SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q5AAD W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

sheeko

JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q5AAD

Aad waxaan ugu faraxsanaa in jacaylka aan la wadaagayo gabadhan uu ahaa mid qurux badan oo mar walba I dhaafsiin jiray wax badan oo niyaddayda gocan lahayd, waa marka laga hadlayo qaybaha mugdiga ee noloshayda, marka aan sidaa leeyahayna qayb mugdi ah ee qaas igu ahayd oo dhaawac igu hayso ma jirin, ee waxaa jiray wax badan oo nolosha aan ka tabanayay, balse, aan u daayay in waqtigu xaliyo.

Guriga markii aan tagnay waxaan usii gudbay qol uu daganaa wiil igu aaba ahaa oo aan aad isku jeclayn igana waynaa, gabdhaha kale ee aaba dhalay iyo cidda markii aan soo wada salaamay, ayaa waxaan si qaas isku salaanay aabahay oo aan saaxiibo qaas ah ahayn sheekadana ay iskugu keen bixi jirtay, il jibis gaaban oo ku socda gabdhda xageedana waan is dhaafsanay iyo dhoola cadayn, waxaa gabadhii isla markiiba igala wareegay gabdhaha kale ee ila dhashay oo markaa isugu jiray gabdho la qabo oo maalintaa u yimid kulanka qoyska iyo gabdho aan wali la guursan oo aan walaalo nahay, neef ayaana maalintaa meesha noogu qalnaa hadaanu nahay reer C/casiis Cali Nuur.

Isla markiiba waan sii dhaqaajinay aniga iyo aabo iyo wiilkii walaalkayga ahaa, masjidka ayan usii dhaqaajinay si aan salaadda jimcaha usoo tukano, salaadda kadibna guriga ayaan kusoo laabanay sheekooyin macaaan oo foorjo u badnaa ayaa nagu soo dhex maray waddada aabo iyo walaakey oo ku saabsanaa meesha aan kasoo helay gabadhan aan nuuceeda wali laga heli Karin dunida, marka aan sidaa leeyahay kama wada dunida balaaran ee waxaan ka wadaa dunida aan markaa ku noolaa.

Guriga ayaan wada nimmid waa la qadeeyay xogaa ayaa la iska nastay, aniga oo is leh gabadha soo wad oo bar aabe iyo aboowe, ayaa waxaa isla markiiba noo yimid laba gabdhood oo ila dhashay iyo gabadhii aan calmaday!

Fur-furnaata iyo dhex galka dadka waa u dhalsho ma ahan wax la iska yeelo yeelo ama la iska dhigi karo, qaalida naftayda isla markiiba si fiican ayay ula qabsatay gabdhaha walaalahay ah oo is faham ayaa dhex maray, sida loo sheekaysanayo, la iskuna dhex galay, ayaa laga dareemi karay,waxaana isla markiiba hadalka qaatay walaashey Ilhaan oo tiri “Aabe gabadhan waa qaalida Karaame wiilkaaga, waana gabadha aad mustaqbalka Soddoga u noqon doontid magaceedana waa Nimco.

Aabe si fiican ayuu isla markiiba usoo dhaweeyay, hadalkana masii badin oo wuu dareemi karay in gabadhu xishoonayso, meesha ayaa xoogaa la fadhiyay dhamaanteen oo marba qof la foorjaynayay sheekooyinna meesha lagu galay, oo qof walba mar ayuu sheekeenayay.

Galab qurux badan ayay ahayd runtii, markii la gaaray shanti galabnimo ayaan kaso dhaqaajinay meesha waxaana jeebka wax ii soo galshay wiilka walaalkey ah oo ogaa in aanan shaqayn oo wali aan wax barasho ku jiro, iyo gabar ka mid ah gabdhaha ila dhashay oo igu casuuntay gurigeeda in aan la imaado gabadhan qaaliga ah ee quluubta qoyskeena oo dhan wada qaadatay, waana ka wada aqbalnay runtii .

