SHEEKO GAABAN! W/Q: Cabdulle Cabdi Karim (Abka Xaaji)

Dadka qaar ayaa aamminsan, in jaceylku indhool yahay aan dhago laheyn, sidaa darteed, maaddaama uunan waxna maqleyn arag la’aanna ay u dheer tahay waxaan ku suntay inuu ka mid yahay, cudurrada dilaaga ah, maya sidaa ma aha sug ha iska yaabin degdeg soomaali baan u ahay.  Su’aasha is weyddiinta mudan ayaa ah horta jaceylku ma lab baa mise waa dheddig? Bal aan isla meel dhigno ee anigu, markii aan ka eegay dhanka waxyeellada uu geysto, dhaawaca iyo dhimashada iyo dhanka kale ee jiljileeca uu  bado rag iyo dumar midna laguma tilmaami karo ma labbaa mase waa dheddig, waayo waa uun magac la mid ah magacaaga.Aan isla hubinno meeshaas ee waa maxay Jaceyl? Sidee ayuu ku dhashaa? Ma la iibsan karaa?. Inta aanan u guda galin marka hore aan kala saaro jaceylka maaddaama uu nuucyo badan leeyahay, sida:

  • Waalidka.
  • Carruurta.
  • Lammaanaha.

Iyo qaar kale oo badan, balse, kuwaasi ha noo danbeeyeen ee saddexdaan aan diiradda saarno. Jaceylka waalidku uu u qabo  carruurtiisa waa mid dabiici ah oo biyo kama dhibcaan. Kan carruurtu ay u qabaan waalidkooda waxaan ku soo koobayaa shanta farood, maxaa yeelay, islama eka, maah maah baa  tiraahda: “NIMAAD DHASHAY KUMA DHALIN” taas oo aan ka qaadaneyno inay wax uun ka jiraan halkaas, sabab maldahanna ay ku aasan tahay mahmaahdaas. Dhallaan aan jecleyn waalidkiis ma jiro, haddana kuwa loogu yeero caasi waaliddiin, waxbaa u qarsan, sidaa darteed, ma wada dhihi karno halkaas jaceyl dhammeystiran ayaa ka jira, balse, waalidku jaceylka uu u qabo dhallaankiisa waa mid dhammeystiran. Qof walba oo naga mid ah waxa uu aaminsan yahay, inuu waalidkiis jecel yahay inta ay jecel yihiin in ka badan,  taasi waa been cad oo maro loo huwiyey. Taas xaqiiqdeeda waxaad ogaaneysaa markaad adigu wax dhasho intii ka horreysase waxaad megan u tahay mugdi cad.

Lammaanaha:

Jaceylka lammaanaha  inta badan qof ba dhan ayuu ka arkaa, balse, markii aad toos u dhugatid kala aragti duwanaanshuhu waa xaqiiq jirta, lammaanaha is calmaday waxay soo maraan marxalado kala duwan oo billaaw leh, balse, aan dhammaad laheyn, waayo, dhammaadkoodu waa furriin reerku ku kala tago. Dadka qaar waxa ay qabaan jaceylka lammaanaha ee dhidibbada aasto kan ugu wanaagsan inuu yahay, kan ka billowda: WAA KU RABAAYE MA I RABTAA RIIXA MA ISKAGA ROOGSANNAA, jaceylkaas miraha ka dhasho waa loo aayaa. Kan waa la mid la dhihi karaana waa kan uu waalidku isku dooro ayada oo la ogaal galinayo oo aan wax jujuub ah lagu beerin. Doorashada waalidka laftirkeeda ayaa noocyo badan leh, aan tusaale u soo qaadanno sheekadaan:

Wiil ayaa aabbihii u yimid si uu ugu sheego inuu rabo gabar in loo doono taas oo ay soo wada heshiiyeen. Odaygii ayaa yiri: waa war farxad leh ee gabarta ii keen inta aanan reerkooda ka doonin. Wiilkii ayaa ku dooday; aabbe waa gabarta ugu asluub iyo qurux badan adduunka waana xulkii hablaha. Odaygii ayaa ku yiri: maandhoow  qurux looma guursado iyo habley qaayo dheer tahay ee intaan qorraxdu kaa dhicin qaado taladeyda. Wiilkii amar baa la dul dhigay waana uy dhaqaaqay, waxa uu soo laabtay asaga iyo gabartii oo wada socda. Soo dhaweyn iyo is barasho ka dib waxa uu ku yiri: maandhoow dhagaxaas ii soo qabo. Dhagaxu waa dhagax sallax ah haddana culus oo aan hab loo qabsado laheyn. Wiilkii nafta ayuu u yaabay.  Sidii uu ula rafanaayay ilaa ugu danbeyn uu is dhiibay. Odaygii ayaa ku yiri: maandhahey mid kale ka raadso. Maalmo kaddib ayuu mid kale keenay wiilkii, sidii oo kale dhagaxii ayaa loo diray, inuu kor u soo dhaqaajiyana waa ka quustay. Sidii oo kale ayuu odaygii ku yiri, wiilkiisa: maya! Tanna taadii ma ahan ee tu kale raadso.

