa walaashay dhashay, ee inaabtigaa ayaan kula doorey, aadna u doonan tahay, lagamana yaabo inaan nin kale ku siiyo i

Xaliimo oo hadalkani ku yhaay, “ Nabar aad fileysay naxdin ma leh” ayaa tidhi: “ Aabbe waxaad I leedahay hadda duco iyo habaar mid qaaddo”Waxaan qaaddanayaa, ducada oo weligay maya kuma odhan waxaad I fartey, mana kugu caasiyin, Ogow anigu waxaad jeceshay waan kuu yeeli, lagama yaabo inaan taladaada dhinac maro, balse farxadeydii maad helin.,,,,,,,,,,,,,,,,

 

La soco qaybaha kale

 

W/Q: Umalkhayr jaamac

axlaam.47@hotmail.com

 

 

SHEEKOOYIN