Maalin walba oo jimca ah marka la gaaro subixi hore sadex saac gacalisadayd waxay xaadir ku ahayd gurigayg, iyada oo markaa la mashquulsanayd gabadha yar ee ay hoyadey dhashay, waxaa jiray oo xusid mudan in qaalida nolosha ay maalin walba oo jimcah ah dharkayga dhaqi jirtay, umana dirsan runtii hadaan ku arkana waan ku qaylin jiray, balse, waxay ahayd wax ay iyada jeclaatay, dhowr jeerna iga codsatay in aan u daayo iyada oo igu dhihi jirtay “macaane waa hore ayaan isku kaa hibeeyay in aan ninkayga tahay ayaana aaminsanahay maadaama uusan wali I qaban nikaaxaaga” sidaas ayaana maalintii jimcaha lagu wada qaadan jiray guriga.

Waxay ahayd qof runtii fur-furan, aana ka xishoon waxa ay doonayso, jeclaydna maalinta jimcaha in ay aniga ila dhamaysato, xitaa marka aan kubadda aadayo waxay jeclayd in ay horey iisii raacdo, iyada oo jeclayd in ay dharka iisii qabato inta aan ku jiro cayaarta, marka aan dhamaystana sidaas ayaan iskula soo lugayn jirnay “allah maxay nolol macaan ahayd oo farxad ku dheehantahay, waa tuma gabadha geesinimadaas leh ee sidaa ugu dhiiran garta muujinta waxa ay doonayso, iyo ka farxinta nafta ay jeclaatay”!

La yaab ma lahayn oo dareenka aan habeenkii koowaad ee barashadeena ka qaaday ayaa fasirayay in meesha wax aan caadi ahayn kasoo socdaan, xaafadda oo dhan waan ka tilmaanayn labadeenaba, waxaana uga tilmaanayn, in aan ahayn laba qof oo aan ka xishoon jirin isku muujinta dareenkooda dhabta ah, wayna jireen mar walba dad si xun wax u sheegi jiray, laakin yaaba tooda ku jiray oo u taag hayay ku mashquulidda xumaantooda.

Waa jireen gabdho badan oo niyadda igu hayay ee ku noolaa xaafaddayda, anigana aan niyadda ku hayay barashada bilicsantan horteed, balse, waxaa dhaqay kuwaas oo dhan gabadhan noqotay mucjisada maankayga, waxaa jirtay in mar walb ay iga codsan jirtay in aan baro hooyadey, oo ahayd qof shaqaysa sida bandanna aan guriga joogin, waana ka cudur daaran jiray, maxaa yeelay cid iiga aqoon badan ma jirin hooyadey, oo waxaan dareemayay in arimahan jacaylka ah ee aan ku jiro aysan hooyadey xiisaynayn, raalina ka ahayn.

sidaa daraadeed ma rabin in aan hooyadey tuso, ama baro, si aysan u dareemin dhaawac qalbi, uusanna meesha u iman dareen ah ninka aad jeceshahay hooyadii kuma rabto,waxa aan dhowrayay ayaa ahayd dareeenka taan dunida ka doortay, waana ka codsaday runti In aysan igu cadaadin barashada hooyadey ayna u qaadan in aan wax ka qarinayo, balse, aan ku iri “waqtiga munaasabka ah ayaan ku barayaa ee dulqad suubi, wayna iga aqbashay runtii.

Shaqsiyan gabadh guriga ay ku noolayd ma ahayn guriga hooyadeed, oo waxay la noolayd habaryarteed oo hooyadeed iyada oo yar ayay dhimatay, waxayna iii sheegtay in habaryarteed ay tahay qof wanaagsan, balse, aan raali ka noqon doonin xiriirka ka dhaxeeya labadeena, iyada oo taa sabab uga dhigaysay in habaryarta ay la rabto Wiil ay dhashay, dhowr jeerna usoo bandhigtay, balse, ay ku waddo ilaa hadda iska daba wareejin iyo maaweelo, walina kala hor imaan diidmo qayaxan, oo abuurti karta khilaaf dhexdooda ah.

LA SOCO Q6AAD

W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

SHEEKOOYIN