Wiilkii oo quus ah illeyn dhagaxii ayaa meel ku sugaaya ee oo ku fakaraya markaan haddii  aabbahaa uu maya ku yiraahdo; dib dambe ha u raadin ilaa aad ka xoogeysato oo aad kaligaa hinji karto dhagaxa culeyska badan ee jarribka uu kaaga dhigayo aabbahaa. Markaan wiilku wuxuu qaatay go’aankii ugu dambeeyay isla markaana wuxuu helay gabar kale oo uu haasaawaha la wadaagi karo. Gabadhii wiilku bartay waxay ku heshiiyeen guur sidii horeba u dhici jiray, isla jeerkaasna, wuxuu u keenay aabbihii wuxuuna ku yiri: ”Aabbe waa markii iigu dambeysay ee aan guur u hawoodo ee tanna maxaad ka leedahay? Markii ay hor fadhiisteen oo uu la shaaheeyay lana sheekeeystay oo la is bartay ayuu aabbihii farta ugu inshaaray dhagaxii inuu u soo qabto. Wiilku jarribkaan hore ayuu u mari jiray ee isla markiiba dhagaxii ayuu ku booday markii uu la raftay ee uu dhaqaaji waayey, gabartii ayaa inta istaagtay u kaalmeysay, isla markaana si fudud ayey dhagaxii kor ugu soo qaadeen. Goortii ay dhagaxii isla qabteen oo ay odaygii agta ka soo dhigeen ayuu odaygii ku farxay, isla mar ahaantaana wuxuu wiilkiisii ku yiri: Gabadhii aan kula doonayey hadda ayaad heshay ee ha iska deyn noloshaada inta ka dhiman. Anna waxaa igu ballan ah inaan isla berriba kuu doono, si habsami lehna kuugu guuriyo. Wiilkii ayaa aabbihiis waydiiyey waa maxaay sababta aad gabdhahii hore iigu diidday oo aad middaan iigu oggolaatay? Odaygii ayaa ku yiri: Dumarku waa seddax, waxaana la kala yiraahdaa:

  • Jabane kabto.
  • Kabane jebiso.
  • Jabane jebiso.

Wiilkii ayaa yiri: oo maxay kala yihiin? Odaygii ayaa ku aftudeystay: Jabane kabto waa midda sida gabadhaan ah, maxaa wacay, adiga oo aan dhagaxii qaadi karin ayey kula qaadday, waana ay kuu kaalmeysay. Waa gabar aan hagarreey aheyn oo aan isla weyneyn. Noloshaada inta ka dhimanna sidaas ayey kuu garab istaagi doontaa. Waa tii ay abwaannada soomaaliyeed yiraahdeen:

  • Inkastoo nin geeri ah
  • Rag ka geedo dheer yahay
  • Haddaan garabka laga heyn
  • Guul keeni maayo.

Ama waa kii uu Hadraawi yiri:

  • Kuma galo adduunyada
  • Ninna goonni-socodkoo
  • Marwo garasho dheer baa
  • Ninka raga u gudinoo
  • Iyadaa guddoonkiyo
  • Gar-hayaa naftaadiyo
  • Gaadiidka reerkiyo
  • Gurgurshaaga noqotoo
  • Arrin kula gorfaysee
  • Haddaan gaari kula jirin
  • Illayn noloshu guul ma leh”.

Tani waa taas ee ha iska sii deyn.

Kabane jebiso:

Waa gabdhaha sidii kuwii aan hore kaaga celiyay ah, maxaa yeelay, iyaga oo kula qaban kara dhagaxa ayey gacmaha isa saarteen, isla jeerkaasna waxay ku sugayeen ilaa iyo inta aad kaligaa dhagaxa ka qaadeyso ama dhabarku kaa go’ayo. Haddii aad howshaas qaban weydo hore ayey kaaga dhaqaaqi lahaayeen ee marnaba kaalmo kama hesheen. Kuwaasna waxaa la yiraahdaa: Kabane jebiso.

Jabane jebiso:

Tanna waxay la mid tahay; kuwa kale, balse, qof markii horeba liitay oo aan hanti qabin awoodna laheyn ayey uga sii dartaa. Halkii ay u kaalmeyn laheyd way uga sii dartaa. Haddaba doorashada waalidka waxaan ka baran karnaa cashir. waalid walba sida uu carruurtiisa ula jecel yahay hooy wanaagsan ayaa halkaas laga qaadanayaa.

Kan ugu liita jaceylka lammaanaha is calmaday waa kan wiilka lagu qasbo wax uusan awoodin ee deeq, deyn iyo dawarsi ku askunmo. Kaasina muran iyo is jiid-jiid kama dhammaado. Isku soo wada duuboo Jaceylku wa dareen. Dareenkaas oo leh; faracyo badan sida aan kor ku xusay, kana dhasha aragga iyo maqalka, waxaad war iskaga deysaa: ”ninba dahab lumay si u doon doon”.

W/Q: Cabdulle  Cabdi Karim (Abka Xaaji)

  • Naga la soo xariir:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN